Muqdisho: Wasiirka Arrimaha Dibada oo soo laabatay kadib shir ay kaga qayb gashay New York

    Muqdisho 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta ku laabatay magaalada Muqdisho kaddib markii magaalada New York ee dalka Mareykanka ay uga qayb gashay shirkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Fowsiya oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay…

    Read More

      Meelo Dunida Ka Mid ah Oo Maanta Laga Saadaaliyey Qorrax-madoobaad

        Egyty:3-Nov-2013(SDN) Sida ay sheegeen Xeel-dheerayaasha Cilmiga Xiddigisku  waxa Maanta meelo ka mid ah Dunida Lagu arki Doonaa Qorrax-madoobaad Ballaadhan. Dr. Ashraf Ladiif Tadaaris oo ku-xeel dheer cilmiga xiddigiska iyo godadka meerayaashu guuraan ayaa saadaaliyey in maanta oo Axad ah uu dhici Doonaa Qorrax-madoobaadkaasi, waxana Lagu Arki Doonaa Meelo  Dunida ka mid ah. Digtoorka oo…

      Read More

        Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somalia oo Shir kaga qayb galaya Nairobi iyo Jabuuti

        Muqdisho 03.Nov 2013 (SDN)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedaan dalalka Kenya iyo Jabuuti. Guddoomiyaha waxaa safarkiisa ku wehliya qaar ka mid ah garsoorayaasha maxkamadaha, waxaana lagu wadaa in dalalka ay u ambababaxeen…

        Read More

          Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Xuska Sanad-guuradii 20-aad ee Ciidanka Booliska Somaliland

          Hargeysa:3-Nov-2013(SDN)-Waxa Maanta Magaalada Hargeya Lagu Qabtay Xuska Sanad-guurada 20-aad eek a soo wareegtay Aasaaska ciidanka Booliska Somaliland. Madaxweynaha Somaliland ayaa ka qayb galay xuska Munaasibadda sanad-guurada 20-aad eek a soo wareegtay markii la Aasaasay Ciidanka Booliska Somaliland. Munaasibaddan oo oo ka qabsoontay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa wax aka soo qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno,…

          Read More

            Dawlada Pakistaan oo sheegtay in Dilkii Mareykanku u geystay madaxii Taalibaanka ay burburisay wadahadalo ay kooxdaa kula jireen

            Islamabad Nov 03,2013(SDN)-Dawlada Dalka Pakistaan ayaa sheegtay in dilkii Mareykanku u geystay hogaamiyihii kooxda Talibaan ee dalka Pakistaan ay caqabad ku noqon kareyso nabada dalkaasi. Wasiirka khaarejiga ee Pakistaan Chaudhry Nasir Ali khan ayaa sheegay in dilka aan loo geysan afrta ruux ee dhimatay uun balse la khaarejiyay wadahadaladii nabadeynta Pakistaan. Dilka madaxa Talibaan ayaa…

            Read More

              Suxuufiyiin Faransiis ah oo lagu toogtay dalka Mali

              Kidal Nov 03,2013(SDN)-Laba suxuufiyiin ah oo u dhashay dalka Faransiiska oo dalka Mali lagu afduubtay ayaa kolkii danbena toogasho lagu dilay. Suxuufiyiintan oo ka hawlgeli jiray idaacada RFI ee dalka Faransiiska ayaa la kala oran jiray Claude Verlon iyo Ghislaine Dupont. Madaxweynaha dalka Farnsiiska oo dilka labadan suxuufi ka hadlay ayaa sheegay in falkaasi ahaa…

              Read More

              Tababarihii Hore ee Xulka Senegal Una Dhashey France Buruno Metsu Ayaa u Dhintey Cudurka Kansarka Isaga oo 59 Jir Ah.(By Jaahuur.

              France-Nov-02-2013-(SDN) Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ula haajireynaa xagaa iyo France,tababarihii hore ee xulka Senegal una dhashey dalka France Buruno Metsu ayaa ku bakhtiyey wadankiisa isaga oo 59-aal jir ah. Tababare Metsu waxaa qudha ka jarey cudurka lagu magacaabo colon cancer,wuxuuna horey u bedeley Maradona marku tababaraha u ahaa naadigii Al Wasi ee Dubi. Kansarkan oo…

              Read More

                Biyooleyaal Ka Gadooday Biyo La’aan Ka Taagan Magaalada Burco

                Burco:3-Nov-2013 (SDNl)-Gaadiidlayda Booyadaha magaalada Burco ka dhaamiya ayaa Cabasho xoogan ka muujiyay Biyo la’aan kaga timi ceelasha ay Biyaha uga dhaamiyaan dadwaynaha reer Burco ee aanay qasabadaha wakaaaladu  gaadhin.   Arrintan ayaa ka dambeysay, cilad ku timi laba ka mid ah mishiinadii iyo bamkii Biyaha riigaga ka soo saari jiray,taasoo sababtay in Ilihii biyuhu isugu…

                Read More

                  Woqooyiga Korea oo Qaramada Midoobey Canada kaga eedeysay xad-gudub ka dhan ah xuquuqda Adanaha

                  NY Nov 03,2013(SDN)-Dawlada Woqooyiga Korea oo ka mida dawladaha dunida ugu tumashada badan xuquuqda aadanaha ayaa Safiirkeeda u fadhiya QM ayaa dawlada Canada ku eedeeyay in ay shicibkeeda u geysato xadgudubyo. Eedan ayaa jawaab u aheyd hadal safiirka Canada ee QM uu ku eedeeyay dawladaha Woqooyiga Korea iyo Iran in ay caburiyaan shicibkooda. Dawlada Woqooyiga…

                  Read More

                    Lacagtii Ku Dhacday Gacanta Budhcad-badeedda Soomaalida intii ay Jireen Oo La Shaaciyey

                      London:3-Nov-2013 (SDN)-Sida ku cad War bixin ay soo sartay Qaramada Midoobay,  waxa Daahaha laga fayday xaddiga lacagtii Soo Gashay gacanta Budhcad-badeeda soomaalida Tan iyo intii arrintani Bilaabantay. Waxa lagu qiyaasay inay Budhcad-badeedda soomaalidu faraqa ku shabatay lacag gaadhaysa 413-Milion muddo 7-sano ah oo ay ka shaqaynaysay Badda Dheer ee Xeebta Soomaalidu leedahay, waxana lacagtaas…

                    Read More

                      Madaxda Degmooyinka Dhahar, Laasqoray iyo Badhan Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Musuq Dhinaca Shaqada ah

                      Ceerigaabo:3-Nov-2013(SDN)-Madaxda Degmooyinka Badhan, Laasqoray iyo Dhahar oo Dhammaantood ka tirsan Gobolka Sanaag, ayaa xukuumadda Ku Eedeeyey Musuqmaasuq dhinaca shaqaalaha Wasaaradda qorshaynta ah. Masuuliyiintan Oo Maalintii shalay shir Jaraa’id ku Qabtay Magaalada Ceerigaabo, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu Hannaan aanHabboonayn u maamushay shaqaalihii Degmo ahaan loo Tababaray inay Degmo ahaan ka qayb galaan Tiro Koobka ay wasaaradda…

                      Read More

                        Puntland oo sheegtay in Gaari tikniko ah oo uu leeyahay Musharax Cabdiweli Gaas oo Somaliland uu kala soo degay ay qabatay

                        Garoowe Nov 03,2013(SDN)-Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa saxaafada uga waramay Gaari tikniko ah oo ay ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen maalmihii ina dhaafay. Qarjab ayaa sheegay in Gaarigan Tiknigada ah laga soo dejiyay “Woqooyi” isla markaana la sheegay in uu lahaa Musharaxa xilka Madaxweynenimo ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Gudoomiyaha ayaa hadaladiisii…

                        Read More

                          Soo Dhawayntii Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ee Jabuuti iyo Hadhimo Sharafeed ay Xubno Wasiiro ahi u sameeyeen Sawiro Daawo

                          Jabuuti 02.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yonis, ayaa oo si wayn loogu soo dhaweeyay Dalka Djibouti. Wasiirka oo ku jira socdaal shaqo oo ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Masar iyo Ingiriiska oo ka soo degay Shalay  gagida diyaaradaha dalka DJibouti halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka…

                          Read More

                            Dhawr iyo Toban Qof oo Xabsiga Beledweyn loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inay Xidhiidh la Leeyihiin Alshabaab

                            Beledweyne 02.Nov 2013 (SDN)- Ciidamada dowladda ee magaalada Beledweyne ee xarunta  gobolka Hiiraan ayaa maanta hawlgal ka sameeyeen xaafadaha magaalada ku soo qabtay 16 qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin maleeshiyada Alshabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan Kornayl Tawane Axmed ayaa sheegay in hawlgalka  uu qeyb ka yahay dadaallo…

                            Read More

                              Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somalia oo Is Casishay iyo Sababaha soo dedejiyay

                              Muqdisho 02.Nov 2013 (SDN)- Guddoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya, Yusur Abraar ayaa si kadis ah isku casishay kaddib toddobo usbuuc oo ay xilka haysay. Yusur Abraar oo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo guddoomiye ka noqota bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa warqaddeeda istiqaalada u gudbisay madaxweynaha Soomaaliya 30-kii October. Waxay warqadda ku sheegtay in si joogta…

                              Read More

                                Natiijada ka soo Baxday Shirkii Madaxweyne Siilaanyo uu la qaatay Hogaanka Kulmiye iyo Qodobo iska hor imanaya oo laga soo saaray

                                Hargaysa 02.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta Kulan gaar ah la qaatay Hogaanka Sare ee Xisbul Xaakimka Kulmiye isla markaana laga soo saaray qodobo Mugdiga ka saaraya Khilaafkii soo kala dhex galay Xubnaha Gudida Qaban qaabada Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye . Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud…

                                Read More

                                  “Waxaanu gabagabadii goluhu isku raacay in 48 la keeno waxa loo xidhay Xildhibaanka” Maayarka Gabiley

                                  Gebilay 02.Nov 2013 (SDN)- Golaha degaanka Degmada Gabilay ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ka yeeshay Xadhig dhawaan loo gaystay Mid ka mida Xildhibaanada Golaha degaanka Gabiley.Gudoomiyaha Golahaasi Shucayb Maxamed Muuse oo Shir Albaabadu u xidhan yihiin oo goluhu yeeshay ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Goluhu khalad u arko Xadhig lagula kacay…

                                  Read More

                                    Wefti uu Hogaaminayo Axmed Madoobe oo ku sii Jeeda Caasimada Muqdisho oo ay kaga qayb galayaan Shirka dibu heshiisinta Jubooyinka

                                    Muqdisho 02.Nov 2013 (SDN)- Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd u ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uga qeyb-galo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka. Sidoo kale waxaa maanta Kismaayo ka ambabaxay xubnaha maamulka Jubba uga…

                                    Read More

                                      Biyaha Magaalo Xeebeedka Berbera oo gaadhay Halkii u Hoosaysay iyo Werwerka Maamulka Biyaha ee Magaaladaas

                                      Hargaysa 02.Nov 2013 (SDN)- Maareeyaha wakaaladda Biyaha ee Gobolka Saaxil Eng. C/raxmaan Cartan Geeddi ayaa maanta ka hadlay xaaladda biyaha la cabbo ee Magaalada Berbera, kuwaasoo soo saarkoodu gaadhay heerkii ugu hooseeyey. Maareeyuhu waxa uu sheegay ilaa hadda biyaha helitaankoodu ay suurogal tahay laakiin ay maalinba ta xigta hoos u sii dhacayaan, caasimadana ay u…

                                      Read More