|

Somaliland Iyo Punt Land oo lagu qanciyay inay Joojiyaan Colaadaha Ka Aloosan Bariga Gobolka Sanaag Iyo U Hogaansanaanta Labada Dhinac

Hargaysa 26.July 2016 (SDN/QJ):- Sidaan la soconno gobolka Sanaag waxaa labadii todobaad ee u danbeeyay ka taagnaa xiisado keenay in dad ku dhintaan dadna ay ku dhaawacmaan.

ciidamada somaliland vs punt landDawlada Itoobiya iyo Isimada caanka ah ee gobolka Sanaag ayaa Xukuumada Somaliland Iyo Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ku qanciyay inay is xakameeyaan oo ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay ciidamada ka keeneen.

Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in xiisaddu ay u muuqato mid gabi ahaanba meesha kasii baxaysa kadib markii labada dhinac ay aqbaleen in ciidamada dib loo kala riixo.

Ciidankii Somaliland ayaa Wax yar ka soo Ruqaansaday Goobihii lagu dagaalamay Inkasta oo Xukuumadda Somaliland ay Qaadacday inay Deegaanada Bariga Sanaag ka Joojinayso Hawlgalka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Halka Ciidanka Puntland  dib ugu Noqday Halkii ay Weerarka ka soo qaadeen.

Dhinaca Kale Warar ay Shabakada Qurbejoog ka Heshay Ilo lagu Kalsoon yahay oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa Sheegaya in Kala Durkinta labada Ciidan ay Kaalin Mug leh ka Ciyaartay Dawlada Itoobiya oo labada Geesoodba uga digtay  Dagaalo Sababa Colaad riiqdeedu dheeraato Isla markaana Saamayn ku yeesha amniga Mandaqada.

Haatan waxa la sheegaya in dareenka collaaddu daggan yahay oo aysan jirin mashaakil deg deg ah oo laga baqayo, waxana taas ku guulaystay Sida Warku Sheegayo Dawlada Itoobiya iyo isimada gobolka Sanaag.

Comments are closed