|

Siciid Sulub oo Hargeysa ka bilaabay qafaalasho la mid ah ta wiilka Muuse Biixi

Hargeysa (QJ)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka bilaabay olole ugub ah oo dad badani ay qariibsadeen isla markaana ku aadan ugaadhsiga dadka aragti ahaan kasoo hor jeeda.

Siciid Sulub oo kasoo ejeda beesha Garxajis ayaa xaafadda New Hargeysa oo reerkiisu ay degaan ka sameeyay dhalinyaro xiliga habeenkii jidadka u gala dadka aragti ahaan dhaliila isaga, iyadoo ololaha ay hor kacayaan wiil uu dhalay iyo niman kale oo aan ka fogayn jufadiisa.

Wiilka uu dhalay Siciid Sulub iyo kooxda uu samaystay ayaa la sheegay in ay bar tilmaameed ka dhiganayaan dhalinayrada Garxajis gaar ahaan kuwa Habaryoonis ee baraha bulshada ka dhaliila Siciid Sulub oo imika wajahaya cadaadis wayn iyo taageero la’aan beesha uu kasoo jeedo ka haysata.

Mid ka mid ah saxafiyiinta Hargeysa ka hawl gala oo Qurbejoog la hadlay isla markaana ay aad isugu dhawyihiin hayb ahaan Siciid Sulub wuxuu noo xaqiijiyay in hanjabaado abdan ay usoo dieen kooxdaasi kadib markii bartiisa Facebook uu kusoo qoray in Siciid Sulub ku fashilmay taageero uu Burco ka doontay, wuxuu saxafiga ooo ka gaabsaday in magaciisa aanu sheegno uu noo sheegay in uu raadsanayo hub si uu iskaga difaaco dhalinyaradaa maadaama ay isku hayb yihiin oo ay ku weerarayaan xaafadiisa dhexdiisa.

Arintan ayaa u eg falal uu wiilka Muuse Biixi dhalay iyo koox uu wataa ay Hargeysa ka samaynayeen muddooyinkii dhawaa, iyadoo badi shacabku ay si wayn ugasoo hor jeedsadeen arintaas.

Siciid Sulub waxa beesha uu kasoo jeedaa ay ku dhaliilaysaa in uu dabo-dhilif u noqday Muuse Biixi iyadoo uu nin wayn oo culus yahay isla markaana aanu joogin maqaam isaga lagu shaqaysto. Dhawaan ayay ahayd markii uu weji gabax kala kulmay magaalada Burco oo uu rabay in uu taageerayaal ku samaysto, halka hore loo wada arkay iayda oo xaflad Hargeysa ka dhacday lagaga qaylinayo.

Comments are closed