|

Maxamuud Xaashi: Yaa kasoo saaray godkii ay Heego ku riday

Hargeysa (QJ)- Maxamuud Xaashi Cabdi, waa siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii Somaliland iyadoo shacabka Somaliland ay si wayn u barteen xiligii uu talada dalka hayay Axmed Siilaanyo, markaas oo uu qabtay xilal wasiir oo kala duwan.

Siyaasigan oo hayb ahaan kasoo jeeda beesha Habarjeclo ayaa dagaal dhinacyo kala duwan ah ay la galeen kooxda lagu naanayso HEEGO ee taageerada u ah madaxweynaha Somaliland, iyadoo Muuse Biixi laftiisu uu mar ku yidhi Maxamuud “waxaad tahay tuug”. Dagaalka ay kooxda Muuse Biixi iyo isaga laftiisu la galeen Maxamuud Xaashi ayaa ahaa mid si wayn loo dareemay iyagoo ku tilmaamay in uu yahay tuug musuqay mashaariic badan oo ay ka mid yihiin dhismaha madaarka Hargeysa iyo mid ka mid ah mashaariicda biyaha Hargeysa oo fashilmay sanado kadib, waxaanay taasi dhaxal siisay Maxamuud Xaashi in uu noqdo mid qol ku xidhan oo waaya taageero bulsho iyo mid beeleed labadaba.

Maxamuud Xaashi oo la daalaa dhacaya fadeexadaha ay Heego u samaysay iyo dagaalada ay la galeen ayay u guntadeen dhalinyaro beesha uu kasoo jeedo ee Muuse Abokor ahi, iyadoo ka bilaabay ololahooda baraha bulshada oo ay ku buunbuuniyeen Maxamuud Xaashi iyagoo u bixinaya naanayso uu ka mid yahay Jookarka Siyaasadda, waxayna wadeen muddo laba sanno ah ololahaas oo ugu danbayn keenay in Maxamuud uu kasoo baxo godkii lagu riday ee Heego ay rabtay in aan dib loo arag kuna kala dilaan Maxamuud iyo bulshada.

Heego, si aynu u fahano waxay ka koobnaayeen Madaxweynaha Somaliland, dhalinyaro baraha bulshada ah oo Kulmiye iyo beesha madaxweynaha ku abtirsata iyo kooxda kaambaynka Muuse Biixi oo ganacsato reerkiisa ahi ay ku jirtay.

Waxa xusid mudan, in dhalinyarada Muuse Abokor ee Maxamuud Xaashi u yeelay saamayntu ay marar badan ku khasbeen in uu hadlo oo waliba si adag u maago Muuse Biixi isaga oo aan ka raali ahayn welina raba xisbiga Kulmiye. Waxa ka mid ah hadalkii uu September 2020 ka jeediyay Ambassador Hotel kaas oo uu hadaladii abid ugu kululaa ku duray Muuse Biixi.

Maxamuud Xaashi wuxuu taa abdalkeeda bixiyay lacago tiro badan oo uu siiyay kooxaha dhalinyada ah ee buunbuuninta u sameeyay oo dhammaan reerkiisa kasoo jeeday marka laga tago dada ay lacago siiyeen siina dehex mareen oo ka caawiyay dhanka baraha bulshada. Lacagaha uu bixiyay ayaa saamaxay in uu dad kale oo badan sii hantiyo kadiba ay dadku aaminaan samaaynta samayska ah ee ay dhalinyaradaasi dadka dhegaha ugu rideen, isla markaana wadeen mudada 2-da sanno ah.

Comments are closed