Muqdisho 04. February 2017 (SDN/QJ):- Guddiga doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa soo saaray Jadwalka khudbadaha musharaxiintu ka hor jeedin doonaan xildhibaanada Baarlamanka.
Musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha oo gaaraya 24 ayuu guddiga u qeybiyey sadex qeybood oo min 8 ka kooban, waxaana qeybta koowaad la dhagaystay Khudbadahoodii Maalintii Khamiistii ee Doraad, halka labada qeybood ee hadhay ay Sabtida Maanta iyo Axada beri jeedin doonaan khudbadooha.

