Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Furay Shir Caalami ah oo lagu Taageerayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

    Muqdisho, 18, September, 2014-(SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir caalami ah oo lagu taageerayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ka furay xarunta Lancaster House ee magaalada London. Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Difaaca, Wasiirka War-faafinta, La-taliyaha Ammaanka Qaranka,…

    Read More

    Saaxiibayaal Wali waxaynu Ku Jirnaa Xushmadaha Loo Hayo Ciyaatooyda Aduunka Caanka Ku Ah(Ronaldinho DAAWO) By Jaahuur.

    Qurbejoog.com-19-Sep-2014-(SDN/QJ) Akhyaartay qubanaheena ciyaarha wali waxaynu ku jirnaa ciyaartooyda caanka ah kubadda cagta aduunka ixtiraamka aay u hayaan teegeerayaashooda iyo bahweynta ciyaaraha jacel. waxa kale oo inoo soo socda dhacdooyinka iskugu jira inta ciyaarta lagu jiro wax yaabaha qabsada garsoorayaasha,ciyaartooyda oo aynan ka madhneyn qosol fara badan. jjaahuur@qurbejoog.com.

    Read More

      Gudoomiya Xisbiga Wadani Ahna gudomiyaha Barlamanka C/raxman (Ciro) Ayaa maanta Ayaa Dhanbal Tcasiya U diray Ehelkii Iyo Qarabadii Ay Ka Baxen Sarakiishii Shalay Ku dhimatay Magaalada Qorilugud

      Hargeisa (SDN/QJ)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ayaa dhambaal tacsi ah u direy Qoysaskii ay ka geeriyoodeen, labadii sarkaal ee lagu dilay Tuulada Qorilugud,iyo dhamaanba shacbiga Reer Gabiley iyo Awdal ee ay kasoo jeedeen, iyo ciidamada Qaranka ee ay katirsanaayeen Marxuumiintaasi,waxaanu ilaahay uga baryay in uu janadii…

      Read More

        War Degdeg ah:Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Mudaharaad Reer Gabiley Maanta Kaga Gilgisheen Saraakiil Ciidanka qaranka ahaa Oo Lagu Laayey Qorilugud

        Gabiley:Sep,19,2014(SDN/QJ)-Ilaa iyo Haatan hal qof ayaa dhintay lix  kalena waxa soo gaadhay Dhaawacyo kala duwan, kadib mudaharaad rabshado wata oo Maanta reer Gabiley kaga soo horjeedeen Saraakiil ciidanka qaranka ka tirsanaa oo lagu laayey Deegaanka Qorilugud. Sida uu sheegayo wariyahayaga Gobolka Gabiley, waxa Mudaharaadka oo Bilaabmay Salaaddii jimcaha kadib loo adeegsaday Cudud ciidan, waxana, waxana…

        Read More

          Shacabka Scotland Oo Doortay Midnimada Dalweynaha UK, iskana Diiday Madax Bannaani

          Cardif:Sep,19,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan natiijooyinka Hordhaca ah ee kasoo Baxaya Codbixintii Shacabka Scotland aayahooda kaga tashanayeen, waxa haatan hoggaanka  haya dadka  kasoo horjeeda Go’itaanka Gobolkaasi. Iyadoo ilaa haatan la tiriyay 31 ka mid ah 32-da degaan ee Scotland ayaa dadka diiddan inay ka go’aan Britain waxay heleen boqolkiiba 55. Dadka taageersan madaxbanaanida Scotland ayaa ilaa haatan…

          Read More

            Garyaqaanno Xoojiya Muranka Kenya Ku Hayso Badda Somalia Oo La Diyaariyey

            Nairobi:Sep,19,2014(SDN/QJ)-Dawladda Kenya ayaa ku Hawllan sidii ay difaac adag uga geli lahayd dacwadda Somalia u Gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah, taas oo ku saabsan Qaybo kamid ah Badda soomaalida oo Kenya sheeganayso. Sida la sheegayo waxaXeer ilaaliyaha dowlada Kenya Githu Muigai, diyaariyay koox garyaqaano ah oo ka difaaca xukuumada Kenya dacwada maxkamada sare ee Qaramada Midoobay…

            Read More

              Qandaraasyo Somalia Hore Ula Gashay Shirkado Shisheeye Oo La Joojinayo

              Muqdisho:Sep,19,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo aqalka Madaxtooyada somalia, ayaa sheegaya in Dawladda Federal-ka ahi go’aansatay in la joojiyo Qandaraasyo tiro badan oo ay hore ula gashay shirkado shisheeye oo u badan kuwo shidaa Baadhis iyo sahamineed. Tallaabadan ayaa la sheegayaa in  la qaaday kadib markii la ogaaday in wax isdabamarin iyo musuqmaasuq badani ku lamaan yahay hannaanka…

              Read More

                AMISOM Oo Laga Mamnuucay Degmo Muqdisho Ku Taalla Oo Muhiim ah Isu Socod Kooda

                Muqdisho:Sep,19,2014(SDN/QJ)-Xooggaga AMISOM eek u sugan Koonfurta Somalia, ayaa laga Mamnuucay inay tagaan Degmo kamid ah Degmooyinka ugu caansan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Yaasiin Nuur Ciise oo ah Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inaanay ogolayn in ciidanka AMISOM isticmaalaan Waddooyinka kala duwan ee Degmadaas ku yaalla, isagoo si gaar ah u…

                Read More

                  Wasiirka Warfaafinta oo Ammaanay doorka hoggaamineed ee UK ee Somalia iyadoo uu maanta London ka soconayo Shirka Amniga

                  London, Sept 18 2014(SDN/QJ) – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Duhulow, ayaa maanta ammaanay doorka hoggaamineed ee UK ee Somalia iyadoo uu maanta London ka socdo Shirka Amniga oo ay UK iyo Somalia wada shir-guddoominayaan. Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Abdiweli Sheikh Ahmed ayaa ka qeybgalaya shirka London oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga…

                  Read More

                    Dhaqanka Qofka oo Gawrac Labada Dhegood Loogu Simo David Haines, Faallo: Qalinka Xasan Cumar Hoorri

                    Ninkii saddexaad oo ka soo jeeda dunida tadhahday (Galbeed) ayaa kooxda Daacish, dhegta dhiigga u dareen. David Haines waxaa uu u dhashay dalka Britain waxaana uu ku hawlanaa arrimaha samafalka isaga oo u soo gurmaday dhibaatada aadami ee ka oognayd dalka Suuriya. Falxumada lagu bireeyay Mr. Haines waxaa la wadaagay James Foley, suxufi Maraykan ah…

                    Read More

                      Ismaandhaaf ka Taagan Soo Xulista Komiishanka Cusub ee Doorashooyinka,Madaxweyne Siilaanyo oo Dib u Wada Celiyay Xubnihii loo Soo Gudbiyay iyo Gudoomiye Saleebaan Gaal oo ka hor Yimid

                      Hargaysa 18.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), ayaa maanta laba xunnood oo ka mid ahaa Komiishankii hore doorashooyinka ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland kala diray, mar kale u soo xulay inay ka mid noqdaan Komiishanka cusub ee hadda la samayn doono, iyadoo uu si rasmiya Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ugu gudbiyey Magacyada labadaas…

                      Read More

                        Muxuu Muuse Biixi Ka Yidhi In Wax Ka-beddel Lagu Sameeyo Xeerka Diiwaangelinta ee Mucaaridku Ka Biyo Diidsan Yihiin?

                        Hargeysa:Sep,14,2014(SDN/QJ)-Muuse Biixi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa Badheedhihiisa ka Dhiibtay Doodda Mucaaridka ee la Xidhiidha in la kala saaro Diiwaangelinta Madaniga ah ee midda Codbixiya-yaasha. Muuse Biixi Cabdi oo Maanta u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa sheegay inaanu jirin wax ballamo ah oo  ay kaga Baxeen Axsaabta mucaaridka, waxana uu…

                        Read More

                          Finland Oo Maxkamad Soo Taagtay Shakhsiyaad Dhaqaale Shabaab Siiyeen Lagu Eedaynayo

                          Helisinki:Sep,18,2014(SDN/QJ)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Dalka Finland, ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen dacwada dad lagu eedaynayo inay dhaqaale siiyeen Kooxda ka dagaallanta Somalia ee Al-shabaab, taas oo loo haysto shakhsiyaad kooban. Dadkan oo tiradooda lagu sheegay afar ruux ayaa lagu eedeeyay in ay ururiyeen kumanaan lacagta Yuuraha ah ayna ku taageereen ururka Alshabaab oo dagaal kula…

                          Read More

                            Khilaafkii Masuuliyiinta Federalka Oo Markale Curtay iyo Moshin Ra’isal Wasaaraha ka Dhan ah Barlamaanka Ka Socda

                            Muqdisho:Sep,18,2014(SDN/QJ)-Iyadoo lagu wado inuu maalinta sabatida ah dib u furmo Kal-fadhigii baarlamaanka Somalia, iyaa magaalada Gudaheeda iyo Huteellada laga wadaa qaban qaabada mooshin ka dhan ah ra’isal wasaaraha Somalia, cabdiweli sheikh axmed. Mooshinkan ayaa la sheegayaa inuu markale dabada ka riixayo madaxweynuhu, iyadoo si weyn la iskugu maandhaafsiisan yahay Xilka-qaadistii uu dhawaan ku sameeyey Madaxii…

                            Read More

                              Gabadh Madaxweyne Siilaanyo Dhalay Oo Caawa Xafladda Meherkeeda Lagu Qaban Doono Qasriga Madaxtooyada

                              Hargeysa:Sep,18,2014(SDN/QJ)-Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa si weyn ugu mashquulsan qaban qaabada xafladda Meherka gabadh uu madaxweyne Silaanyo dhalay oo ay is calmadeen Wiil kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha. Munaasibadda ayaa qabanqaabadeeda si weyn looga dareemayaa aqalka dalka looga taliyo, waxana hawsha wada oo ku jira Wasiirro iyo xubno saaxiib dhaw la ah madaxweynaha iyo haweenaydiisa, kuwaas oo…

                              Read More

                                Dilkii Ugu Naxdinta Badnaa Oo Deegaanka Qorilugud Loogu Geystay Saraakiil Sarsare Oo Ciidanka Qaranka ka mid ahaa

                                Qorulugud:Sep,18,2014(SDN/QJ)- Abaanduulihii Guutada 17-aad ee ciidanka qaranka Somaliland  Kabtan Maxamed Yuusuf Aw Rabaax iyo Hawlgeliyihiisii ayuu Xalay Fiidkii Askari ka tirsan isla Guutadaasi ka Toogtay Xerada ay Halkaas ka deggen yihiin Ciidanku. Sida ay sheegayaan wararka ay Helayso Shabakadda Qurbejoog.com, waxa saraakiishaas qudha ka jaray askari ciidanka ka mid ahaa, oo u shashay deegaankaas, kaas…

                                Read More