|

Shaadh uu ku yaal dhiigga heesaagii John Lennon oo kumannaan dollar lagu iibiyay

New York 01.July 2016 (SDN/QJ):- Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxa lagu iibiyay shaadh  uu xidhnaa nin waardiye ahaa oo lagu magacaabo Jay Hastings kaas oo ka ag-dhawaa xilligii la dilayay heesaagii caanka ahaa John Lennon oo ka tirsanaa kooxdii “The beatles”

Shaadhka DhiigaJay Hastings ayaa shaadhkan Kabadh ku xareystay, kaddib markii uu ka hubsaday in shaadhku leeyahay dhiigga heesaaga John Lennon oo magaalada New York uu ku dilay sanadkii 1980-kii nin heesihiisa jeclaa oo lagu magacaabo Mark Chapman.

 

Shaadhkan ayaa 36-sano kaddib waxaa lagu iibiyay adduun lacageed oo gaadhaya 41,280.83, waxaana iibisay shirkadda Heritage Auctions oo uu waardiyuhu u xilsaartay.

 

Jay Hastings ayaa waardiye ka ahaa daarta Dakota ee magaalada New York oo uu dagganaa heesaaga, waxaana dilka uu ka dhacay albaabka hore ee daartaasi.Ninka dilay heesaaga ayaa wali xabsi ugu jira falkaasi dilka ah ee uu geystay 36-sano ka hor.

Comments are closed