Mujaahid Ooto Biixi Oo Xabsiga Laga Sii Daayay Iyo Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Xadhigiisa

    Hargeysa,20Dec,2015(QJ/SDN)-Ciidamada ammaanka ayaa xalay soo daayay Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi) oo shalay xabsiga loo taxaabay. Afhayeenka xisbiga Waddani xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa xukuumadda Somaliland ku cambaareeyay xadhigaas Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi). Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa, ka hor soo daynta Mujaahid Ooto,  wuxuu xukuumadda ugu…

    Read More

      ‘’Hargeysa Waa Magaalo Aad U Koreysa,’’ Sheekh Maxamed Idiris Oo Ammaanay Horumarka Hargeysa

      Hargeysa,20Dec,2015(QJ/SDN)-Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa amaanay horumarka dhinacyada badan ee ka socda Magaalada Hargeysa. Sheekh Maxamed oo socdaal kooban dhawaan ku yimid Caasimadda Hargeysa, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa sidan u dhignaa; Hargeysa Maxaan kusoo arkay?…

      Read More

        Somaliland: Sariflayaal Laga Mamnuucay Inay Baanka Dhexe Galaan, Ka Dib Markii Ay Madaxtooyada U Bandhigeen Aragtidooda Dejinta Sicir Bararka

        Hargeysa,20Dec,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah sariflayaasha magaalada Hargeysa ayaa loo diiday inay galaan baanka, ka dib markii ay madaxtooyada kaga hadleen aragtidooda lagu xalin karo sicir bararka dalka saameeyay. Axmed Xasan (Awliyo), oo ka mid ah Sariflayaasha waaweyn ee Hargeysa ayaa cadeeyay in loo diiday Baanka dhexe ee Hargeysa  inuu galo isaga iyo xubno kale oo…

        Read More

          ”Ummadda Somaliland waxay is-waafajiyeen Hannaanka Dimuqraadiyadda, Dhaqanka iyo,..’’ Nuxurka Dood Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyay Danjire Kay

          Hargeysa,20Dec,015(QJ/SDN)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo shalay xafiikiisa ku qaabilay ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Kay, ayaa wuxuu kula hadlay luuqad dood ah oo uu ku soo bandhigay aragtida Somaliland iyo arrimo badan. Kulankaas oo aan loo ogolayn saxaafadda madaxabanaan, ayaa waxa khudbadii uu Madaxweynuhu ka jeediyay warsaxaafadeed ka soo saaray afhayeenka madaxtooyada Xuseen-Deyr, waxaanu yidhi…

          Read More

            ‘’Somaliland Dhexdeeda Ayaan Mideysnayn, Maxaa yeelay Cunsurka Qabaliga ayaa Meel walba Yaalla,..’’ Xassan Sheekh

            Muqdisho,20Dec,015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kula hadlayay xidhitaanka dhalinyaro Muqdisho shir lagu sheegay aayo ka tashiga dhalinta Soomaaliya uga socday ayaa ku dooday inaanay Somaliland gudaheedu midaysnayn, isagoo kala meeqaam dhigay Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in masuuliyaddiisa koowaad tahay midaynta Soomaaliya “Mas’uuliyadda koobaad ee i saaran aniga waa…

            Read More

              Laba Beelood Oo Ku Wada Dagaallamay Meel U Dhow Magaalada Gaashaamo iyo Khasaaraha ka Dhashay

              Gaashaamo,19Dec,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaal Degaan koonfur bari ka xiga magaalada Gaashaamo ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia ku dhexmaray  beelo ka tirsan Habaryoonis iyo Dhulbahante. Sidoo kale waxaa la sheegay in dad badani ku dhaawacmay isku dhaca labada beelood. Inkasta oo aanay jirin warar faahfaahsan oo ka soo baxay labada dhinac, waxaa la…

              Read More

                Ururka Al-shabaab Oo Hanjabaadii Ugu Kululayd Usoo Diray Dowladda Somaliland {DHAGEYSO}

                Muqdisho,19Dec,2015(QJ/SDN)-Ururka dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ayaa hanjabaadii ugu kululayd usoo diray Somaliland, iyagoo dowladda Somaliland ku eedeeyay inay mamnuucday barashada Kittaabka Al-walaa Wal-baraa. Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ururka Alshabaab ayaa sheegay in magaalada Hargeysa looga dhawaaqay in dadka gaadhay da’da 20jirka ah aanay dhigan Karin kittaabka Alwalaa Walbaraa, isagoona Sheekh Fu’aad…

                Read More

                  XIsbiga Waddani Oo War-Saxaafadeedyo Kasoo Saaray Sixir Bararka iyo Iibinta Maktabadda Gaandi DAAWO

                  Hargeysa,19Dec,2015(QJ/SDN)-Xisbiga Muraacidka Ah Ee Waddani oo war saxaafadeedyo kasoo saaray sicir bararka baahsan ee dalka ka jira iyo Iibinta Maktabadda Gaandi. Halkan hoose ka akhriso ama ka daawo; Saymaha sicir-bararka, sarrifka duulay iyo suuqa madow Odhaah Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Af noolina waa hadlaa….” Maansayahankeennii waddaniga ahaa ee Cabdi Iidaan Faaraxna mararka uu arrin saro si…

                  Read More

                    Danjire Kay Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo DAAWO

                    Hargeysa,19Dec,015(QJ/SDN)-Nicholas Kay, danjirihii qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland iyo madax xukumaddiisa ka tirsan. Socdaalka Mr Kay ku yimid Hargeysa ayaa ah mid sii sabootin ah, kadib markii dhawaan xilkaasi laga bedelay. Waxa uu ka mahadceliyay mudadii uu soo hayay xilka, inkasta oo intii badnayd Somaliland iyo Kay…

                    Read More

                      Dowladda Kenya Oo Soo Bandhigtay Magacyada iyo Sawirrada 11 Qof Oo Lagu Eedeeyay Inay Maleegayeen Weerraro

                      Nairobi,19Dec,2015(QJ/SDN)-Hay’adaha Amniga dalka Kenya ayaa sooo bandhigay magacyada iyo sawirrada 11-qof oo lagu eedeeyay inay maleegayeen Weerarro Argagixiso oo laga geysto gudaha dalka Kenya. Eedeysanayaashan ayay dowladda Kenya sheegeen inay yihiin kuwo hubeysan oo khatar ku ah amniga dalkeeda, iyadoo xustay inay horay uga qayb-qaateen weerarkii deegaanka Mpeketoni ka dhacay sannadkii hore. Warbaahinta waddanka Kenya…

                      Read More

                        “Dhallinyarada Qurbaha KaTimid Waa Kuwo Ugu Badan Ee Soomaaliya Isku Qarxiya,’’ Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya

                        Muqdisho,19Dec,2015(QJ/SDN)-Taliyaha nabad-sugidda iyo Sir-doonka Somalia, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa sheegay in dhallinyarada isku qarxiya Somalia ay intooda badan ka yimaadeen dalalka dibadda ama qurbaha. Sidoo kale, Jen. Tuur-yare ayaa ku baaqay in laga hortago dhallinyarada lacagaha u soo dira Al-shabaab iyo kuwa ku guubaabinaya inay Somalia yimaadaan oo Al-shabaab ay ku biiraan, kaddibna is-qarxiyaan….

                        Read More

                          Sheekh Aadan Siiro Oo Sheegay In Madaxtooyadu Cid Gaar Ah Ku Wareejinayso Maktabada Gaandi

                          Hargeysa,19Dec,2015(QJ/SDN)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa sheegay in Xukuumaddu ku soo rogaal celisay Maktabadda Gaandi isla-markaana doonayso inay cid gaar ah ku wareejiso halka uu ku yaalo dhismaha Maktabaddu. Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Dulmigu u leeyahay Aadamaha, ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay diidaan in cid gaar ah…

                          Read More

                            “Dilalka Ciidamadu Waxay La Kowsadeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa” Muumin Seed

                            Hargeysa,19Dec,2015(QJ/SDN)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku dooday in dilalka saraakiisha ciidamada ee ay laynayaan askartoodu ay la kowsatay Madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa. Guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, oo saxaafadda kula hadlay Borama, wuxuu tilmaamay in laynta saraakiishu salka ku hayso maamul xumo baahsan oo dalka ka jirta, waxaanu tacsi u diray ciidamada…

                            Read More

                              Xildhibaanada Saddexda Xisbi Ee Wakiilada Oo Ka Hadlay Loolanka Loogu Jiro Kursiga Gudd. Cirro Marka Uu Baneeyo

                              Hargeysa,19Dec,015(QJ/SDN)-Xildhibaanada saddexda Xisbi ugu jira  Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan loolanka loogu jiro Kursiga Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo la filayo inuu iska casilo. Xildhibaanada oo kala ah Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Xildhibaan Weli Axmed Xaawa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani…

                              Read More

                              War Deg Deg Ah: Qarax Xooggan Oo Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

                              Muqdisho,19Dec,2015(QJ/SDN)-Wararka  naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in halkaasi qarax ka dhacay goordhaweyd. Dhawaqa Qarax aad u xoogan ayaa goor dhaweyd waxaa laga maqlay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kadib sidoo kale la maqlay rasaas aan la ogeyn cida rideysay. Sida aan wararka hordhuca ah ku heleyno qaraxa…

                              Read More

                                Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi: Siyaasiyiin Saaxiibtinimadoodu Laba Boglayso Iyo Waayaha Maanta

                                Hargeysa,19Dec,2015(QJ/SDN)-Marka aan raad-raac dheer la samayn ee la isku koobo jiritaanka xisbiga KULMIYE, Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi waxa ay isla soo mareen waayo siyaasadeed oo macaan iyo qadhaadhba lahaa. Mudadaas uu jiray xisbiga KULMIYE, oo ku siman 13 sannadood waxa ay isla soo mareen marxalado dhawr ah. Mar waxa la arkayay iyagoo jaanta isla…

                                Read More

                                  Ciidamada AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Deegaanka Golweyn Ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Faahfaahin Kasoo Baxaysa

                                  Muqdisho,19Dec,2015(QJ/SDN)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Konlonyo katirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM shalay qarax aan wali nuuciisa la xaqijin lagula eegtay deegaankaasi. Dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxu u ahaa mid aad xoogan , waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in qaraxu ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso…

                                  Read More

                                    ‘’Qaswadayaasha Waxaanu Ku Qaban Doonnaa Gacan Bir Ah,’’ Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo U Hanjabay Dibed-baxayaasha Oromada

                                    Addis-ababa,19Dec,2015(QJ/SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan dad uu sheegay inay dalkiisa ka wadaan dibadbaxayo rabshado wata. Hailemariam Desalagn oo la hadlayay warbaahinta ayaa xusay dadka dibadbaxa dhigaya ay ku jiraan kooxo fowd-wadayaal ah, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay gubeen xarumo dowladeed iyo hanti dadweyne. “Waan la soconaa…

                                    Read More

                                      Ethopia: Oromada Oo Todobaadkii Saddexaad Mudaharaadaysa iyo Khasaaraha Ka Dhashay

                                      Addis-ababa,19Dec,2015(QJ/SDN)-Mudaharaado aan hore loo arag ayaa todobaadkii saddexaad ka socda dalka Ethiopia gaar ahaana qaybaha qoomiyadda Oromadu degto. Dawladda ayaa xaqiijisay in todobaadkan ilaa 5 qof ku dhinteen dibadbaxyada, balse mucaaradka ayaa sheegaya in ilaa 60 ciidamada dawladdu dileen. Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda magaalada caasimada ee Addis Ababa oo ku fidaysa degaannada gobolka Oromada,…

                                      Read More

                                        Shir-weynaha Qaran Ee Dhalinyarada Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Dhacay iyo Dhalinyarada Daljoogta Ah Oo Ka Qaylisay

                                        Muqdisho,18Dec,2015(QJ/SDN)-Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir la sheegay in uu yahay shir-weynaha qaranka dhallinyaradda Soomaaliyeed. Waxaa ka qayb-galaya dhallinyarro ka timid gobollada dalka iyo kuwo matalaya dhallinyaradda Soomaalida ah ee ku nool dalalka dibadda,waxuuna ka furmay xarunta ciidammada cirka ee Afisiyooni. Raysal wasaaraha waxuu u sheegay dhallinyaradda…

                                        Read More