|

Suldaan Mawliid Sabayste oo Xaal ka Bixiyey Hadal Xanaf leh oo Ka soo Yeedhay Suldaanka Guud ee Beeshiisa DAAWO

Hargaysa 20. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaaan Mawliid Cali Sabayste Oo Ka mid ah Salaadiinta Gobolka Maroodi Jeex ayaa Baaq u diray Salaadiinta  Somaliland oo uu ka dalbaday inay Faraha kala baxaan Siyaasadda Isla markaana Joojiyaan Weedhaha Xanafta leh ee ay Warbaahinta Gudaha isu marinayaan.

Suldaan Mawliid Sabayste oo la hadlay qaar ka mid ah Telefishanada Somaliland ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay hadalo bulshada Somaliland kala fogaynaya oo maalmihii u danbeeyay ay Warbaahinta Muuqalka ah isu marinayeen Waxaanu sheegay in Shacabka Somaliland ay Maanta Cabasho weyn ka tirsanayaan Salaadiinta dhaqanka derajo kasta oo ay leeyihiin.

Suldaankani Wuxuu ka dalbaday Madax dhaqameedku inay ku eekaadaan hawsha dhaqan ee ay u xilsaaran yihiin Isla markaana ay faraha kala baxaan Siyaasadda maadaama aanay ahayn sida uu yidhi Xil loo igmaday bah’da dhaqanka,Waxa uu Suldaan Mawliid Sabayste nasiib daro ku sifeeyay in Salaadiintii Nabada iyo Wada noolaanshaha bulshada ka talin lahaa inay isu rogaan kuwo Colaad kala dhex dhigaya Shacabka Ul iyo diirkiisa ah ee Somaliland.

Geesta Kale Suldaan Mawliid Sabayste Waxa uu Sheegay inuu Raali gelin ka bixinayo hadal ka soo yeedhay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo uu Xusay inuu Khaldanaa Isla markaana ay Cadow badan oo Somaliland leedahay uu hadalkaas ka faa’iidaystay Waxaanu sheegay in Shacabka Somaliland aanay maanta dhex oolin Wax Cunfi ah oo Xumaan laga dhaliyo.

Comments are closed