Aragtida Boobe Yuusuf Ducaale ee Ka qayb galka Mucaaridka ee Siyaasiyada Khaarajiga Somaliland {DHAGAYSO}

    Hargaysa 17.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa soo dhaweeyay Hindise uu Wasiirka Arrimaha Dibadu kaga talo geliyey Xisbiyada Mucaaridku inay Wixii aragti ah ku biiriyaan Jihada ay qaadayso Siyaasada Arrimah Dibada Somaliland. [peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Boobe17(1).mp3″] GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO NUXURKA HADALKA BOOBE YUUSUF DUCAALE

    Read More

      “Citiraafka Somaliland Wuxuu ka Wada Maqan yahay Ummada Somaliland Qof Qof ayuu uga Maqan yahay” Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye DHAGAYSO/DAAWO

      Hargaysa 17.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayay Shir Lagu falanqaynayay qorsheyaasha iyo himiladda siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegay in Citiraafka Somaliland uu ka maqan yahay Bulshada Somaliland oo dhan . [peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MaxamedKaahin17(1).mp3″] GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYE KU…

      Read More

        Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbadiisii Shirka Wada-tashiga Soomaaliya Af-Ingiriisi Kusoo Jeediyay iyo Axmed Madoobe Oo Ka Digay Adeegsiga Afka Qalaad DAAWO

        Muqdisho,17Dec,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Md.Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khubadiisii shirka wada-tashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Muqdisho kusoo jeediyay luuqadda ingiriisida iyadoona arrintaasi durbadiiba uu ka digay madaxweynaha Maamulka Jabbaland Axmed Madoobe. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa ka dib markii madaxweyne Xasan Sheekh khudbadii dhameeyay si toos ah u duray khudbadda uu…

        Read More

          Abaarta Deegaanada Koonfurta Gobolka Maroodi-jeex Oo Saameyn Ku Yeelatay Habsami U Socodka Goobaha Waxbarashada

          Hargeysa,17Dec,2015(QJ/SDN)Iyadoo deegaanada galbeedka iyo koonfurka gobolka maroodi-jeex ay saameyn ku yeelatay abaar baahsan oo ku dhufatay deegaanadaasi, ayaa haddana waxa ay abaartu saameynta ugu weyn ku yeellatay goobaha waxbarashada iyo habsami u socodka dhigashada waxbarashada ee ardayda wax ka baranaysay goobahaasi ay abaaruhu haleeleen. Deegaanada sida aadka ah ay abaartu saamaynta ugu yeelatay dhanka waxbarashda…

          Read More

            Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Xalay Gaadhay Magaalada Ceerigaabo iyo Dareenadii ay ku soo Arkeen Magaalada Laascaanood DAAWO

            Ceerigaabo 17.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay Xubno ka Yihiin Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Taliyaha Ciidanka Asluubta Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maanta Kormeer Shaqo ku tegay Magaalada Laascaanood. Weftiga Gudoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo ay ka Mid ahaayeen Wasiirka Wasiirka Cadaalada Md Axmed Cadare, Xeel…

            Read More

              “Odayaasha gobolka Nugaal Marnaba Ma Ogolaanayaan in Wax loogu qaybiyo Hannaanka 4.5” {DHAGAYSO}

              Garowe 17.Dec 2015 (SDN/QJ):- Qaarkamid ah Odayaasha gobolka Nugaal ayaa  si cad u sheegay inay kasoo horjeedaan in wax lagu doorto Nidaamka 4.5,iyagoo sheegay inay shacabka Puntland isku raaceen in doorashada Soomaaliya lagu saleeyo habka deegaanka. Nabadoonada ayaa sheegay in 4.5 xiligaan laga gudbay islamarkaana aysan ahayn in dib loogu laabto,iyagoo xusay in dadka doortay habkaas…

              Read More

                “Waxaanu soo ogaanay in aanay wali isa soo dhiibin qaar ka mid ah Jabhadii Wabar hogaamiyaha ka ahaa” Xildhibaan Bashiir Tukaale

                Hargaysa 17.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Golaha Wakiilada, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgaliyada ee Wakiilada, ayaa sheegay in qaar ka mid ah Jabhadii Wabar aanay wali soo xaroon, oo wali ku sugan yihiin halkii ay joogeen,. Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo wareysi gaar ah…

                Read More

                  Mucaaridka Dalka Jabuuti Oo Si Weyn U Dhaliilay Murashaxnimada Madaxweyne Geelle DAAWO

                  London,17Dec,2015(QJ/SDN)-Mucaaridka dalka Djibouti kn soo horjeeda xukuumadda madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan is sharaxaad markii afraad ee Ismaaciil Cumar Geelle. Mahdi Ibraahin Good midowga xisbiyada USN xidhiidhka arimaha dibada  ayaa ka hadlay waxyaabaha ay doonayaan iyo dhaliilaha ay u hayaan Ismaaciil Cumar Geelle Madaxwaynaha dawlada Djibouti Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre ayaa…

                  Read More

                    Odayga Somaliland Xaaji Cabdi Waraabe Oo Xaaladd Caafimaad U Jiifa iyo Guddoomiye Cirro Oo Booqday

                    Hargeysa,16Dec,2015(QJ/SDN)-Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo maalmihii ugu danbeeyay xaalad caafimaad u jiifay ayaa waxa galabnimadii manta aqalkiisa ku booqday Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga waddani Md. Cabdiraxman Cabdillaahi Cirro. Xaajiga oo maalmihii ugu danbeeyay xaaladda caafimaad aanay wanaagsanayn ayaa waxa uu guddoomiyuhu ilaahay uga baryayay in uu caafimaad siiyo isla markaana…

                    Read More

                      Gudoomiye Cirro oo Hargaysa Ku soo Laabtay Kana Warbixiyey Safarkiisii Itoobiya Iyo Booqashada X.Cabdi Waraabe oo Xannuunsanaya DAAWO

                      Hargaysa 16.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu dalka Itoobiya kaga qayb galay Xuska Maalinta qoomiyadaha Itoobiya Isla markaana ka hadlay Waxyaabihii ay isla soo qaadeen Madaxdii ay Kulamada ku Yeesheen Itoobiya oo ay ku Jiraan Safaarado reer…

                      Read More

                        Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland oo Dareen Isku Mid ah ka Bixiyey Hayaanka Iyo Himilada Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland DAAWO

                        Hargaysa 16.Dec 2015 (SDN/QJ):-Kulan Mudo Shan maalmood Magaaladda Hargeysa uga  socday wakiillada dalalka dibada u fadhiya Somaliland,Isla markaana Lagu falanqaynayay qorsheyaasha iyo himiladda siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa si rasmi ah Maanta loo soo Gabo Gabeeyay, Kulankan ayaa Waxa uu Noqonaya Kii u Horeeyay ee Noociisa ah ee lagaga Tashado Siyaasada A.Dibada ee Somaliland.

                        Read More

                          War Deg Deg ah: Qodobo ka Soo Baxay Shirkii Wada Tashiga Qaran ee Doorashooyinka Somalia ee 2016

                          Muqdisho 16.Dec 2015 (SDN/QJ):- Shirkii Madasha wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, ayaa maanta lasoo geba gebeeyey waxaana kasoo baxay dhowr qoodb oo lagu heshiiyey. Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah. 1 – Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn hay’adaha dowladda Soomaaliya ee iminka jira. 2 – In la dhiso…

                          Read More

                            Gudoomiye Cirro oo Madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Iyo Hogaankooda Dhaqanku ku Maamuuseen Casuumad Sharaf

                            Jigjiga 16.Dec 2015 (SDN/QJ):- Ganacsatada,Saladiinta, Garadada iyo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia ayaa Qado Sharafeed Maamus ah Hotel Universal Ee Magaladda Jigjiga Ugu Sameyay Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro). Kulankani Qado Sharafeedka ah Ee Lagu Maamusay Gudomiye Cirro ayaa ahayd Madal Kulmisay Bulshada Qaybaheeda Kale…

                            Read More

                              Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gaadhay Deegano Cusub oo ka tirsan Gobolka Sool

                              Laascaanood 16.Dec 2015 (SDN/QJ):-Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa Fadhiisimo cusub ka sameystay deegano aanay hore u joogin oo ka Tirsan Gobolka Sool, Degaanadan ay ciidamada Qaranku  gaadheen ayay maalmihii ugu dambeeyey wararku sheegayeen inay isku urursanayeen maleeshiyooyin  kala duwan, kuwaas oo kala firxaday markii ciidamada Qaranku halkaasi gaadheen shalay. Ciidamada Qaranka Somaliland  ayaa dadweynaha degaanka…

                              Read More

                                Kulankii Safiirrada Somaliland Hargeysa Uga Socday Oo War Murtiyeed Laga Soo Saaray

                                Hargaysa 16.Dec 2015 (SDN/QJ):-Kulan afar maalmood   Magaaladda Hargeysa uga  socday wakiillada dalalka dibada u fadhiya Somaliland, oo uu furay Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa lagu falan-qeeyay qorsheyaasha iyo himiladda siyaasadda dibadda ee Somaliland. Kulankan oo uu guddoominayay Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shirre, ayuu sheegay in kulankan qasdigiisu yahay  sidii loo…

                                Read More

                                  Magaalada Gaalkacyo Oo Lagu Qabtay Bannaan-bax Lagaga Soo Horjeedo Nidaamka 4.5 SAWIRRO

                                  Gaalkacyo,16Dec,2015(QJ/SDN)-Boqolaal qof oo isugu jira bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug-Puntland ayaa maanta ka banaan baxay inaan dib loogu noqon nidaamka 4.5 oo ay hada ku dhisan tahay dawladda Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud. Shacabka dhigayey maanta banaanbaxa ayaa soo jeediyey in la qaato…

                                  Read More

                                    La-Taliyihii Hore Ee Isu-Duwaha Qaramada Midoobay Oo Aragti Dhinac Ka Raran Ku Weeraray Somaliland Oo Uu Sheegay Inay Fursad Iska Lumisay

                                    Hargeysa,16Dec,2015(QJ/SDN)-Dr Chris Jaeger oo sida uu sheegtay ahaan jiray la-taliyaha Isu-Duwaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Isniintii maqaal ku daabacay mareegta tolerance.ca, kaas oo uu ku buunbuuninayo hannaanka liicliicaya ee Federaalka Soomaaliya isla markaana uu wax kaga sheegayo qaddiyadda Somaliland, isagoo Somaliland ku durey aragti dhinac ka raran oo siyaasadeed. Dr Jaeger wuxu…

                                    Read More

                                      Diyaarado Joog Hoose Ku Duulayay Oo Ugaadhsanayay Duurjoogta Badhan iyo Ciidanka Qaranka Oo Iska Difaacay

                                      Badhan,16Dec,2015(QJ/SDN)-Ciidanka qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay gobolka Badhan,ayaa dagaal kala hor tegay diyaarado nooca qumaatiga u kaca  ah oo ku soo xad gudbay hawada Somalilanad isla markaana si sharci darro ah u ugaadhsanayay Ugaadha Somaliland ee deegaanada Gobolka Badhan. Taliyaha Ciidanka Qaranka Badhan Kabtan Yaasiin Cismaan Saalax  iyo Maayarka degmada Badhan Cabdalle Maxamuud Faarax,  ayaa …

                                      Read More

                                        Maxaa Hakiyay Shirkii Wada-tashiga Ee Muqdisho?

                                        Muqdisho,16Dec,2015(QJ/SDN)-Shirkii siyaasiyiinta Somaliya iyo beesha caalamkga uga socday magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ee lagaga hadlayay doorashooyinka 2016 ayaa maalintii labaad shalay dib u dhacay, iyadoo uu baaqday Isniintii, halka uu Axadii ka furmay. Shirkan oo ka furmay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa ka qayb galay madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhammaan maamul goboleedyada dhawaanahan…

                                        Read More

                                          ‘’U Malayn Maayo Cabdiraxmaan Aw Cali Wakhtigan Inuu Yahay Nin Tartan U Taagan,’’ Cabdirashiid Xassan Mataan

                                          Hargeysa,16Dec,2015(QJ/SDN)-Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan iska casilay murashaxii madaxweyne-xigeen ee xisbiga UCID, ayaa sheegay inaanay dambi ahayn haddii uu yidhaahdo hala taageero xisbiga mucaaradka ah ee Waddani haddii sida uu sheegay isbedel laga waayay xisbiga UCID. Mr. Mataan oo isagoo jooga magaalada Berbera shalay saxaafadda la hadlay wuxuu meesha ka saarya in mujaahid Cabdiraxmaan Aw…

                                          Read More