|

Suxufiga Ruug Cadaaga ah ee Siciid Cali Muuse oo Loo Magacaabay Xubin Cusub oo Komiishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargaysa 30.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta u Gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  laba xubnood oo ka mid noqon doona Komishanka Doorashooyinka Qaranka cusub, kuwaas oo ay Golaha Guurtiddu magacabaan.

siciid cali muuseGuddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu magacaabay Wariyaha Ruug Cadaaga ah ee Siciid Cali Muuse iyo C/qaadir Iimaan Warsame, kuwaas oo ka mid noqon doona xubnaha Cusub, waxaanay magacaabista labadan xubnood ka danbaysay kadib markii Madaxweyne Siilaanyo ku soo celiyey labadii hore uga tirsanaan jiray.

Hargaysa SDN/QJ

qurbejoog.com

 

Comments are closed