|

Xukuumada oo aqbashay in Axsaabtu May 18 gooni u xusi karto

Hargeysa (QJ) – Axsaabta mucaaridka ayaa caawa kulan saacado qaatay oo ay EU soo abaabushay la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulan ayaa waxa looga arinsaday qodobo ay ka mid yihiin khilaafka doorashooyinka iyo xuska debaaldega maalinta May 18 oo xukuumadu sheegtay in aaney xus gaar ah qaban kareyn.

Cabdilaahi Cukuse oo shir jaraadi Hargeysa ku qabtay caawa ayaa sheegay in isfaham laga gaaray xaflada May 18, halka muranka siyaasiga ah la isaga iman doono xuska dabadii.

Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in Xisbiyadu si gaar ah u xusi karin May 18, halka mucaaridkuna uu guddi abaabul u saaray xuska.

Si kastaba ha ahaatee, Axsaabta mucaaridka ayaa in dhawaalaba kordhiyay dedaalo lagu xakameynayo dawlada oo diidan in dalka ay ka dhacdo doorsho xor ah oo xalaal ah.

 

Comments are closed