|

Wasiirka Amuuraha Dibada ee Somaliland oo Kulamo la Yeelanaya Wasiiro ka Tirsan Ingiriiska,kana waramay Ujeedada Socdaalkiisa

London 31.October 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, iyo weftigii uu hogaaminayay oo ku sugan magaaladda London ee dalka Britian. Ayaa maanta lagu wadaa inay kullamo la yeesheen Wasiirro ka tirsan dawladda Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha dibadda SaxWeftigan uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda, oo warfidiyeenada ayaa ka waramay u jeedada socdaalkiisa waxaanu sheegay in kulan khamiista (maanta) uu la yeelanayo Wasiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha afrika Mr. Simonds iyo xubno kale oo ay ka mid tahay madaxa David, Chatam House waxaanu yidhi, “Waxaa ugu wayn ee u socdaalkayaga u jeedadiisu tahay waxa weeye, waxaan la balan sanahay, wasiirka dawlada Ingiriiska, u qaabilsan arrimaha afrika Simens oo kulan aanu la leenahay maalinta khamiista ah (maanta), niman kale oo madaxa oo ay ka mid tahay David, Chatam House iyo xubno kale oo faro badan oo kale ayaan la kulmi doonaa, waxaan kala hadalaynaa arrimaha Somaliland, haddii Alle idmo waxaan ka baxayaa halka Jimcaha soo socda”.

waxaa kale oo uu ka waramay Wasiirka Arrimaha dibadda madaxdii dalka Masar ee ay kulmadda sheeyeen iyo waxyaabihii ay kawada hadleeen.“Dawladda Masar waxaaanu la kulanay madax kala gedisan, waxaanu la kulanay wasiirka waxbarashada sare oo aanu kala hadalnay deeqaha waxbarasho(scholarship) inay wax inoo baraan aradaydeena, waxa kale oo la kulanay wasiirka waxbarashada hoose oo qudhiisa aanu kala hadalnay sidii uu inooga caawin lahaa macaliin faro badan inuu wadanka keeno, balana way nooqaadeen inay macalimiin badan wadanka keeno dugsiyaddana inaga caawiyaan tababaro siiyaan macalimiinteena oo iskuulada inala dhisaan, waxaanu kale oo la kunay sheekha Azhar, oo isna aan waydiisanay inay inaga caawiyaan xaga tacliinta, xaga shareecada, isla markaana iskuuladooda, waxaanu waydiisanay inay inoo dhisaan iskuul Azhar oo ardeydu marka ay inamadu ka soo baxaan jaamacadda ay galaan”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaasi ku daray “Waxaanu la kulanay oo kale masuuliyiin ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta, wasiir khaarajiga dalka Masar iyana waxaanu intooda badan kala hadalnay arrimaha Somaliland talada ay goosatay in ay kaligeed gooni isku taagto, wada hadalad anaga (Somaliland) iyo Soomaaliya noo dhaxeeya sida aanu u rabno in sida ugu dhakhsaha badan labada wadan ee walaalaha ahi u kala tagi lahaayeen una noqon lahaayeen labada wadan oo jaar ah, taas ayaanu u sharaxnay wasiir khaarajiga Jaamacadda carabta iyo dhamaan dadkii aanu kulanay” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda. Wasiirka Arrimaha dibadda. Maxamed Biixi Yoonis, safarkiisa waxa ku wehelinaya wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo Sam-sam Cabdi Aadan.

London SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed