Uncategorized

Wasiir Xirsi Qoraal Uu Kagaga Galgalanayo Qardoofooyinkii Dhallintii Xaqsoor Ku Beerlaxawsaday Shacabka Reer Balli-gubadle

Hargeysa:Nov,19,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada somaliland oo kamid ahaa waftigii shalay Xadhiga Jidka Balli-gubadle iyo Hargeysa u dhexeeya, ayaa qoraal uu sheegay inuu kaga falcelinayo Dhaqankii uu shalay halkaas ku arkay soo dhigay Boggiisa Face-book-gga.

hiilWasiir Xirsi oo si gaar ah loogu xasuusto Hadallo dhiif lahaa uu u isticaali jirey Da’yar kasoo jeedday deegaanka uu shalay tegay oo ciidanka Boolisku  ku laayeen Magaalada Hargeysa xilli ay diidanaayeen Natiijadii lagu reebay Ururkii Xaqsoor, ayaa haatan isku deyaya inuu taariikhdaas dib u masaxo, waxana uu ayaamahan u  heellanaa inuu taageero  ku dhex yeesho reer Balligubadle oo taageeradoodu haatan lagama maarmaan u noqotay.

Sababta uu wasiir Xirsi haatan u  Go’aansaday inuu Gobolka Hawd Taageero aanu abaal hore u dhigan ka raadiyo ayaa lagu sheegay inuu arkay sida ay Bulshada Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa Deggeni ua soo horjeeddo xukunka Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu isku qanciyey inuu inuu Dhinaca Hawd ka aasaaso xulufo cusub oo keeni karta inuu mar kale Madaxweyne Siilaanyo Haaneedo Hogaanka Dalka.

Wasiirka oo Ammaantu aad Mooddo inay Xadka kala baxday, ayaa xataa sheegay in subaxdii uu Balligubadle joogay ahayd mid ka duwan Subxaha kale oo if dheeri ah lahayd, waxana uu shacabkaas ku sheegay qaar Gobanimadu Biyo Dhigtay

Hadalka Wasiirku ku Ammaaanay Shacabka Reer Balli-gubadle, aya sidan ku Bilaabmay,

“Jawigii saaka ayaa ku bilowday wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo socdaal shaqo uugu baxay degmada Balli-gubadle.Socdaalka Madaxweynaha ayaan ku wehelinaynay tiro kamida Golahiisa Wasiirada, xildhibaanada golayaasha sharci dejinta iyo Gu urtida iyo Madaxdhaqmadeeyo tiro badan Ujeedada socdaalka ayaa ahaa sidii xadhiga looga soo jari lahaa 5km oo bilow u noqon doonta waddada isku xidhaysa Balli-gubadle iyo Hargeysa. Waxay ahayd subax iftiin badan oo dareen gaar ah lahayd , waxay ahayd subax horumar iyo horusocod badan qarankeena u soo kordhay Waxaa soo dhawayn iyo sabootin-ba isku daray shacabka gobta ah ee maanta martida loo ahaa isla markaana waftiga ku qaabilay qalbi furan iyo laab xaadhaan.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah Midigta Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana Foodsaare u ah  dhammanba Go’aamada uu madaxweynuhu Gaadho, ayaa Beerlaxawsigiisa sii watay, waxana uu markale dib u xasustay muhiimadda Deegaanka Balli-gubadle ugu fadhiyo shacabka reer somaliland,

“Hadaba , bilowga jidka isku xidhi doonaa Balli-gubadle iyo Hargeysa wuxuu muhiimad weyn uugu fadhiya qaranka Somaliland iyo dadkiisaba waana degmo xasuus iyo taariikh badan ku leh dalkan, ka xukuumad ahaana taageero buuxda ayaanu ka gaysan doonaa Insha Allah.”ayuu ku sheegay qoraalkiisa.

Wasiir Xirsi oo ka galgalanaya Waranka Xukuumadda Ku Taagan ee kaga imanaya Dabalaha sida Mawjadda u dhacaya ee Xisbiga Waddani ayaa si duur-xul ah udiray Farriin si dadban ugu socota Guddoomiye Cirro oo laf dhuun gashay ku ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu qoraalkiisa ku sheegay,

“Ugu dambayn waxaan kula dardaarmi lahaa Cid walba oo qarankan xil ka rabta ama doonaysa in ay xasuus xiiso badan quluubta dadka ku reebto “Ninkii u Hanweyn Hogaanka Dalkow , Hankaagu ha Dhaafo reer Hebel”

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com