Cabdiweli Gaas oo Boqasho ku maray Deegano badan ayaa Galabta Garoowe ku soo Laabtay kana Hadlay wixii uu ku soo Arkay Deeganadii uu tagay

    Garoowe Dec 14,2013(SDN)-Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maalmihii ugu dambaysay isaga iyo wafdi uu Hoggaminayay oo isugu jiray Odayaal waxgarad iyo Aqoonyahan ay ku marayeen Gobalada Puntland ayaa Wafdiga waxaa galabta ay ku soo noqdeen Magaalada Garoowe. Cabdiweli ayaa aad uga Mahadceliyay Dadweynihii faraha badna ee ku soo dhoweeyey Magalooyinkii u tagay iyagoo Muujinayay…

    Read More

    Nin Maraykan ah oo Todoba Sanno ka hor la Waayay oo la Xaqiijiyay inuu Basaasnimo ku tagay Iran

    Washington 14.Dec 2013 (SDN)- Labo ka mid ah warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in nin Maraykanka oo toddobo sano ka hor la waayey, isaga oo galay dalka Iran, uu ku lug lahaa howlo basaasnimo oo uu hay’adda CIAda u sameynayey. Wakaaladda wararka ee Associated Press iyo Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in Robert Levinson oo ah…

    Read More

      Madaxweynaha Somalia oo Qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka iyo Qodobo ay ka wada hadleen

      Muqdisho 14.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Linda Thomas-Greenfeild iyo wafdi ay hoggaamineyso. Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay Linda Thomas-Greenfiild booqashada ay ku timid Soomaaliya, isagoo sheegay in booqashadeeda ay tahay mid taariikhi ah oo astaan xooggan u ah xaaladda…

      Read More

        Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal oo Xaaskiisii Geeriyootay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo u Tacsiyadeeyay

        Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid xaaskiisi Marxuuma Jamiila Cabdilaahi Cali oo ku geeriyootay Dalka Ethiopia,  Maantana lagu aasay Magaalada Hargaysa . Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid…

        Read More

          Wakiilka gaar ah ee Xog-hayaha guud ee QM Nicholas Kay oo Maanta Gaadhay Magaalada Beledweyn

          Beledweyn 14.Dec 2013 (SDN)- Wakiilka gaar ah ee Xog-hayaha guud ee QM Nicholas Kay ayaa markii ugu horreysay maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaa uu sheegay danjiraha markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne in socdaalkiisan uu noqonayo kii ugu horeeyay eek u tago gobollada dhexe, islamarkaana siweyn ugu faraxsan…

          Read More

            Qarax Xoogan oo Gilgilay Deegaanka Dhoobley iyo Khasaare nafeed oo ka dhashay

            Afmadow 14.Dec 2013 (SDN)- Wararka ka imaanaya Degaanka Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta uu Qarax khasaaro xoogan gesytay uu halkaasi ka dacay islamarkaana ay ku waxyeeloobeen Haween ka shaqeenayay Nadaafada. Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday labo Ruux oo ka tirsanaa Haweenka halkaasi ka waday Howlaha Nadaafadeed iyadoona aan la ogeyn Cid…

            Read More

              Kalfadhigii 22aad ee Golaha Wakiilada oo Dib loo Dhigay iyo Asbaabaha Baaqashadiisa lagu saleeyay

              Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Furitaanka kalfadhigii golaha wakiilada Somaliland oo qorshaysnaa inuu furmo Maanta oo sabti ayaa dib loo Dhigay. Ma jiro sabab lagu saleeyay dib u dhiga kalfadhiga golaha wakiilada oo la sheegay in lagu wargeliyay mudanayaasha golaha wakiilada. Hase yeeshe dib u riixista furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada ayaa ku soo beegmaya wakhti ay…

              Read More

                “ Waxaanu Bulshada ,Hay’addaha xuquuqal Iisaanka iyo kuwa madaxa baananba u sheegaynaa inaanay Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland haysan Nabad galyo, iyo amni ku filan” Gudoomiye Xigeenka Ururka Solja {DHAGAYSO}

                Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargaysa waxay ku Canbaareeyeen falkii ay Ciidamada RRU ay maalintii Shalay Shalfadaha ugu laabeen Xaruntii Wargayska Madaxa Banaan ee Hubaal waxaanay Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku eedeeyeen inay Caadaysatay Cabudhinta Xoriyatul…

                Read More

                  “Wargayska Hubaal Waxay ka Cago Jiideen inay Kiiskooda Keenaan Maxkamada” Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada {DHAGAYSO}

                  Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Guddomiyaha Maxkamada Ciidamada ee Somaliland Gaashanle Sarre Yusuuf Faarax Sharmaake (Yusuf Geerash) ayaa sheegay in wargeyska Hubaal uu Ka cago jiiday in uu Maxkamda uu hor keeno Cadeymaha Werarkii uu sheegay in lagu qaaday, waxaanu xusay sababta ay u sii dayeen ninkii weerarka geeystay ay tahay in wargeyska Hubaal uu ka…

                  Read More

                    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ka hadlay Shir lagu gorfaynayo Xeerka Xakamaynta Hubka Fudud

                    Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdraxmaan Cabdilaahu Ismaaciil  [saylici ]   ayaa maanta ka qeyb galay  shir lagaga hadlaayay xeerka  xakamaynta hubka fudad ,kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha gudaha. Shirkan oo ay kasooo qeyb galeen wasiir ku xigeenka aminga , wasiiradda wasaaradaha  qorshaynta.  , cadaalada ,diinta iyo awqaafta iyo wasiir…

                    Read More

                      Aqoon Isweydaarsi lagaga Hadlayay Qaabka loo sameeyo Xisaab Xidhada iyo Samaynta Miisaaniyadaha oo Hargaysa laga furay

                      Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha  JSL Md Cabdisamad Cumer Maal  ayaa maanta  u furay shir hawleed  maayirada   lix  degmo oo ka mida degmooyinka  dalka kaas oo lagaga hadlaayay  qaabka ay dagmooyinku u diyaarsdaan miisaaniayada sanadka ee ay iticmaalaan Tababrkaas oo ay kasoo qeyb galeen maayirada degmooyinka Hargaysa , Gabilay ,…

                      Read More

                        Dagaalo ka Socda Shabeelada Hoose oo ay ku Geeriyoodeen 8 Qof,In ku dhow Toban kalena ay ku dhaawacmeen

                        Marka 14.Dec 2013 (SDN)- Siddeed qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedyo maalintii labaad ka socda tuulooyin hoos-taga degmooyinka Marka iyo Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaar ka tirsan waxgaradka deegaanka Aw-dheegle ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta  in dagaalka oo ka billowday tuulo lagu magacaabo Aybuutey uu ku fiday…

                        Read More

                          Maxay ka Wada Hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxa Cusub ee Xafiiska UNDP ee Somaliland

                          Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay u soo magacawday Somaliland iyo Somalia Mr George Conway.   Kulankan oo u jeedadiisu ahayd isbarasho, ayuu Mr George waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu Somaliland yimaado isla…

                          Read More

                            Mucaaridka Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Kulamo Hoose ku Dhamaynaya Xurgufo Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhxex Galay iyo Shirkii Talo qaran Oo Meesha Ka Sii Baxaya

                            Hargeysa:14-Dec-2013(SDN)-Waxa Meelo kala duwan oo caasimadda Hargeysa ka dhacay kulamo ay wada Yeesheen xubno ka tirsan xukuumadda Talada Haysa iyo hoggaanka sare ee Mucaaridka somaliland. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay waxa maalmahanba socday isu soo dhawaansho iyo isu tanaasul ay muujinayeen labada dhinac ee mucaaridka iyo xukuu wamadda, waxana la sheegayaa inay si…

                            Read More

                              Mareykanka oo 20 sanadood ka dib u mahad celiyay Malaysia,maxey tahay sababtu?

                              Port Dickson Dec 14,2013(SDN)-Dawlada dalka Marekanka ayaa mudo labaatan sanadooda ka dib u mahadcelisay dawlada Malaysia oo gacan ka siisay badbaadada ciidamadooda xili ay gacan u baahnaayeen. Dawlada Mareykanka ayaan mudadaa dheer marnaba aqoonsan abaalkan ay Malaysia u gashay xili adag oo labatan sanadood laga joogo. Ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Malaysia ayaa dagaalkii ciidamada…

                              Read More

                                Qoyska Qurbaha : Mushkilado iyo xuluul(DAAWO)

                                Ottawa Dec 14,2013(SDN)-Waa Baranaamij Muuqaal ah oo aanu ugu magac daray Qoyska iyo Qurbaha. Wanaaga mujtamacu waxa uu ku xidhanyahay wanaaga qoyska. Qoysas hagaagsan ayaa keena mujtamac wanaagsan. Silslada barmaamijkan aan u bixinay Qoyska qurbaha mashaakilaad iyo xuluul waxa aan ku soo bandhigi doonaa mushkiladaha ugu waaweeyn ee horyaala qoysaska qurbaha sidaas oo kale waxa…

                                Read More

                                  Weerar Looga Shakiyey Kooxda Al-shabaab Oo Lagu qaaday Degmada Wajeer iyo Khasaaraha ka Dhashay

                                  Wajeer:14-Dec-2013(SDN)-Ugu Yaraan Hal qof ayaa ku dhintay 15-kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Koox Hubaysani Habeenkii Xalay ka Fuliyeen Deegaanka Wajeer ee Dalka Kenya.  Weerarkan oo dhacay Habeenkii xalay, ayaa la sheegay in lala Beegsaday Suuq aad u camiran oo Qaadka lagu iibiyo, waxana ay taasi keentay in khaasuruhu aad u bato. Weerarkani oo aan…

                                  Read More

                                    Suldaan Caan ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Afgooye iyo Cidda Loo Aanaynayo

                                    Afgooye:14-Dec-2013(SDN)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa fiidkii  hore ee xalay halkaas lagu dilay Suldaan-Beeleed caan ahaa. Suldaan C/naasir Xuseen Xasan “Afrax”, ayaa waxay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dileen halka loo yaqaano Mukayga Afgooye, xilli uu la socday gaadhi nooca raaxada ah.   Ma cadda waxa rasmiga…

                                    Read More