Edmonton Dec 24,2014(SDN/QJ)-Taageerasha xisbiyada Wadani iyo UCID ee Gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa wax aka dhex curtay khilaaf noociisa aan hore loo arag oo saxaafada dalkanina ay hurineyso.
Khilaafka oo ku soo horeeyay xisbiga UCID ayaa haatan sababy dagaal dul jiif ah kolkii ay xisbiga Wadani is yiraahdeen ka faaiideysta.
Khilaafka ayaa salka ku haya Jawaab uu madaxa xisbiga UCID ee Alberta ka bixiyay eedeyn uu Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee xisbiga UCID Cumar Mahdi oo dhawaan iscasilay uu u jeediyay Guddoomiyaha guud ee UCID Md Faysal Cali Waraabe.
Xisbiga Wadani oo u muuqda in ay u gacan haatinayeen Cumar Mahdi ayaa deeto soo abaabulay sumad laaweyaal xisbiga UCID ka aflaageedeeyay iddaacada laga dhegeysto Edmonton.
Idaacada Wareysatay Ruuxa la garan waayay ee UCID sheegtay ayaa waxa tafatire ka ah Guddoomiyaha Wadani ee Edmonton Abdo Bakal.
Dagaalkan Xisbiyada Wadani iyo UCID ee Canada ayaa u muuqda mid haatan galay marxalad aan hore looga baran taageerayaasha Qurbejooga ah ee axsaabta Somaliland.
Xisbiga UCID laantiisa Alberta ayaa haatan wada qoeshe ay arinkan uga jawaabayaan oo sababi kara in xaaludu gaarto qir iyo qir.
Si kastaba ha ahaatee axsaabta Somaliland ayaa ah kuwa keliya ee dunida ka jira ee hadan laamo ku leh dalal shisheeye ah.
SDN/QJ-Edmonton
contact@qurbejoog.com
