Wasiirka Kalluumaysiga oo Sheegay in Shirkii Xiingalool uu Fashilmay,Si Cadho ku Jirtana uga Hadlay Musuq Maasuq lagu eedeeyay DAAWO
Hargaysa 04.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed ayaa jawaab Kulul ka bixiyay Hadalo kasoo yeedhay, Masuuliyiin ka tirsan Iskashatooyina Laas-qoray Kuwaas oo sheegay in ay wasaarada Musuq-maasuqday Qalab kaluumaysi oo loogu talo galay. Waxa uu sheegay in goboladii iyo Degmooyinkii loogu talo galay la geeyey Qalabkaasi, waxaana…
