Perth Mar 24,2012(SDN)-Warbixin dhawaan lagu daabacay dalka Australia ayaa lagu shaaciyay in Soomaalida wada gawaadhida Tagaasida ay cunaan qaadka xiliga ay shaqada ku jiraan.
Macalimad ka dhigta Jaamacada Queensland Heather Douglas oo baaritaankan sameysay ayaa sheegtay in ay ogaatay in Soomalida Tagaasileyda ahi ay qaadka cunaan iyaga oo wada gawaadhida.
Qaadka ayaa ka baxa qeybo ka mid ah dalkaasi,waxaana lagu beeray sanadahii 50maadkii iyo 60maadkii.
Soomaalida qaar oo ka qeyb qaatay baaritaanada Jaamacadu sameysay ayaa sheegay in ay joojiyeen in ay cunaan Qaadka xiliga ay shaqeynayaan ka dib kolkii ay is arkeen in ay gawaadhida xawli ku wadaan.
Taagasileyda qaar ayaa tiraba dhawr la siiyay taqsiirado ka dib kolkii ay gawaadhida si xawli ah ku wadeen.
D’Arcy Holman oo ka tirsan gollaha degaanka Perth isla markaana ka mida guddi nabedgelyada wadooyinka ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in wadayaasha tagaasidu ay marqaansan yihiin xilga ay shaqeynayaan.
SDN-Perth
