|

Siyaasi ka tanaasulay qadiyada Somaliweyn oo Hargeysa ku guryo noqday

Hargeysa Feb 28,2012(SDN)-La taliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhada Jaamac Xirsi iyo dadweyne kale ayaa Maanta kaga Hortagay garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Maxamed Cabdi Cige oo ka mid ahaa Shakhsiyaadka u dhashay dalka ee ka soo horjeeday gooni isu taaga Somaliland hasa yeeshee haatan ka noqday Mabd’aas kadibna uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxaa kale oo Muwaadinkan kaga hortagay garoonka diyaaradaha ee magaalada hargasya boqorka, Salaadiinta Beesha uu ka soo jeedo, Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimada, shaqaalaha Madaarka iyo dadweyne kale Waxaana halkaasi ka hadlay Boqor Axmed Ugaas Iimaan, Suldaanka Iid C/laahi Xirsi iyo Suldaan Nadiif Xusseen Jibriil iyagoo sheegay in talaabada uu qaaday Maxamed Cabdi Cige ay tahay mid lagu farxo isla markaana loo baahan yahay sidii laga wada shaqayn lahaa wax kastoo
danta qaranku ku jirto.

Maxamed Cabdi Cige ayaa dhiniciisa ka waramay waxyaabihii sababay ka tagista dalka iyo soo noqoshadiisa maanta Waxaana sheegay inuu ilaahay uga mahadnaqayo in khalad uu galay uu ka soo hadeeyay isagoo u mahadceliyay madaxweynaha JSL oo u sameeyay Cafiskan uu dalkiisa hooyo ku yimid , waxaa kale oo uu u mahad celiyay cid kastoo ka qayb qaadatay soo laabashadiisa.

Maxamed Cabdi Cige waxa uu Xukuumada ku amaanay dedaalka ay ugu jiro sidii beesha uu ka soo jeedaa ay uga dhex muuqan lahayd masraxa siyaasadeed ee dalka isagoo ka dalbaday in inta dhimana dhamaystiro Barkhad Jaamac Xirsi oo ah la taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ee haatan talada dalka haysaa ay wax badan u qabatay beesha uu ka soo jeedo isagoo tusaale u soo qaatay inay dawladu kafaalo qaaday inay fiiga Jaamacada ka bixiso ardayda beeshan oo tiradoodu dhan tahay soddon arday , waxaa kale oo La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshadu uu tilmaamay in xukuumadu ka hawl-gashay sidii nabaradii dhaqan ee gaadhay beeshaasi looga daweyn lahaa.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed