Uncategorized

Shirka Somalida Loogu Qabanayo Denmark Oo Maanta Furmaya Iyo Dalal Muhiim ah Oo Ka Maqan

Copenhagen:Nov,19,2014(SDN/QJ)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 19-ka Bisha November, waxa lagu wadaa inuu Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ka furmo shirka lagaga hadlayo arrimaha somalida, gaar ahaan wixii ka qabsoomay Barnaamijkii Hiigsiga cusub.

faeShirkan oo ay wadaan Midowga Yurub, waxana uu yeeshay Waji cusub kadib markii laga waayey Dawladdo muhiim u ah arrimaha Somalida, kuwaas oo shirka kaga maqnaaday Khilaafka madaxda Somalida darteed.

Dawladaha ka maqnaaday shirkan ayaa ilaa iyo haatan lagu sheegay dalalka maraykanka iyo Ingiriiska, waxana labadan dal ay Halbawle u yihiin arrimaha Hiigsiga cusub ee somalida iyo sidii loo gaadhi lahaa dawlad shacabku soo doorteen.

Arrimaha kale ee shirkani inta aanu furmin la arkay, ayaa waxa kamid ah in Madaxweyne Xasan sheikh uu wato kaliya masuuliyiintii isaga taageerayaasha u ahaa, isagoo ka tegay cidkasta oo Xidhiidh dhaw la leh Ra’isal wasaare Cabdiweli sheikh oo ay dhawaanahan is hayaan.

Waxaa maanta la qorsheynayaa in magaalada Copenhagen uu ka furmo shir looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan waxyaabahii ka qabsoomay barnaamijka hiigsiga cusub sanadkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka qeyb galaya wakiilo matalaya qaar kamid ah maamul goboleedka ka dhisan dalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale goobjoog ka ah kulanka maanta ka furmaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com