Hargeysa:23-Oct-2013 (SDN) – Guddida fulinta Xisiga talada haya ee KULMIYE, ayaa xalay cawayskii si rasmi ah u ansixiyay Xubnaha loo soo xulay qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo lagu wado inuu qabsoomo 25/12/2013, oo maalmihii u dambeeyey meel-marintooda la isku mari la’aa.
Soo xulista iyo ansixinta xubnaha Guddida qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga waxay muddooyinkii u danbeeyay doodo iyo afkaaro kala duwan ka dhex-dhalisay Madaxda Xisbiga KULMIYE. Balse sida hadda waxay ku soo afmeerantay qaab is afgarad ah, waxaanay dhinacyadii Guddida fulinta ee ku kala aragtida duwanaa ansixiyeen Guddidii qaban-qaabada oo uu bilawgii toddobaadkan soo magacaabay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Kulammo maalmihii u dambeeyey u socday Madaxda Xisbiga ayaa lagu soo afjaray khilaafka jiray, kulammadaas oo uu u dambeeyey kulan shalay la isugu gabbal-dhacsaday oo ka socday Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici ee magaalada Hargeysa. Kaasoo ay ka qaybgaleen 34 xubnood oo ka mid ah Guddida Fulinta KULMIYE, waxa 27-ka Xubnood ee Guddiga Fulinta loo xulay Ansixiyay oo codka haa-da u qaaday 31 ka tirsan Guddiga fulinta, laba xubnood, ayaa ka aamusay, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanay ku ansaxeen Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga oo ka kooban 27 xubnood.
Sida lagu sheegay Shir Jaraa’id oo ay xalay Madaxda KULMIYE ku qabteen Hargeysa, ayey sidaa ku caddeeyeen, waxaanay shirkaa sidoo kale ka sheegeen in xubnaha uu hore u soo xulay Guddoomiyaha Xisbigu lagu kordhiyey 8-xubnood, kuwaasoo tirada Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye ka dhigay 27 xubnood. Waxaana shirkaa Jaraa’id laga akhriyey magacyada 27-ka xubnood ee Guddiga qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE oo hore loogu muddeeyey 25 December, 2013.
Qoddobka labaad ee la isla qaatay waxa weeye, Guddiga Fulinta ee KULMIYE waxaannu kordhinay 7 xubnood oo aannu ka soo qaadnay ururradii RAYS, DALSAN iyo UMMADDA ee KULMIYE ku biiray. Waxa kaloo la buuxiyey 5 xubnood oo ka dhinaa Guddiga Fulinta oo ahaa wax dhintay iyo wax xisbiga ka baxayba oo tiradoodu noqotay 35 hore iyo 7 lagu daray oo isku noqonaya 42 xubnood. Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Guddiga Fulinta ee KULMIYE dadaalkii iyo niyad-samaantii ay isku raacday.”
“Qoladiina saxaafaddu in badan waxaad tidhaahdaan dhul-gariir ayaa ka imanaya KULMIYE, horta KULMIYE xisbi dhul-gariir ka imanayo maaha, qaar saxaafadda ka mid ahi maalmahanba waxay doonaan ayey qorayeen oo qaarkood ayaan warka xun iyo beenta mooyee wax kale qorin, haddaanay xisbiyada kale doodda aqoonin, haddaanay xisbiyada kale sharciga isku qabsan, haddaan dad kale qayladooda la maqal KULMIYE caado ayey u ahayd markuu shirayo in dood kululi ka dhacdo. Waxa kale oo aan u sheegayaa saaxiibadayada mucaaradka oo muddo iibinayey sariirihii baanu sii diyaarinay dhaawaca KULMIYE la dhigi lahaa iyo gurmadkooda ayaanu soo galaynaa, waxaan leeyahay sidaa aannu ku bilownay ayey ku dhammaanaysaa, horena waad u taqaaneen oo weligiiba KULMIYE oo shirayaa ma gariir-waayin, haddana natiijo fiicani kamay soo bixiwaayin, markaa waxaan u sheegaynaa qaranka iyo ummadda Somaliland waxa u dan ah KULMIYE inuu go’aan wanaagsani ka soo baxo, caawana (xalay) kii la rabay ayaa ka soo baxay ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid dimuqraadi ah oo ay suurto-gal ka dhex tahay dood adag iyo tanaasul labadaba. Waxaanu bogaadiyay go’aanka ay soo saareen xisbigoodu.
Magacyada 27-ka xubnood ee Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha KULMIYE:
1. Aamina Yuusuf Aar
2. Faarax Yuusuf Nuur (Xadhigle)
3. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
4. Abubakar Xaamud Jibriil
5. Sahal Maxamed Jaamac
6. Farax Faarax Cali
7. Dr. Cumar Cilmi Dixood
8. Cabdirisaaq Waabari Rooble
9. Xil. Saleebaan Cawad Bukhaari
10. Amaal X. Axmed Miisaan
11. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdi Giirre)
12. Xil. Maxamed Jaamac Cabdi
13. Xil. Siciid Cilmi Rooble
14. Cismaan Garaad Soofe
15. Xil. Maxamuud Axmed Obsiiye
16. Mustafe Faarax Dhoorre
17. Xil. Ibraahim Axmed Haybe
18. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
19. Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa
20. Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)
21. Maxamuud Axmed Saalax
22. Yaasiin Maxamuud Cabdi
23. Ibraahim Cawke
24. Fu’aad Maxamed Cumar
25. Yuusuf Nuur Maxamed (Gurruuje)
26. Xasan Mowliid
27. Cabdiraxmaan Maxamuud Carraale.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
