Hargaysa 14.Jan(SDN)
Hayadda Shaqaalaha dawladda ayaa maanta imtixaan Qiimayn ah , ka qaaday qaar ka mid shaqaalaha wasaaradda maaliyadda,kuwaasoo tiradoodu gaadhaysay 185 Hawl wadeen.
Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda oo Hadal dardaaran ah u jeediyay Shaqaalahan ka tirsan Wasaarada Maaliyada ee Imtixaanka qiimaynta ah u fadhiistay ayaa balanqaaday in aanay kaalin ku lahayn diyaarinta iyo Sixitaanka Imtixaanka waxaanu ka waramay ujeedada Imtixaankan oo uu ku tilmaamay inuu qayb ka yahay qorshe ay Xukuumadu ku abuurayso shaqo gelin,ay ka faa’iidaysanayaan dhalinyarada ka soo baxday Jaamacadaha Wadanka ,waxana uu u rajeeyey shaqaalahaasi inay muujiyaan aqoonta ay u yeelan karaan inay bulshada uga adeegaan hay’adaha dakhli ururineed ee laf dhabarta u ah dhaqaalaha wadanka.
Geesta kale Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Nuux Sh Muuse Ducaale ayaa iftiimiyay hanaanka ay u qaadayaan imtixaankaasi waxana uu sheegay in dhamaan Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada ee ku sugan caasimadda hargasysa iyo galbeedkeeda ay Maanta isku mar ka wada qaadeen,Waxaanu intaas ku daray in gobolada bariga Somaliland-na ay hal mar ka wada qaadi doonaan imtixaanka iyadoo ay hay’adda shaqaalahaa dawladdu wada shaqayn arintan kala leedahay sida uu yidhi wasaaradda maaliyadda.
Waa Dufcadii Labaad ee Ka Tirsan Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada ee u fadhiista Imtixaanka Qiimaynta ah .
Hargaysa SDN.
