|

Shirkii Xisbiga DDSE Oo Lagu Wado Inuu Dhawaan Furmo iyo Ka-qaybgalayaasha Oo Loo Qaybiyey Ajandaha Shirka

Jigjiga:Aug,31,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Gudaha Dawlad-deegaanka soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in la diyaariyey shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Dawlad-deegaanka, isla-markaana lagu wado inuu Halkaas ka furmo saacadaha soo socda.

cabdi cuamrWararku waxa ay intaas ku darayaan in maana ama berri la filayo in shirka la furo,  iyadoo shirku in badan dib u dhacay, maadaama oo uu xambaarsan yahay ujeeddooyin xaasaasiyad abuuray oo isbeddel cusub ku keeni kara Maamulka Halkaas.

Madaxweynaha DDSI, Cabdi  Maxamuud Cumar, ayaa ajandihii shirka u qaybiyey Maalintii shalay xubnaha gudida fulinta si ay shirka ka hor u sii dhuuxaan waxyaabaha laga doodayo.

Madaxwaynaha  ayaa lagu wada in uu diirada saaro waxqabadka xukuumadiisa islamarkaana uu iska difaaci doono dhaliilaha loo soo jeediynayo habka uu u maamulay Kililka  intii uu talada hayey.

Xubnaha ka soo horjeeda madaxweynaha ayaa dhankooda iyaguna soo bandhigi doona eedeymo iyo dhaliilo Xoog badan oo  ay u qabaan xukuumada Cabdi maxamuud  cumar oo muddo  soo haysay Hoggaanka Soomalida Ethiopia.

 

Wararka aan ka heleyno caasimada DDSI, Jigjjiga, ayaa sheegaya in ay wali gudida u qaybsan tahay 3 xubnood oo taageeraya madaxweynaha iyo 7 lid ku ah. Gudida ayaa lagu wada in doodaha kadib ay u codeyso in ay taageerto waxqabadka madaxweynaha ama inay taageeraan  kooxda  ka soo horjeeda dhaliilahana Huwinaysa

 

Cabdi Cumar ayaa ku doodaya in uu nabadgalayada dalka wax weyn ka qabtay islamarkaana xukuumadiisu hirgalisay mashaariic tiro badan oo dadka waxtar u leh. Waxaa kale oo dooda madaxweynaha ka mid ah in kooxda lidka ku ahi ay gacan-saar la leeyihiin kooxaha nabadiidka ah, gaar ahaan ONLF iyo Alshabaab.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed