|

Sheekh Caan Ka Ah Dalka Sucuudiga Oo Dawladda Iiraan Damacday Inay Kharaajiso

Riyadh 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Sheekha caanka ah ee lagu magacaabo Sheekh Caa’id alqarni ayaa hadal ku weeraray dalka iran kuna eedeyay inay iiran ka danbaysay isku daygii lagu rabay in lagu khaarijiyo sheekh caaid alqarni oo safar diineed ugu baxay dalka philipin

sheekh-caaid-alqarniWaxaana  uu Sheekh caaid alqarni hadalkiisa ku bilaabay sidan  :-

”Iran ayaa masuul ka ahaayd weerarkii laygu soo qaaday kaas oo loogu tala galay in laygu khaarijiyo

Iran oo caado ka dhigatay dilalka culimada muslimka”

Sidoo kale sheekha ayaa mahad celin u jeediyay dad tiro yar oo iiraaniyiin ah  kuwaas oo sanadkan ka soo muuqday gudashada waajibaadka xajka Kana yimi wadamo kala duwan Kadib markii ay dawlada iran ku dhawaaqday in ay joojisay dhamaan dadkii ka soo xaji lahaa dalkeeda,Iyagoo ka biyo diiday qaabka loo maamulo xajka.

Hase yeeshe bilihii ugu danbeeyay waxa soo ifbaxayay  khilaaf u dhexeeya dawlada sucuudiga ee reer boqor iyo dawlada shiicada u badan ee uu ugu horeeyo shiikha loo yaqaan (cali alkhaamini).

Comments are closed