|

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyad ah Ku meel Mariyey Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah Oo Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo usoo Gudbiyey

Hargeysa:Sep,30,2014(SDN/QJ)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta Cod Aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo Dhawaan usoo Gudbiyey Gudbiyey, iyadoo Sidoo Kalena Meel Mariyey Qaraar Kale oo dooddii Goluhu ka Yeeshay  Arrinta Diiwaangelinta Ka Dhashay, kaas oo ah In Labada Doorasho ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ay isku mar Qabsoomaan.

wakii Xeerka Maanta  La ansixiyey, ayaa waxka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyey, iyadoo la waafajiyey Heshiis xeerkan ku tacaluqay oo ay Saddexda Xisbi-qaran iyo Xukuumaddu  hore iskula Meel-dhigeen si Meesha looga saaro Shaki ay Mucaaridku ka Muujiyeen.

Qaraarka ku lamaanaa Xeerka Maanta La Ansixiyey ee Diiwaangelinta oo ahaa, kasoo dhex baxay Dooddii Golaha, waxana Soojedin Goleweyne la iskula Gartay in cod loo qaado, isla-markaana laga dhigo qoddob sharci ah, kaas oo lagaga hortagyo in la kala saaro Doorashooyinka Madaxtinimada iyo Baarlamaanka oo  u qoondaysan in la qabto Sannadda 2015-ka.

 

Meel-marinta Goluhu Maanta ku sameeyey Qaraarka  Labada Doorasho is dulsaaraya, ayaa Khasab ka dhigaya inaan doorashooyinkaas la kala reebin, waxana ay Goluhu Tallaabadan Saldhig uga dhigeen Soo jeedimo hore madaxweyne Siilaanyo uga Yimi oo ahaa inaan dalku Doorashooyin   Soo Noqnoqda  qaadi Karin oo Loo baahan yahay midaynta Doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed