“Qolyaha Qurbejoogga ee La Xisaabtanku Meesha kaga Dheggan yahay, waxan Leeyahay Annagu lix Milyan iyo Badh Baanu Bixinaye wax Aad Nagula Xisaabtantaan Nagu Darsada….” Wasiir Xirsi.
London:6-Nov-2013(SDN)-Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa naqdiyey soo jeedimaha bulshada dhexdeeda ah ee odhanaya Lacagta Qaadhaanka ah ee loo Ururinayo Dhismaha waddada Ceerigaabo-Burco Halloo Dhiibo Cid Dhex ah. Wasiir Xirsi oo Haatan ku sugan Waddanka UK, Islamarkaana Ka hadlayey madal ay iskugu Yimaadeen muwaadiniin reer Somaliland oo ka doodayey Hannaanka loo Abaabulay…
