|

Suxuufiyiinta Muqdisho oo cabsi weyni soo wejahday dilkii Agaasimihii Shabeelle

Muqdisho Jan 31,2012(qurbejoog.com)-Wariyeyaasha magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u danbeeyay ay soo wejahday cabsi saaid ah ka dib dilkii dhawaanta loo geystay Agaasimihii Iddaacada Shabeelle Marxuum Xasan Cusmaan Cabdi.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi ayaa saxaafada kiyoo indhihiisa ilmo ku soo joogsatay u akhriyay fariin loo soo diray: “Hadii Alle idmo waxaad noqon doontaa kafirka xiga ee la dilo”.

Ka dib dilkii maalinimadii Sabtidii loogeystay Marxuum Xasan Cusmaan Cabdi suxuufiyiintii ay asxaabta ahaayeen waxa ay ka baqeen xitaa in ay ka qeybgalaan aaskii marxuumka ee Axadii.

Waa dilkii labaad ee mudo laba bilood gudahood loogeysto Suxufi Muqdisho ka hawlgala,oo waxa isna la dilay wariyihii Horn Cablr TV ee Muqdisho Cabdisalaan Sheekh Xasan.

Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed