War Deg Deg ah “Madaxweynaha Somalia oo Magacaabay Ra’isal Wasaare Dhalashadiisu tahay Dalka Canada”

    Muqdisho 12.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdiweli Sheekh Axmed u magacaabay raysul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Cabdiweli Sheekh Axmed waa aqoonyahan ku takhasusay dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa xarunta madaxtooyada ee Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu ku magacaabay raysul wasaaraha cusub. Cabdiweli waa aqoonyahan Soomaali ah oo…

    Read More

      Golaha Wasiirada Wakhtigoodu dhamaaday ee Somalia oo ansixiyay ka mid noqoshada Gudida nabada ee Midowga Africa

      Muqdisho 12.Dec 2013 (SDN)- Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay ka mid noqoshada Guddiga Nabadda iyo Xasilloonida Midowga Afrika oo Soomaaliya loo soo bandhigay. Afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ay dood dheer ka yeesheen mabaadii’da iyo ujeeddooyinka loo aasaasay guddiga iyo waxyaabaha ay Soomaaliya ka…

      Read More

        Taliyaha Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo Isaga iyo Ku Xigeenkiisa {DHAGAYSO}

        Hargaysa 12.Dec 2013 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa Waxba kama jiraan ku Tilmaanay War lagu daabacay Wargayska Hubaal oo Sheegaya in Khilaaf ba’ani u dhexeeyo isaga iyo Ku xigeenkiisa C.raxmaan Liibaan Axmed Fooxle. Taliyuhu waxa uu ku dooday inaanu Jirin Wax khilaaf ah oo u dhexeeya labadooda Mas’uul ee…

        Read More

          Dagaal ka dhacay Deegaanka Kanxanley Dhimashada Sideed Qof iyo Dhaawaca oo Maraya Labaatan Ruux

          Kanxanley 12.Dec 2013 (SDN)- Siddeed qof ayaa ku dhimatay, 20 kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal beeleed maanta oo Khamiis ah ka qarxay deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan. Shuuriye Xuseen Xaayow oo ka tirsan waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay jiritaanka dagaalka, wuxuuna sheegay in dadka ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada…

          Read More

            Gudida Dibu dhiska Madaarka Magaalada Burco oo Ku Hawlan Qorshe ay Silig ku soo Wareejinayaan Xayn daabka Madaarkaas

            Burco 12.Dec 2013 (SDN)- Guddiga dib u dhiska garoonka degmada Burco ayaa sheegay in dhisme silig ah lagu wareejinayo garoonka, si loo sugo amniga guud ee garoonka. Guddoomiyaha guddiga dib u shiska garoonka Burco Sheekh Cali Mowliid ayaa sheegay in qalabka dhismaha laga keenay waddanka China, isaga oo u mahad celiyay maamulka Somaliland iyo qurba…

            Read More

              Madaxweyne Faroole oo Sandule ku aqbalay inuu la Kulmo Musharixiinta Xilka uu hayo damaca ka qaba

              Garowe 12.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa manta aqbalay baaq ay shalay ujeediyeen musharraxiinta doonaya iney 8-da bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2014 kula tartamaan xilka madaxweynaha. Madaxweynaha maamulka Puntland oo maanta magaalada Garowe saxaafadda kula hadley ayaa sheegay in uu soo dhaweynaayo shirkaas ay ku baaqeen musharraxiinta, wuxuuna xusay inuu…

              Read More

                Dawlada Soomaaliya oo difaacday Goaankii xabsiga lagu dhigay Gabadhii sheegtay in la kufsaday iyo suxuufiyiintii lala xiray

                Muqdisho Dec 12,2013(SDN)-Dawlada Soomalaiya ee taagta daran kuna tiirsan beesha caalamka ayaa degdeg ugu difaacday goaankii maxkamadeed ee xabsiga lagu dhigay gar suxuufiyada oo sheegtay in la kufsaday iyo suxufiyiin baahiyay xogtaasi. Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji ayaa sheegay in maxkamadaha dalku yihiin qaar socod barad ah loona baahan yahay in la siiyo wakhti ay ku…

                Read More

                  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Si Adag Uga Hadashay Hannaankii Xukuumadda Xasan Sheekh U Maamushay Kufsigii Dhawaan Lagula kacay Haweenayda Suxufiyadda ah iyo Wariyayaashii Warkaas Tebiyeyba

                  Wanshintong:12-Dec-2013(SDN)-Dowladda Waddanka Maraykanka ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Kufsi la sheegay in dhawaan koox wariyayaal ahi  muqdisho ugu geysteen Haweenay ka hawlgeli jirtey Hay’ad warbaahineed. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, gaar ahaan laanta Afrika, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xidhiidha difaaca dadka…

                  Read More

                    Booliska New York Oo Shaaciyey In Kooxdii Westgate Weerartay Ay Nolol Ku Baxsadeen Dhammaantood

                    New York:12-Dec-2013(SDN)-CiidankaBooliska  ee Dalka Maraykanka  ayaa sheegay inay muuqato inay Baxsadeen Kooxdii fulisay Weerarkii lagu Hoobtay eek a dhacay xarunta Ganacsiga WestGate. Warbixin Cusub ay soo saareen Boliiska Magaalada New York ee dalka Maraykanka   ayaa sheegay in Dagaalyahanadii Weerarka ku qaaday Xarunta Ganacsi ee Westgate ay ahayeen Afar ruux  ayna u badantahay in ay baxsadeen…

                    Read More

                      Wasiirradii Loo Xilsaaray Turxaan Bixina Hoggaanka Warfaafinta oo Aan Natiijo Keenin iyo wasiir cukuse oo Hal Adayg Muujiyey

                      Hargeysa:12-Dec-2013(SDN)-Wasiirradii madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray inay dhammeeyaan Muranka shaqo ee dhexyaalla Wasiir cukuse iyo Maareeyaha Telefishanka Dawladda, ayaan wali keenin wax natiijo ah oo la taaban karo kadib markii uu wasiir cukuse ka diiday inuu tanaasulaad ka sameeyo xaqdarradii uu ku arkay wasaaradda uu maamulo iyo dulmiga ka dhex jira halkaas. Sida ay sheegayaan ilo…

                      Read More

                        Aabe Dhalay Wiilal Reer Canada ah Oo Hargeysa Kufsi Loogu Xidhay Oo Si Kulul U Cambaareeyey Hannaankii Loo Maray Xadhigga

                          Hargeysa:12-Dec-2013(SDN)- Maxamed Cali Nuur oo ah Aabaha Dhalay Laba Wii loo Maxkamada ku Taalla Magaalada Hargeysa ay ku heshay inay ka qayb-qaateen Kufsi wada-reed ka Dhacay Magaalada ayaa sheegay inaanay wiilashiisu qayb ka ahayn kufsigaas loo haysto. Maxamed Cali Nuur oo la Hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa Tilmaamay in Wiilashiisu oo…

                        Read More

                        Napoli Ayaa 2-0 Ku Afgoosatey Arsenal (Champion League) DAAWO (By Jaahuur)

                        Italy-Napoli-11-Dec-2013-(SDN) Ahkyaartay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa tartanka Uefa Champion League oo si habsami ah u socda iyo Napoli oo foodda isdareen Arsenal. Ciyaartan oo aad iyo aad u xiisa badneyd ayaa garoonka waxaa oo buuxiyey reer Napoli oo dhan oo aad moodo iney isku qeylo dhaansadeen,halka reer Arsenal aynaba ka soo xaadirin. Qeybtii hore…

                        Read More

                          ‘’Maanta Puntland Dowladda dhisan weeye nidaam leh, dastuur leh, calan leh, xeerar kale leh, ciidan kala gedisan leh, waxay hormuud u tahay dowladd Somaliyed oo Federal ah’’ Madaxweyne Faroole

                          Garowe 11.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Farole oo maanta 10 Dec, 2013 dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Puntland aysan joogin heerkii shan sanno ka hor joogtay, isagoo raacshay in xukuumadiisu ku talaabsatay horumar balaaran. Kumanaan dadweyne ah ayuu kula hadlay fagaaraha Barxada Garowe oo si diran ugu soo dhoweeyay…

                          Read More

                            Xubnihii Isku Magacaabay Awdal State ee Miisaanka Siyaasadeed lahayn oo dalka dib ugu soo laabtay iyo Soo dhawayn Balaadhan oo loo sameeyay DAAWO

                            Hargaysa 11.Dec 2013 (SDN)- Xukuumada somaliland ayaa maanta soo dhaweysay Siyaasiyiintii  haystay aragtida Awdal state  oo uu hogaaminayo rashiid Al Nuur ku xigeenkiisa xubno l socoday kuwaas oo kusoo guryo noqday dalkooda hooyo ee Somaliland kadib markii ay wada hadalo la galeen  xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaa…

                            Read More

                              Ma dhabaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka Baaqsaday Safar uu beri ku tegi lahaa dalka Turkiga waa Maxayse Sababtu

                              Muqdisho 11.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu uga qeyb geli Maalinta Xornimada dalkaas oo ku beegan maalinta berri. Warar Lagu Kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu u baaqday arrimaha la xiriira soo magacaabida Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo…

                              Read More

                                “Wasarada Arrimaha Dibadu waxay Billoowaday in Dunida ay ka Dhaadhiciso Sidii Somaliland dhaqaale xoogan uga heli lahayd wadamada Caalamka” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland

                                Hargeysa 11.Dec 2013 (SDN) Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku dhawaaqay in Awood uu saarayo siddii Somaliland dhaqaale xoogan uga heli lahayd Dawladaha Caalamka. Sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu Maanta ka soo Laabtay Safar uu ku maray dalka Yugaadh, Ingiiriska, Dubai, waxaanu uu sheegay in Guul ay ku soo…

                                Read More