Xisbiga Waddani oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u Soo Jeediyay Inay ka Baxdo Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia {DHAGAYSO}

    Hargaysa 05.July 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga WADDANI oo Xukuumada Axmed Siilaanyo ugu Baaqday inay Ka Baxdo Wadda Hadaladii Somaliya u Socday,Kuna Eedeyay Inay ka Gaabisay Hawada Somaliland inay La Soo Wareegto. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed C.laahi Uurcade ayaa Sidaasi ka sheegay Mar uu Warbaahinta ugu Waramayay Xarunta Xisbigaasi GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO…

    Read More

      Sadex Digreeto: Madaxweyne Siilaanyo oo Taleex u Magacaabay Gobol Cusub,Wasiir Jagadiisu Banaanayd oo uu Buuxiyay iyo Ciidan Cusub oo uu ku soo kordhiyay la Tacaalista Dabka

      Hargaysa 05.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha jsl ayaa Digreetooyin Madaxweyne ku magaacabay Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha  Cilmibaadhista iyo Techniliyada , Magacaabidada Gobolka Xaysimo oo Caasimadiisu ay noqon doonto  Magaaladda Taleex iyo Aasaasida Ciidanka Dab Damiska Qaranka. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku magacaabay Gobolka Xaysimo magaalo badaxdiisuna tahay…

      Read More

        Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland oo kormeeray wasaraddo ka Tirsan Maamulkiisa

        Garowe 05.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxawaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa saakay kormeer kadis ah waxa uu ku tagay qaar ka mid ah wasaradaha dowladda oo wasiiraddii iyo Agaasimayaashii guud ay ka maqan yihiin. Socdaalkan waxaa ku weheliyay sarakiil ka tirsan xafiiskiisa kuwaasoo u guur galayay xaalada wasaradaha dowladda iyo sida ay u shaqeeyaan waxayna dhaawac…

        Read More

          Maamulka Puntland Oo Soo Saaray Go’aamo Cadho geliyey Dadka La Hayb-sooco

          Garowe:July,05,2014(SDN/QJ0M)-Hoggaanka sare ee Maamulka Puntland ayaa soo saartay Go’aamo lagu dhiirrigelinayo dadka ka so jeeda Beelaha La haybsooca  oo aan lagu tixgelinin dhinaca shaqada, balse u muuqday inay    Qudhoodu Hayb-sooc hor leh yihiin. Maamulku wuxuu soo saaray war sheegaya in cidkasta oo beelahaas ka soo jeedda u tartami karto shaqooyinka Bannaanaada ee Heerkoodu ka…

          Read More

            Madaxweyne Siilaanyo Dalka Kaga Baxaya Safar Uu Kaga Galgalanayo Go’doonka Siyaasadeed ee Dalku Galay Muddooyinkan

            Hargeysa:July,05,2014(SDN/QJ)-Warar xogogaal ah oo laga helayo Madaxtooyada somaliland ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo Dhawaan safar ugu bixi doono Dalalka Engiriiska iyo Ethiopia. Wararka  ayaa intaas ku daray in Madaxweynuhu ka hor safarkiisa London sii mari doono magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, waxaana laga yaabaa sida ay wararku sheegayan inuu Addis Ababa kula sii kulmo…

            Read More

              Laba Ka Mid ah Ciidanka Ilaalada Nabadgelyada Waddooyinka Oo LLagu Toogtay Muqdisho

              Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Waxa Goor Dhaweyd Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Somalia lagu dilay Laba  ka mid ah Ciidanka ilaalada waddooyinka oo ku jiray Hawl-maalmoodkoodii caadiga ahaa. Niman ku hubeysan Bastoolado oo watay gaadhi yar ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka labada askari ee ka tirsanaa ciidamada ilaalada Wadooyinka ee magaalada Muqdisho.   Dilka kadib ayaa waxaa…

              Read More

                Warar Dheeraad ah Oo Ka Soo Kordhay Qarax ismiidaamin ah Oo Lala Eegtay Goob Xarunta Baarlamaanka Somalia ku dhaw

                Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Kadib qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Goob aan ka fogayn xarunta Baarlamaanka Somalia, waxa Halkaas buux dhaafiyey Ciidamo iskugu jira AMISOM iyo qaar soomaali ah oo la soo daad-gureeyey. Rasaas Culus oo ay ridayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa mararka qaar laga maqlayaa xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho , Xaalada goobtaasi ayaana…

                Read More

                  War Deg deg ah:Qarax Xooggan Oo Gilgilay Goob Baarlamaanka Somalia u Dhaw

                  Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, ayaa sheegaya in Goor Dhaweyd uu qarax Xooggani ka dhacay Goob aan sidaas uga Fogayn Xarunta Baarlamaanka Somalia. Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyey qof nafii hore  ah oo watay Gaadhi Halkaas ku qarxay. Qaraxan oo wararka ka soo baxayaa kooban yihiin ayaa la sheegayaa inuu…

                  Read More

                    Soomaalida Ganacsiga ku Leh Xaafadda Islii Oo Maxkamadi Ku Ridday Amar Curyaamin ah

                    Nairobi:July,05,2014(SDN/QJ)-Soomaalida ganacsiga ku leh xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, ayaa maxkamad dalkaas ku taalla ku xukuntay inay Ganacsigooda u raraan Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhab iyo Kukuma. Arrinta maxkamadda ayaa daba socota markii wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga uu Soomaalida ku amray in ay ka guuraan xaafadda Islii oo ay dhawaan ka dhaceen qaraxyo isdaba joog…

                    Read More

                      Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Bilo Gudahood Jago Cusub Ugu dhiibay Wasiir Fashilaad ku Waayey Xilkiisii hore

                      Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federlka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Bilo kadib Haddana Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka u magacaabay Xil cusub oo ah La-taliyihiisa Arrimaha Siyaasadda. Digreeto uu soo saaray Madaxweynaha, ayaa waxaa C/kariin Xuseen Guuleed loogu soo magacaabay, in uu noqdo La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasada, xilli bilo ka hor uu isku casilay xi…

                      Read More

                        Wasiir Qoorsheel Oo Mar Kale Ku Celiyey La Wareegista Hawada Somalida iyo Maxamud Xaashi Oo Wali Gegi Cidla ah Taagan

                        Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Dawladda Federl-ka Somalia u qaabilsan Gaadiidka iyo Hawada Mudane Siciid Jaamac Cali (qoorsheel) oo dalka dib ugu soo laabtay, ayaa ku celiyey mar kale  war dhegaha  xukuumadda Somaliland aad u dhibsato oo ah inuu gebogebo ku dhaw yahay Barnaamijkii uu kula wareegayey Hawada dalku. Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel oo Warbaahinta kula hadlayay qeybta…

                        Read More

                          Tarsan iyo Wadaad Reer Somaliland ah Oo Iskaga Dhex Hanjabay Barnaamij ay Ka Wada Qaybgaleen

                          London:July,05,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur(tarsan) iyo Sheekh Maxamed Cabdi Cara boo ka mid ah Culimada waaweyn ee Reer Somaliland ayaa Maalintii shalay Barnaamin Idaacadda BBC-da ka Baxay isku weydaarsaday Erayo dhiif leh. Labadan nin ayaa si wada jir ah idaacadda Bbc-du ugu casuuntay Barnaamijka Doodda Jimcaha Baxa ee “Maxay kula taay”, waxana…

                          Read More

                            Xarumihii Keydka Shirkadda Al-Xarbi Oo Xalay Dab Baabi’iyey

                            Burco:July,05,2014(SDN/QJ)-Waxa Gebi ahaanba Habeenkii xalay uu dab baabi’iyey Xaruntii Keydka Alaabta ee Shirkadda Ganacsiga ee Al-xarbi ku lahayd Magaalada Burco. Goobta Dabku ka kacay ayaa ku taalla Badhtamaha Magaalada Burco, iyadoo Bakhaarka Gubtay ay ku Keydsanaayeen Alaabooyin Badan oo Iib Loo diyaariyey, kuwaas oo  iskugu jirey Waxyaabaha Cabbitaannada, cuntooyinka, Bagaashka yaryar, Saliido, Dacas iyo Waxyaabo…

                            Read More

                              Lacaacibka Aduunka oo dhaawac uga haray tartanka Ciyaaraha aduunka iyo reer Brazil oo walaac la soo dersay

                              Brazil July 05,2014(SDN/QJ)-Ciyaaryahanka dunida ugu caansan ee Neymar ayaa ciyaartii shalay ee dhexmartay xulalka Brazil iyo Colombia waxa ka soo gaaray dhaawac ka reebaya ciyaaraha inta ka hadhay. Neymar oo ah halyeyga ay ku tiirsanaayeen ciyaaryahanada iyo taageereyashaa Brazil ayaa haatan waxa soo wejahay cabsi. Dhakhaatiirta Neymar ayaa sheegay in JIlibkii dhabarka uga dhacay uu…

                              Read More

                                Kenya oo siyaasadeeda laga deyriyay iyo colaadihii qabaailku dib u soo noqdeen

                                Nairobi July 05,2014(SDN/QJ)-Dalka Kenya ayaa la dareemayaa in colaadihii qabaailka ee siyaasadeysnaa ay dib u soo noolaadeen ka dib kolkii lagu guul dareystay joojinta isu soo baxyo mucaaridku wadaan. Taageereyaasha raiisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa qorsheynaya isu soo baxyo ay qabanayaan bishan July 7 deeda. Isu soo baxyada ayaa looga soo horjedaa…

                                Read More

                                Brazil Iyo Germany oo u Soo Ruqaansadey(Semi Final-ka) & Barcelona oo Iibsatey Zuarez Dul Dhigteyna 80 Million (Pound) By Jaahuur)

                                Brazil-04-July-2014-(SDN) Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa koobka kubadda cagta ee aduunka ee ka hilaacaya daalkaa Brazil iyo France & Colombiya oo shandadahoodii xidhxidhey iyo naadiga Barcelona oo Liver Pool ka iibsatey xiddigii reer Uruguay ee akhlaaqda xumaa kuna sifoobey inuu qaniino ciyaartooyda,waxyna dul dhigtey 80-Million oo lacagta Ingriiska. Haddaba haddii aynu jaleecno ciyaartii…

                                Read More

                                  “Amni ma jiro, is aaminaad ma jirto, waxaa u sabab ah shacabka kuma kalsoona laamaha ammaanka” Xildhibaan Dalxa

                                  Muqdisho 04.July 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Somaliya, ayaa wuxuu walaac ka muujiyay xaalada amni ee Magaalada Muqdisho, xilli uu ammaanku noqday mid sii xumaanaaya. “Runtii waa wareer dilka iyo dhibaatadaan ku soo korortay Magaalada Muqdisho, dilalka waxa loo geysanaayo waa amni majiro.” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed…

                                  Read More

                                    Ciraaq: Cabsida Ingiriisku uu ka qabo Kooxda Is Is inay Weeraro argagixiso u Maleegaan oo Korodhay

                                    Baqdaad 04.July 2014 (SDN/QJ)- Booliska dawladda Britain ayaa doonaya inay aalada internetka ka saaraan muuqaal muujinaya rag British ah oo ka barbar dagaalamaya jabhadda ISIS ee ka dagaalanta wadammada Suuriya iyo Ciraaq. Muuqaalkan Video-ga ah lama cadaynin waxa uu yahay, Balse ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron, ayaa sheegaya in jabhadda ISIS ee jihaadka wada ay…

                                    Read More