“Dhulka uu sheegayo ee Somaliland, annagu cidna u deba fadhiisan mayno” Wasiirka Gaashaandhiga oo ka Jawaabay hadalkii Madaxweyne Gaas

    Ceerigaabo 05.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Caddami, oo hogaaminaya wefti balaadhan oo socdaal ku maraya bariga gobolka Sanaag, ayaa  ka hadlay hanjabaadaha Madaxwaynaha cusub ee Puntland ku sheegay inuu qabsanayo Gobollo Somaliland ka mid ah. Wasiir Caddami, oo isaga oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa Warfidiyeenadu Weydiiyeen Damaca Madaxweynaha Maamul…

    Read More

      Madaxweynaha Punt land oo Ku Baaqay Shirweyne Muqadas ka Dhigaya Midnimada Puntland oo ay ku Jiraan Gobolada Sool,Iyo Sanaag

      Garowe 05.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland dhawaan loo doortay ayaa Baarlamaanka Maamulkiisa ka hor akhriyey khudbad uu ku baaqayo shirweyne dib isugu soo celin doona Beelihii waxa saxeexday Heshiiskii lagu yagleelay Puntland, isagoo ku tilmaamay inaan Midnimo la helayn illaa ay Puntland soo ceshato dhulka laga haysto. Khudbada C/wali Gaas oo ku qotontay…

      Read More

        Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka Jawaabay eedo uu Musharax Jamaal Cali Xuseen u Jeediyay {DHAGAYSO}

        Burco 05.Feb 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka Jawaabay eedo uu Maanta u soo Jeediyay Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo Sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Togdheer uu isku dayay in aanu soo gelin magaalada Burco oo uu hada ku sugan yahay. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer…

        Read More

          Markii Labaad oo Diyaaradi soo Fadhiisato Madaarka Magaalada Laascaanood iyo Baaqa Wasaarada Duulista

          Laascaanood 05.Feb 2014 (SDN)- Gegida diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood oo muddo xidhnayd ayaa hadda si rasmi ah dib ugu bilowday hawlaheedii iyadoo duulimaadada diyaaradahu ay si joogto ah diyaaraduhu ugu  soo degaan garoonkaasi.   Isuduwaha Wasaaradda duulista hawada ee gobolka Sool Md Saxardiid Bile cawed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu garoonku…

          Read More

            Wasiirka Macdanta oo ku qalqaalinaya shirkadaha shidaalka inay macdan ka baadhaan Somaliland

            Hargaysa 05.Feb 2014 (SDN)-Wasiirka tamarta iyo macdanta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay inay horumarin doonaan nidaamka looga faa’iideysan karo macdanta deegaannada Somaliland. Wasiirka oo ku sugan dalka Koonfur Africa, oo uu ka socdo shirka arrimaha macdanta ee qaaradda Africa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay aaminsan yihiin in gargaar iyo…

            Read More

              Xukuumada Siilaanyo oo isku dayday Inay Murashax Jamaal Cali Xuseen ka Hor istaagto Burco,Iyo Bulshada Burco oo ka Gilgilatay {DHAGAYSO}

              Hargaysa 05.Feb 2014 (SDN)- Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa soo dhawayn Mug iyo Miisaan leh ay ku qaabileen Shacabka ku dhaqan Magaalada Burco oo ka Gilgishay Talaabooyin ay Xukuumadu ku rabtay inay iska Hortaagto inuu Burco galo. Murashax Jamaal Cali Xuseen oo uu Weheliyo Ku…

              Read More

                “Arrinku waa sidii Siyaad Bare uun, iyada oo dalka dhinac dhan gubanaayo ayuu odhan jiray kubadbaa la ciyaarayaa” Mujaahid Xasan Guure

                Hargaysa 05.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Siiraanyo ku eedeeyay inay sharciga ka talaabsatay,waxaanu ugu baaqay inay ku laabtaan tubta sharciga si ay dalka u hoggaamin karaan. Waxa uu guddoomiye Xasan Guure ka hadlay cabudhinta xariyatul qawlka,waxaanu ugu baaqay golaha wakiilada inay hawlahooda…

                Read More

                  Wasiir u hanjebay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

                  Hargeysa Feb 05,2014(SDN)-Wasiir ka mida Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Hanjebaad kula dul dhacay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe. Wasiir ku-xigeenka wasaarada Gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud ayaa war uu saxaafada u qeybiyay ku yiri; “Waxaan warbaahinta ka daalacaday Faysal Cali Waraabe oo ii hanjabaaya,waxaanse aad ula yaabay ninkii lahaa u…

                  Read More

                    DHEGEYSO Ismaaciil Buubaa:Jabuuti oo Fashilisay himiladii Somaliweyn ayaa keentay kala taga Jamhuuriyadii Soomaaliyeed

                    Muqdisho Feb 05,2014(SDN)-Siyaasiga Soomaaliyeed ee Ismaaciil Hure Bubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya iyo Somalilanba ayaa ka waramay arimo dhawr ah oo hagaedaamiyay Jamhuuriyadii Soomaaliyeed. Buubaa ayaa sheegay in isku darkii Soomaaliya iyo Somaliland uu ku yimi rabatiinkii Somaliweyn,balse ay arintaa fashilisay Dawladii Maxamed Siyaad Bare oo ogolaatay in Jabuuti oo reer…

                    Read More

                      SILSILADII GARBODIIR:DUR-DUR GUDHIYE (MAANSO)

                      Harggeysa Feb 05,2014(SDN)-Maansadan oo la magic baxdey durdur gudhiye, waxaa curiyey abwaanka da’da yar C/Majiid Maxamed Muuse (Darey Berbera) Caawa oo ay tariikhdu tahe 05-02-2014 maansadan waxaan kaga qayb qaadanayaa silsiladii garbodiir ee uu furey Abwaan Axmed Aw Geedi, waxaaney ku bilaabantey sidan:- 1.   Dabuubuub horaa waxay  tidhi 2.   Durduro geelbaa ku jaba 3.   Damaacina…

                      Read More

                        TAARIIKH:ka bogo Wasiir Xirsi oo ka hadlaya cadaalad daro lagu xidhay sanadii 2008dii una fiirso habdhaqankiisa Maanta

                        Hargeysa Feb 05,2014(SDN)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji ayaa mar xabsiga laga sii daayay bishii September ee sanadii 2008dii ayaa waxa uu ka waramay xarigaa iyo cadaalad daro uu xiligaa tirsanayay,bal is barbardhig boolo xooftadiisa maanta iyo calaacalkisii xiligaa; Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Maamulka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan Xabsiga…

                        Read More

                          Xirsi iyo Ciro iyamaa gefka u weyn ku jira?

                          Edmonton Feb 05,2014(SDN)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi  Cali Xasan ayaa khudbad hajabaad ah oo uu ka jeediyay London dad badani siyaabo kala duwan uga faaloodeen. Xirsi ayaa hanjebaadiisa ku sheegay in tiraba dhawr iyo afartan sharci durduro ku marsaday. Halka uu Guddoomiye ciro dhawaan ka marsaday sharci hoos u dhigaya ku-xigeenadiisa. Xirsi uma arko shuruucdii faraha…

                          Read More

                            Mayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa ayaa Ka Hadlay Halka ay Marayaan Dhismaha Wadooyinka Halbawlaha ah Ee Dhexmara Caasimada Hargeysa

                            Hargeysa Feb 04,2014(SDN)-Mayor ku xigeenka Caasimada Hargeysa Md Casiis Maxamed Xaashi Cagawayne  ayaa Maanta Ka Hadlay Mar uu Kormeer Hawleed ku Maraayay Wadada Hal bawlaha ah Ee Dhex marta Casimada Hargeysa Iyada Oo Dar dar iyo Xawli baaxad leh ay Ku Socdaan dhismayaasha Wadooyinka dhexmara Magaalada Hargeysa Taasoo ay qayb Libaax leh ka Qaateen Golaha…

                            Read More

                              Ma Sheekadii Caanaha Riyaha ayuu Wasiirka Madaxtooyadu soo Dhowaynta Diirran ku Mutaystay? Faalo Tifaftiraha Jamhuuriya

                              Hargaysa 04.Feb 2014 (SDN)- Wasiirro, masuuliyiin iyo saraakiil dawladda xilal kala duwan ka haya, xildhibaanno, madax-dhaqameedyo, dumar iyo dhalliyaro tiro badan, ayaa Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan si diirran ugu soo dhoweeyey shalay Madaarka magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu dalka kaga maqnaa oo muddo toddobaadyo ah qaatay. Dadka…

                              Read More

                                Nuxurka Socdaal uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ku Tagay Maanta Magaalada Laascaanood

                                Laascaanood 04.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay  Gobolka Sool iyadoo qaybaha dadweynaha ee Gobolkaasi ay si balaadhan ugu soo dhoweeyeen  Magaalada Laascaanood. Wasiirka Caafimaadka oo kormeerkiisu qayb ka yahay socdaaladii uu ku marayey gobolada dalka oo ah…

                                Read More

                                  Hogaankii Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo Mudadii Xilkooda loo kordhiyay

                                  Muqdisho 04.Feb 2014 (SDN)- Shir muddo toddobaad ah u socday golayaasha maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe oo maanta la soo gabagabeeyay ayaa sanad loogu kordhiyay muddada uu xilka haynayo Golaha Talada ee maamulkaas. Shirka oo looga hadlay arrimaha siyaasadda, horumarinta deegaannada maamulka Ahlu Sunna iyo u diyaar-garowga hannaan maamul goboleed loogu sameynayo gobollada…

                                  Read More

                                    Xal Is afgarad oo lagu Furdaamiyay Khilaaf ka dhex oognaa Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga

                                    Hargaysa 04.Feb 2014 (SDN)- Afar wasiir oo uu Madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici u saaray xalinta khilaaf ka dhex taagnaa wasiirka kalluumaysiga Md. Cali Buured iyo Agaasimihiisa guud Md. Maxamed Cilmi Aaden (Ilkacase), ayaa shalay soo gunaanaday xalinta khilaafkaas. Wasiirka kalluumaysiga Md. Cali, ayaa agaasimaha guud shaqada ka joojiyay toddobaadkii hore, ka dib markii…

                                    Read More

                                      Maayarada Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland oo Qurbejoog.com u Waramay {DHAGAYSO BARNAAMIJKAN}

                                      Maydh 04.Feb 2014 (SDN)- Waxaa Degmada Maydh ee Gobolka Sanaag Booqasho ku maraya Maayarada Magaalooyinka Hargaysa,Laascaanood, Boorama, Oodweyne,Gebilay,Saylac,Burco,iyo Berbera. Maayaradan ayaa dhawaan ku qabsaday Magaalada Ceerigaabo Shirkii Ururka ay ku midoobeen Dawladaha Hoose Halkaas oo Gudoomiyaha Ururkaas loogu doortay Maayarka Caasimada Hargaysa,Hadaba Waxaan idiin soo Gudbinaynaa Xogwaran ay Khadka Telefoonka ku Siiyeen Shabakada Qurbejoog Maayarada…

                                      Read More

                                        Xubnihii Golaha Wasiirada ee Madaxweyne C.Weli Gaas oo Maanta la Ansixiyay SAWIRO

                                        Garowe 04.Feb 2014 (SDN)- Baarlamaanka Puntland ayaa kulan uu maanta ku yeeshay xaruntiisa Garoowe ku ansixiyey golaha wasiirrada cusub ee maamulka. Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland, Siciid Xasan Shire oo shir guddoominayey kulanka maanta ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen 56 xildhibaan, kuwaas  dhammaantood codka kalsoonida siiyey xukuumadda, sidaas daraadeedna ay ansax tahay oo ay…

                                        Read More