Minneapolis oo yeelatay xildhibaankii u horeeyay oo Soomaali ah

    Minneapolis Nov 07,2013(SDN)-Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay noqotay magaaladii u horeeysay ee yeelata xildhibaan Soomaali ah ka dib kolkii Cabdi Warsame uu ku guulestay degaanka Ward 6. Xildhibaan Cabdi Warsame ayaa ku guuleystay 64 boqolkiiba codadkii laga dhiibtay degaansi ee xulashada hore 40% xulashada labaad iyo xulashada sadexaad oo uu helay boqolkiiba…

    Read More

      War-Murtiyeedkii ka Soo Baxay Shirweynihii Dib-u Heshiisiinta Jubbooyinka

      Muqdisho Nov 07,2013(SDN)-Waxa magaalada Muqdisho lagu soo gunaanaday shirkii Jubooyinka ee mudada la sugay natiijadii ka soo baxdayna waxa lagu shaaciyay war murtiyeedkan hoosta ku qoran. “Iyadoo laga anbaqaadayo fulinta iyo hergelinta heshiiskii Addis Ababa ee bishii August 2013, Dowladda Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxay qabanqaabisey shir weyne dib u heshiisiineed ee shacabka jubbooyinka.   Shirweynaha…

      Read More

        War Deg-deg ah Xoghayihii Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Keyse oo Iscasilay faahfahina ka bixiyey is casilaadiisa

        London 07Nov13(SDN) Aniga oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) waxa maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 6 November, 2013 aan ku cadeynayaa qoraalkan hordhaca ah in aan xilkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid iska casilay. Xilkaasi oo la ii magacaabay 12/07/2012 isla markaasina lagu ansixiyay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee Xisbigaasi…

        Read More

          Somaliland: Beesha Koonfurta iyo Bariga Hargeysa oo qaadacay habka loo qorsheeyay tirakoobka ay Wasaaradda Qorshaynta iyo Hay’adda UNFPA dalka ka fulinayaan (Akhri War-murtiyeed qodobaysan)

          Hargeysa Nov. 6, 2013 (SDN)- Guddiga guud ee beesha Koonfurta iyo bariga Hargeysa (Ciidagale), ayaa sheegay in beel ahaan ay qaadaceen tirokoobka ay Somaliland ka bilaabeen wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo hay’adda UNFPA. Sida lagu sheegay war-murtiyeed 4 bog ka kooban oo guddiga guud ee beesha Ciidagale ay caawa ka soosaartay caasimadda Hargeysa, waxay si qotodheer…

          Read More

            Wasiirka Warshadaha Somaliland oo beeniyay inuu iska Casilayo Xilka Wasaaradaasi,iyo Mashaaric Wasaaradiisu fulinayso {DHAGAYSO}

            Hargaysa 06.Nov 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Wershadaha ee Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur “Abiib Timacd” ayaa maanta ka waramay Mashaariic horumarineed oo laga hirgalin doono dalka . Wasiirka Wershaduhu Waxaa kale oo uu Beeniyay Warar Sheegayay inuu iska Casilayo Xilka Wasaaradaasi isagoo ka mid ah Garabka uu Hogaamiyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis  Maxamed Samaale oo…

            Read More

              Muqdisho: Baarlamanka Federaalka ee Somalia oo si adag uga dooday Hindise Sharciyeedka Kalluumaysiga

              Muqdisho 06.Nov 2013 (SDN)- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kulan ay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga doodeen wax ka bedelka hindise sharciyeedka kalluumeeysiga dalka kaas oo ay soo jeediyeen Guddiga beeraha iyo kheyraadka dalka, Guddiga ayaa ka dooday wax ka bedelka hindise sharciyeedka kalluumeeysiga dalka, waxayna timid ka dib markii ay maalinnimadii doraad…

              Read More

                Gabo Gabada Shirweynihii Jubooyinka iyo War Murtiyeed laga soo saaray Qodobada ka soo baxay

                Muqdisho 06.Nov 2013 {SDN) Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo Gunaanaday Shirkii Dibu heshiisiinta  Jubooyinka kaas oo laga soo saaray War Murtiyeed lagu faah faahiyay Qodobada lagu go’aamiyay Shirweynahan . War Murtiyeedkan ayaa u dhignaa Sidan :- Iyadoo laga amba qaadayo fulinta iyo hirgelinta heshiiskii Addis Ababa ee bishii August sanadka 2013ka dowladda Federaalka Soomaaliya waxa…

                Read More

                  Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Booqasho ku Tagtay Magalada Berbera {DAAWO}

                  Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde aamina weris iyo Wefti ay hogaaminayso ayaa Maanta  kormeer ku tagtay magaalada berbera Isla markaana  Xadhiga ka Jartay Guriga Martida ee Magaalada Berbera oo dib u habayn xoogan  lagu sameeyay . Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Maamulka Gobolka Saaxil,ka Degmada Berbera iyo dadweyne tiro badan ayaa ku…

                  Read More

                    Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Xarun Caafimaad oo laga Hirgaliyay Degmada Daarasalaam

                    Hargaysa 06.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka j s l  mudane saleebaan ciise axmed  [xaglo toosiye ]  ayaa maanta xadhiga ka jaray  m c h cusub oo laga hirgaliyay degmada daarasalaam ee gobolka hargaysa. Xafladii loo  qabtay munaasibadii furitaanka  m c h  ayaa waxa kasoo qeyb galay isuduwaha caafimaadka gobolka maroodi jeex , sayid isamaciil xasan agaasimaha waaxda nafaqaynta wasaarada caafimaadka , dr…

                    Read More

                      Heegan Buuxa oo la Geliyay Ciidamada Itoobiya iyo Cabsi laga qabo Kooxaha argagixisada ah

                      Addis ababa 06.Nov 2013 (SDN)-Dowladda dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay heegan sare galisay ciidamaeeda ammaanka, kaddib markii ay heshay macluumaad muujinaya in maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda ay maleegayaan falal ka dhan ah ammaanka oo ay doonayaan inay ka fuliyaan gudaha dalkeeda. Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee…

                      Read More

                        Muqdisho: Shirkii Dibu Heshiisiinta Jubooyinka oo Maanta la Soo Gabo gabeeyay

                        Muqdisho 06.Nov 2013 (SDN)- Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Arbaco ah lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta beelaha wada daga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka soconayay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Munaasabad lagus oo xiray shirka oo lagu qabtay xarunta ciidanka nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho ayaa…

                        Read More

                          “Waa In Danta Guud laga Hor Mariyaa Ta Gaarka ah si ay Wax Waliba sida Wanaagsan ugu Socdaan” Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya

                          Muqdisho 06.Nov 2013 (SDNWasiirka wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Itoobiya, Tedros Adhanom oo gaaray galinkii danbe ee maalintii shalay Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan lahaa mas’uuliyiiinta dowladda iyo ergada gobollada Jubbooyinka. Wasiirrka ayaa ugu baaqay guud ahaan dowladda in ay ka shaqeyso sidii loo hormarin lahaa dalka, isaga oo kula dardaarmay in…

                          Read More

                            Telefishanka Qaranka Somaliland Oo U Xuubsiibtay Aalad Kala Irdhaysa Gegmooyinka Dalka Iyo Reer Awdal Oo Arrintaas Ka Cadhaysan

                            Borama:6-Nov-2013 (SDN) -Waxa ay ahayd habeen hore  markii uu TV-ga Qaranka Somaliland (SLNTV) uu baahiyay war ku saabsan Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex Dr. Sayid Ismaaciil Xasan oo booqday xeebta degmada Lughaya, gaar ahaan degaanada Bildhaaley, Booda, & Ceelsheekh, isla markaana dagaankaasi ku sheegay mid looga arimiyo Magaalada Hargaysa, kana tirsan gobolka Maroodijeex, taasina ay sababtay…

                            Read More

                              Somaliland: Agaasime la Caydhiyey iyo Wasiirkiisa oo Telefoonkooda lagu soo Dallacay $6,323 + Lacago Lagu Galay Ololihii Kulmiye oo Wasaaraddu dusha U ridatay+ Madaxii Waaxda Duulimaadyada Puntland Oo Hutello Hargeysa ku Yaalla ku Seexday $1500.

                              Hargeysa:6-Nov-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamud  Xaashi Cabdi ayaa maalintii shalay Baalmaray Wareegtadii uu madaxweyne Siilaanyo ku Faray inuu xilka u kala wareejiyo Agaasimha Wasaaradda ee cusub ee Kii Hore. Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa markii Xil-wareejintu dhacaysay waxa uu dhex fadhiyey aqalka Madaxtooyada,  isagoo diiddan inuu hor istaago Agaasimihii hore ee wasaaradiisa…

                              Read More

                                Xukuumadda Oo Jawaab Gabbal-dhacsatay Ka Daba-tuurtay Mucaaridka Iyo Waran-cadde Oo Noqday Shaabuug Lala Dhaco Saaxiibbo Uu Bilo Uun Ka Soo Maqnaa

                                Hargeysa:6-2013(SDN)-Ka dib markii ay maalintii Isniintii  Hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaridka Somaliland si wada-jir ah ugu dhawaaqeen inay aqbaleen Gardaadinta shirweynaha qaran ee Hore Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranku ugu dhawaaqeen, ayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Gudo gashay Gorfaynta  Jawaabta La Siinayo mucaaridka iyo waliba cidda odhanaysaba. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo u dhuundaloola Madaxtooyadu waxa ay xukuumaddu…

                                Read More