Wasiirul Dawlaha Xoolaha Somaliland oo Ugu baaqay Maamul Goboleedka Punt land inay faraha kala baxaan Xuduudaha Somaliland

    Hargaysa 15.Dec 2013 (SDN)- Wasiirul dawlaha wasaaradda xanaanada xoolaha Engineer cabdiraxmaan jaamac cabdallah ayaa ugu baaqay maamul goboleedka Puntland inay faraha kala baxaan xuduudaha Somaliland ee ay soo gacan geliyeen gaar ahaan deegaanada Badhan iyo taleex Md cabdiraxmaan jaamac cabdallah oo xafiiskiisa magaalada Hargeysa kula hadlayey warfidiyeenada waxa uu sheegay inay Puntland qaadi doonto mas’uuliyadda…

    Read More

      Kulan ay Yeesheen Baarlamanka Somalia iyo Qodobada lagaga hadlay

      Muqdisho 15.Dec 2013 (SDN)- Kulankan maanta ay isgu yimaadeen xubno ka kalasocday 16ka gudi oo uu ka kooban yahay gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaasi oo maanta ka dhacay xaruunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Ajandayaasha looga hadlayay kulanka oo mudo saacado…

      Read More

        Maxay ka Wada Hadleen Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland iyo Madaxda Markab kuwa Ciidamada ah oo faransiisku lahaa {DAAWO}

        Berbera 15.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ay weheliyaan Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada,Masuuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa Maanta  kula shiraya Dawladda Faransiiska Markab weyn oo saaka ka shiraacday Duleedka Dekedda Berbera. Markabkan oo ay Saarnaayeen Ciidamo Faransiis ah iyo Madax ka Tirsan Midowga Yurub Gaar ahaan Waaxda la dagaalanka…

        Read More

          Abaal-marintii 2aad oo la gudoonsiiyay wariye Abdihafid iyo barnaamijkiisa Arrimaha Bulshada.

          London 15Dec13(SDN) Barnaamijka Arrimaha Bulshada ee ka baxa TVga Universal oo noqday barnaamij si is-daba joog ah u hela abaal-marino kala gedisan oo ay dhiibaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa magaalada London ka dhacday xafladda sanadlaha ah ee ay soo qaban-qaabiyeen ururka HAAYA oo lagu qabtay galbeedka magaalada London.    Waxaa xafladda ka soo…

          Read More

            Xukuumada Somaliland oo ka fal Celisay Warbixin uu Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Shaaciyay {DHAGAYSO}

            Hargaysa 15.Dec 2013 (SDN)- Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa Canbaareeyay Warbixin uu Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka Jeediyay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayahay Guud ee Q.Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Danjire Nikolas Key kaas oo dimuquraadiyada Somaliland ku Sifeeyay inay gaadhay heer aad u khatar badan isla…

            Read More

              Madaxweyne Faroole oo Kormeer ku Tagay Xarunta Idaacada iyo Telefishanka Punt land oo la Qalabeeyay

              Garowe 15.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta idaacadda iyo telefishinka Puntland oo qalab cusub oo casri ah loo keenay. Waxa wehelinayay madaxweynaha masuuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan iyadoona uu soo dhoweeyay agaasimaha guud ee warbaahinta Puntland Axmed Maxamed Cali Kismayo. Axmed Kismayo ayaa Warbaahinta u…

              Read More

                Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Markab Dushii Kula Shiraya Saraakiil ka Tirsan Xukuumada Faransiiska

                Berbera 15.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland breC/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ay weheliyaan masuuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa kula shiraya Dawladda Faransiiska Markab weyn oo saaka ka shiraacday Duleedka Dekedda Berbera. Lama oga ujeedada shirka u dhaxeeya Dawladda Faransiiska iyo Somaliland, hase yeeshee sida ay waaheen ku heshay ilo wareedyo xogogaal ah waxa manta magaaladda…

                Read More

                  Gudoomiyaha Guurtida oo Markii u Horaysay Sheegay Sababta uu dawladihii hore ugu Mucaaridi Jiray,Xukuumada Siilaanyana u Taageersan yahay {DHAGAYSO}

                  Hargaysa 15.Dec 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa maanta la yeeshay Fadhi ay albaabadu u Xidhnaayeen dhigiisa Golaha Wakiilada ahna Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro. Gudoomiye  Saleebaan Maxamud Aadan oo markii Kulankaasi dhamaaday ay saxaafadu wax ka weydiisay arrimaha ay ka wada hadleena…

                  Read More

                    “Waraaqda Saxaafada umaan qorin laakiinse Waraaq aan Madax weynaha u qoray Way Jirtaa” Gudoomiyaha Wakiilada {DHAGAYSO}

                    Hargaysa 15.Dec 2013 (SDN)-Guddomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland C/raxman Maxamed (Cirro) ayaa Maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Guddomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Saleeban Maxamud Aadan, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Golaha Guurtida, waxaanay kaga wadahadleen kulankaasi xallada Siyaasadeed ee wadanku marayo iyo siddii loo damin lahaa khilaafka u dhexeya Xukumada Iyo xisbiyada…

                    Read More

                      Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay Kulan Taageero loogu Muujinayo Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Somalia

                      Kismaayo 15.Dec 2013 (SDN)- Kulan lagu taageerayo raysul wasaaraha la magacaabay, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada haweenka iyo dhallinyarada ee magaalada Kismaayo ayaa lagu soo dhoweeyay raysul wasaaraha cusub. Khadra Muxumad Cabdulle, Luul Xasan iyo xubno kale…

                      Read More

                        Jaaliyada somaliland ee Uk oo kulan hore looga baran la qatay wasiirka Arimaha gudaha Cali Maxamed Waran Cadde iyo Mayor ku Xigeenka Cabdicasiis Cagawayne oo ka dhacay bartamaha London. daawo sawirada kulanka

                        London 15Dec13(SDN) Kulan Balaran oo ay soo qaban qabisay Jaaliyada somaliland ee Uk ayaa waxa lagu qabtay galbeedka london kulankan oo uu ka soo qayb galay wasiirka Arimaha Gudaha iyo Moyore ku xigeenka magalada Hargaysa  Cabdicasis xaashi oo baryahan ku sugnaa cariga Uk kulankan aya waxa uu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee reer somaliland ah oo booqosho…

                        Read More

                          War Deg Deg: Labadii wariye Ee Ina Fadal Ka Afduubay Xarunta Wargeyska Hubaal Oo Xorriyadoodii Dib u Helay

                          Hargeysa:15-Dec-2013(SDN)-Waxa Daqiiqado ka hor Saldhigga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa Laga Sii Daayey Labadii wariye ee Dhawaan Ciidanka Boolisku ka qabteen Xarunta Wargeyska Hubaal oo ay ka Hawlhgeli jireen.  Mustafe Cabdilaahi Faro iyo Cismaan Axmed Cismaan oo ahaa laba Hawl-wadeen oo ciidan ina Fadal Wataa Laba cisho ka hor ka xidheen Xurnta wargeyska Hubaal, ayaa Haatan…

                          Read More

                            Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Sheegay Inuu Ra’isal Wasaaraha Cusub u guddbiyay Liis Wasiirro uu Doonayo inuu Dib Xilalkooda Ugu Magacaabo

                            Muqdisho:15-Dec-2013(SDN)-Ra’isal wasaaraha cusub ee Somalia dhawaan loo magacaabay ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumad cusub oo ka Ballaadhan middii hore, maadaama koobnaanteedii keentay isku dhicii madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarihii hore.  Haddaba waxa muuqata in Ra’isal wasaarahan cusubi oo dib u soo magacaabi doono xubno ka tirsan xukuumaddii hore oo madaxweyne Xasan ay saaxiib dhaw…

                            Read More

                              Dhacdo la Yaab Leh Oo Shalay Qabsatay Wariyayaal Shaqo u Tegay Garoonka Aadan Cadde iyo Ciidamo Maraykan ah Oo Haddidaad Geystay

                              Muqdisho:15-Dec-2013(SDN)-Sirdoon ka tirsan kuwa maraykanka ayaa  si xun ugu tacadiyey wariyayaasha soomaaliyeed eek a hawl gala magaalada muqdisho, iyadoo tallaabadaasna ay dusha ka daawanaysay xukuumadda somalidu. Shalay oo ay garoonka Aadan cadde ka soo degayeen wafti sare oo ka socda wadama yurub iyo Maraykanka, ayey saxaafadda madaxa Bannaan ee soomaaliya u hollatay inay warka waftigaas…

                              Read More

                                Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Muqdisho kula Kulantay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka U qaabilsa Afrika iyo u Nuxurkii Wada-hadalladooda

                                Muqdisho:15-Dec-2013(SDN)-Haweenayda Ra’isul wasaaraha ka ah  Dawladda Federalka Somalia Fosiya Yuusuf X. Aadan ayaa shalay Magaalada Muqdisho ku Qaabishay Kaaliyaha xoghaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Ambasador Linda Thomas-Greenfield. Marwo Fosiya ayaa ka hadashay imaatinka Haweenaydani ku timi Muqdisho, waxana ay tilmaantay inay caddayn u tahay xidhiidhka wanaagsan ee Somalia la leedahay maraykanka.  …

                                Read More

                                  Shacabka Gobolka Sh/Hoose Oo Dagaallo Ku Waabariistay

                                  Afgooye:15-Dec-2013 (SDN)-Wararka laga helayo saaka Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi  ay ka socdaan Dagaallo la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan. Dagaaladan  ayaa la sheegayaa inay  dhexmarayaan beelo isku heysta dhul  waxana ay ka socdaan tuulooyin hoos-taga degmooyinka Marka iyo Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Lama oga khasaaraha ay geysteen…

                                  Read More

                                    Xisbiga Ucid Oo Si weyn U Dhaleeceeyey Tallaabada Taliyaha Ciidanku Kula Wareegay Xarunta Wargeyska Hubaal

                                    Hargeysa:15-Dec-2013(SDN)-Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee Ucid, ayaa si weyn u cambaareeyey tallaabadii  Taliye Fadal markii labaad Albaabada ugu laabay wargeyska Madaxa Bannaan Ee Hubaal. Xibiga ayaa sheegay inaan loo dulqaadan Karin tallaabooyinka Noocan oo kale ah ee had iyo goor  lagu waxyeelaynayo wariyayaasha iyo Hay’adaha madaxa Bannaan ee waddanka ku yaalla,  iyadoo muddooyinkii dambe…

                                    Read More

                                      “Waan ka Xunahay Xukunka Kufsiga Muqdisho” Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka

                                      Washington 15.Dec 2013 (SDN)- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay xukunkii dhawaan ku dhacay gabar sheegtay in la kufsaday, wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo wareystay gabadhaas, iyo milkilaha Idaacadda Shabelle. Abdimalik Yussuf. War ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan laanta arimaha Africa, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah…

                                      Read More

                                        Waxaanu caddaynaynaa in maanta laga bilaabo aanay Saxaafaddu haysan Amaan sugan iyo Xoriyatul Qawl,Haddii ay sii socoto in dhibane cabanaya tacadi looga daro waa in suxufiyiintu isdifaacaan” Ururka Solja

                                        Hargaysa 15.Dec 2013 (SDN)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si adag u cabaareeyay Go’aanka Xukumadda Madaxweyne Silaanyo kula wareegtay Xarunta Wargeyska Hubaal oo Doraad galab Ciidanka Boolisku la wareegeen. Gudoomiye xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed Cabdi Curad ayaa sheegay inaanay Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland haysan Nabad galyo ku filan. “ waxaanu Aad iyo…

                                        Read More