Columbus Nov 16,2012(SDN)-Ciidamada FBIda ayaa diwaan ay dhawaan soo saaratay oo lagu magacaabay argegixisada caalamka ayaa waxa lagu xusay magaca mid ka mida dagaalyahanada Ajaanibka ah ee Shababka ka garab dagaalama.
Cumar Shafiq Xamamai oo Alabama ku dhashay oo Soomaaliyana looga yaqaano Al Amriki oo 2006dii Soomalaiya u tegay in ka dagaal galo ayaa looga digay Soomalida ku nool Ohio.
Amriki oo hore u daabacay qoraalo una faafiyay fariimo muuqaal ah oo uu ugu baaqayo dhalinta muslimiinta ah in ay Soomaaliya u jihaad tagaan ayay FBIdu ka walaacsan tahay.
“Xamaami (Amriki) weli waa khatar sababta oo ah waa ruux ugu baaqi kara dadka Englishka ku hadla in ay Soomaaliya u jihaad tagaan”ayey FBIdu sheegtay.
“Waxa jira dad Minneapolis loo hayo in ay Shabaabka ka garab dagaalameen,ma dooneyno sidaas oo kale in ay ka dhacdo meel kale,waana sababtaa ta aanu ula shaqeyneyno bulshada Soomaalida iyo ciidamada amaanka.”ayaa lagu yiri qoraalka FBIda.
FBIdu kama ay hadal in Ohio ay jirto cid ka tagatay ama qorsheyneysa in ay ka tagto.
SDN-Columbus
contact@somalidiasporanews.com
