|

“Somaliland Arrinteedu Way Caddahay inay isku Aragto Dal Madaxbannaan” Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q. Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr. Michael Keating DAAWO

New York 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Michael Keating, ayaa ka hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, halka uu sidoo kale ka digay in mar kale muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda Muqdisho oo hadda doorashada dadban ee Soomaaliya dib loo dhigay muddo bil ah.
Mr  Michael KeatingErgeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Michael Keating, ayaa Sheegay in aanay Siyaasadda Somaliland waxba ka khuseyn shakhsiyaadka reer Somaliland ee ka tirsan Dawladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Wakhtigan ka doonayaba, Maadaama oo Somaliland isku aragto dal ka madax-bannaan Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo Waraysi ay la yeelatay Warbaahinta Inner City Press ayaa wax laga waydiiyey arrimaha Somaliland iyo aqoonsi-raadinteeda, Iyadoo La waydiiyay Su’aal Nuxurkeedu ahaa suurto-gelnimada wada xaajoodyo khuseeya arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mar warbaahinta inner City Press ay soo Xiganaysa hadal uu hore u yidhi Danjiraha dawladda Ingiriiska ee Qaramada Midoobay Peter Wilson.
Wakiilka Xoghayaha Guud oo warbixin khusaysa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ka jeediyey Golaha Ammaanka, ayaa kadib waxa uu la hadlay saxaafadda, iyadoo la weydiiyey su’aalo khuseeya qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland oo aragtidiisa ka dhiibtay.

Comments are closed