|

Shan danbiile oo ka mid ah Kooxda argagixisada ah ee Al shabaab oo Maxkamada Ciidamada Somalia ay Xukun ku riday

Muqdisho 31.October 2013 (SDN)- Afhayeenka Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa maanta ku dhawaaqay xukunno maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku ridday maleeshiyaad ka tirsan kuwa nabad diidka ah ee Al-Shabaab oo ciidamada ammaanka horey ay u soo qabteen,iyagoo ku howlanaa maleeshiyaadkaasi qaarkood falal ammaanka liddi ku ah.

Cabdullaahi-Maxamed-MuuseC/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyaadkani oo tira ahaan ah 5 ruux lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, islamarkaana ay ku cadaatay danbiyada loo heystay, ka dib maxkamaddu sida uu tilmaamay ay ku xukuntay 3 ka mid ah maleeshiyaadkani15 sano oo xarig,mid ka mid ahnawaxa ay maxkamadu ku xukuntay1 sano oo xarig ah,halka midka kale ay maxkamadu ay sii daaysay ka dib markii wax danbi ah lagu waayay.

Afhayeenka maxkamadda Ciidamada Qalabka sida C/llaahi Maxamed Muuse ayaa waxaa uu sheegay maleeshiyaadka maanta xukunka lagu riday ay racfaan ka qaadan karaan oo ay soo gudbin karaan waxyaabaha ay ka qabaan xukunkani.

Hay’adaha ammaanka Qaranka ayaa ku howlan howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo raga ka tirsan kooxda maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, iyadoo marka la soo qabto maleeshiyaadkaasi loo soo gudbiyo maxkamadda Ciidamada qalabka sida si ay ugu rida xukunno sharciga waafaqsan taa oo ay mahdiyeen bulshada Soomaaliyeed.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed