|

Badda Kenya Oo Lagu Gubay Shixnado Daroogada Heroin-ta ah Oo ay Hore u qabteen

Mombassa:Aug,31,2014(SDN/QJ)-Waxa ay Maraakiibta Badda Dalka Kenya gubeen Daroogo qiimaheeda lagu sheegay ilaa 1.3-Bilyan lacagta dalka ah, taas oo ahayd Xashiishada nooca Heroin-ta loo yaqaano.

mudeeShixnadani daroogada ah ayaa waxaa lagu qariyay meel aad u hoosaysa oo bada dhexdeeda ah si loo yareeyo dhibaato  gaysata daroogadaasi.

Daroogadani ayaa la sheegayaa inay qayb ka ahayd markab daroogo ah oo horaantii June lagu qabtay xeebaha bada Mombasa kaasi oo la sheegay inuu qabtay markab laga leeyahay dalka Australia.

Magaalada Mombasa oo ah magaalo xeebeed ayaa waxaa sare loo qaaday howlgalka lagu xadidayo daroogada laga safriyo iyo mida loo soo safriyo ee soo galaysa xeebaha Mombasa.

Qaar kamid ah kooxaha daroogada ka ganacsada ayaa la sheegaya inay gabaad ka dhigtaan magaalooyinka gobolka Xeebta si ay qarsoodi uga ganacsadaan daroogada iyagoo adeegsanaya kumaan dhalinyaro ah oo iyaga laf ahaantooda la qabsaday daroodada Heroinka iyo Cocainta.

Dhinaca kale Madaxwaynaha dalkani Kenya, Uhuuru Kenyatta, ayaa isagoo la socda diyaarad helicopter ah waxa uu kormeerayay qaabkii loo qarxinayay shixnadaasi daroogada ahayd ee lagu qarxinayay gudaha badwaynta dalkani Kenya.

 

Qarxinta daroogadani ayaa waxaa fuliyay koox ka socota ciidamada bada ee loogu talo galay qarxinta waxyaabaha bada Kenya ee dhexdeeda lagu qarxinayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed