Victoria Dec 04,2012(SDN)-Dawlada dalka Seychelles ayaa dhawaan dalkeeda ka soo dhoofisay dufcadii u horeysay oo ka mida tiro maxaabiisa oo dalkaa lagu maxkamadeeyay isla markaana loo soo dhoofiyay Maamul Goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyada Somaliland.
Seychelles ayaa dalkeeda xabsiyo ku yaal waxa ay ku heysaa ilaa 101 Burcad badeed Soomaali ah oo dalkaa lagu maxkamadeeyay oo ay soo qabqabteen ciidamada caalemiga ah ee ka hawlgala badaha Geeska Africa.
Seychelles ayaa haatan soo dhoofisay sagaal ka mida burcadii dalkeeda ku xidhneyd.
Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa hore heshiisyo ay maxaabiistan xabsiyadooda u dhigayaan waxa ay la galeen dalka Seychelles.
SDN-Victoria
contact@somalidiasporanews.com
