Wax Garad Iyo Cuqaal Dawladda Somaliland Ka Dalbaday Inay Tallaabo Ka Qaaddo Shabakad arrimo Foolxumo ah Masuuliyiin Ka Qortay

    Hargeysa:12-Oct-2013(SDN)- Xubno ka tirsan Waxgaradka iyo Odayaasha Beelaha Deggan Somaliland, ayaa si kulul u Beeniyey War Shabakadda wararka ee Balligubadle Media ka qortay Siciid Axmed Jaamac oo ah Muwaadin reer Somaliland ah.   Odayaashan ayaa ayaa meesha ka saaray war ay shabakaddani ku sheegtay in Siciid Axmed Jaamac uu ka tirsan yahay ururka Alshabaab, waxana…

    Read More

      “Hay’ad wax ay qabato aan la garanayn oo lagu magacaabo NDC. Ayaa la Miisaaniyad ah 11-waasaradood oo waaweyn, taasina waxa ay caddaynaysaa in Lagu Saleeyey Nin Jeclaysi……..” Qaasim Sheekh Ibraahim

      Hargeysa:12-Oct-2013(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhaliilo waaweyn u so jeediyey Odoroska Miisaaniyad-sanadeekda 2014-ka  oo haatan dooddeedu ka socoto Golaha Wakiillada Somaliland. Hoggaanka sare ee xisbiga waddani Oo Maalintii shala shir Jaraa’idku qabtay Xarunta Gobolka M\jeex ee xisbiga, ayaa si faahfaahsan Bulshada ugu soo Bandhigay xagal-daacyada Muuqda eek a soo ifbaxay Miisaaniyadda wasiirka maaliyaddu dhawaan…

      Read More

        Misaaniyad Mala-Awaal ah oo aan xisaab celin laheyn + Mala -Awaal cusub oo gaadhaya 212 Miyan oo dollar oo indho sarcaad qaawan ah

        Dakhliga miisaaniyadu sidiisaba  waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysan qiyaas (projections)  Taas oo ka bud-dhig u-ah siyaaasada qaranka  kana turjumeysa mar-walba  baahiyaha dhaqan dhaqaale ee dhabta ah ee wadanka ka jira sida baahiyaha adeegyada aas-aasiga ah ee kowaad ee nolosha bulshada  sida biyaha, caafimaadka,degaanka iyo xoolaha,kor u-qaadista waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta, kor-u-soo…

        Read More

          Madaxweyne Xasan Sheekh oo Iskaashi Caalamka kala yeelanaya Xidido u saarida Kooxda Alshabaab

          Muqdisho 11.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in caalamka ay kala kaashanayaan sidii al-Shabaab looga ciribtiri lahaa dalka. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in marka uu berri ka qeyb-galo shirka hoggaamiyaasha Afrika ee ku saabsan maxkamadda dambiyada caalamka ee ICC-da ay si wadajir ah farriin ku…

          Read More

            Midowga Africa oo ka Wada Xaajoonaya waxa ay ka Yeelayaan Maxkamada dhagaraha adduunka ee ICC

            Addis Ababa 11.October 2013 (SDN)- Magalaada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia ayaa waxa maanta 11 Oct, 2013 ka furmay shir Midowga Afrika ay uga arinsanayaan Maxkamada Danbiyada Caalamiga ee ICC. Midowga Africa  ayaa ku edeeyay ICC inaysan dhexdhexaad  u ahayn Qaarada Afrika, ayna bartilmaameedsaneyso hogaamiyaasheeda. ICC ayaa xadgudubyo ka dhana bini’aadanimada u haysata Madaxweynaha Kenya…

            Read More

              Al Shabaab oo Mar kale ka Dhawaajiyay Weeraro ay la Maagan yihiin Wadamada Kenya iyo Uganda

              Muqdisho 11.October 2013 (SDN)- Xarakada Al-Shabaab ayaa mar kale ku hanjabtay inay weeraro ka geysaneyso dalalka Uganda iyo Kenya oo horay weeraro ugu qaaday.   Horjoogaha Al-Shabaab ee Gobolada Jubooyinka C/raxmaan Xudeyfa oo wareysi siiyay Idaacada Andulus ee ku hadasha afka falaagada Al-Shabaab ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan dalalka Uganda iyo Kenya….

              Read More

                Kenya: oo Xabsiyada u Taxaabtay dad Somaliyeed oo Xujay ah iyo Safiirka Somalia ee Kenya oo ka hadlay

                Nairobi 11.October 2013 (SDN)- Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ilaa 23 muwaadiniin Soomaaliyeed ah lagu xir xiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dajiraha ayaa sheegay in dadka la xiray ay ahaayeen Xujey ku sii jeedaydalka Sacuudiga, kuwaas oo baasaboorro Soomaali ah oo ay wateen loo saaray…

                Read More

                  “Waanu idiin balan qaadaynaa,in aanu doonayno inaanu n Qaranka wax tayo leh ugu tagno” Garyaqaanka Guud ee Somaliland

                  Hargeysa 11.October 2013 (SDN)- Garyaqaanka Guud ee dawlada Somaliland Ibaarhim Iidle Sulaymaan ayaa  soo gabagabaayey shir qaran oo lagu fallanqaynayey  qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda. shirkani  oo hudheelka Mansoor ee magaalada Hargeysa ka soconayey muddo laba maalmood ah ayaa maanta lagu soo xidhay waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socday hay’aha madaxbannaan ee dawliga, wasaaradaha iyo…

                  Read More

                    Xukuumada Federaalka Somalia oo ka Hadashay Asbaabta ku kaliftay inay Shirkada SKA ka Wareegiyaan Maamulka Madaarka Muqdisho

                    Muqdisho 11.October 2013 (SDN)- Xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababaha keenay in Maamulka Garoonka diyaaradaha ay ka wareejiyaan Shirkada SKA oo muddo saddex sano maamuleyso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in shirkada SKA ay shaqada ka wareejiyeen markii ay fulin…

                    Read More

                      In ka Badan 450 Tahriibayaal ah oo Ciidamada Bada ee Talyaanigu ay Badbaadiyeen

                      Lambadusa 11.October 2013 (SDN)- Saraakisha ciidamadda Badda dawlada Talyaniga ayaa shaaca ka qaaday inay soo badbaadiyeen in ka badan 450 ruux oo Tahriibayaal ah kuwaasi oo ay u badan yihiin Soomaali,waxaana Badbaadiintani imaanaysaa xilli saacadiihi la soo dhaafay qaylo dhaan baahsan ka soo yeereysay Tahriibayaasha oo saarnaa 3 doonyood isla markaasna ku god’oosanaa badweynta u…

                      Read More

                        “Ruqso walba oo maamul goboleedyadu siiyeen shirkadaha shidaalka baara waa waxba kama jiraan wax ka soo qaadna malahan” Wasiirka Khayraadka ee Somalia

                        Muqdisho 11.October 2013 (SDN)- Wasiirka Khayraadka Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyadii shidaalka ee maamulada Puntland iyo Somaliland la galeen shirkadaha shisheeye . “Ruqso walba oo maamul goboleedyadu siiyeen shirkadaha shidaalka baara waa waxba kama jiraan wax ka soo qaadna malahan, Shirkadaha shidaalku waa inay kala xaajoodaan Dowlada…

                        Read More

                          Gudida Qaban qabada Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ee wadanka uk oo soo saartay hees cusub oo lagu daah furayo olalaha Murashaxa Madaxaynaha Xisbiga Ucid Daawasho wacan

                          London 11Oct13 Kulan dhex maray gudiga qaban qabada Ololaha Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid ee laanta Uk ayaa waxa ay soo sareen hees cusub ooo lagu daah furayo ololaha murashaxa madaxwaynaha gudigan oo ka koban garabada Haweenka ,Dhalinta ,iyo Xubnaha xisbiga waxana ay dhawaan ku kulmi donaan wadanka uk iyaga oo ka kala iman dona gobolada…

                          Read More

                            Turkiga oo sheegay in lacag mucaawino ah oo Soomaaliya ku socotay in ciidamada Kenya ay gacanta u gashay

                            Nairobi Oct 11,2013(SDN)-Ururka laanqeyrta cas ee dalka Turkey ayaa shaacisay in ciidamada dalka Kenya ay gacanta ku dhigeen lacago mucaawino ah oo loogu talogalay shacabka Soomaaliyeed. Ururka Laanqeyrta cas ee Turkiga ayaa sheegay in lacagtani ciidamada Kenya gacanta u gashay ka dib kolkii ay todobaadkii hore xabsiga dhigeen labo ka mida hay’ada oo ka hawlgala…

                            Read More

                            Flamengo oo 2-1 Ku Qancisey International.By Jaahuur.

                            Brazil-Oct-11-2013-(SDN) Akhyaartay qormadeena ciyaarha waxaynu ku jibaaxaynaa ciyaar aad u xiiso badneyd oo ay foodda isla galeen Flamengo iyo International kana tirsaneyd horyaalka ka holcaya dalkaa Brazil. Ciyaartan oo aan waxaba la isu reeban ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne heehaabaya 70,000 iyo dabcan taageerayaasha labada kooxood. Ciyaartan oo ku bilaabatay weerer badan oo aay…

                            Read More

                              Doon ay Saaran yihin In Ka Badan 110-qof Oo Dhex Heehaabaysa Badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga iyo Qaylo-dhaan ay Dirsadeen

                              Roma:11-Oct-2013 (SDN)- Wararka ka imanaya Badda u dhaxaysa Wadamada Libiya iyo Talyaaniga, ayaa sheegaya inay tahriibayaal u badan soomaali ay ku xanniban yihiin halkaas   markii labaad muddo toddobaad ah. Doontan la sheegayo inay haatan ku xanniban tahay badda, ayaa waxa saaran ugu yaraan 110-qof oo ay ku jiraan 30 dumar iyo 20-carruur ah, kuwaasoo tan…

                              Read More

                                Khasaaraha Roobku u Geystay Beeraha Deegaanka Baki Oo La Soo Bandhigay

                                Baki:11-Oct-2013 (SDN)-Roobab Xooggan oo ayaamihii ugu dambeeyey ka da’ayey Degmada Baki ayaa khasaare laxaad leh gaadhsiiyey Beero wax soo saar oo halkaasi ku yaallay. Maamulka Degmadaas oo uu ugu horreeyo Maayar Md. Maxamed Axmed Caateeye ayaa khasaarahaa soo gaadhay dhul-beereedkaa ka warbixiyey, waxana uu sheegay in beero badani baa’abeen oo daadkii u beddelay Boholo. Maayarka…

                                Read More

                                  Madaxa Darbi-jiifka Al-Mustaqbal Oo Munaasibadda Ciidul-fidriga Awgeed Farriin U Dirtay Shucuubta Reer Somaliland

                                  Hargeysa:11-Oct-2013(SDN)-Madaxa Derbi-jiifa Musaqbal  oo ku taalla Degmada Maxamed Moog Hooyo Luul Xasan ayaa shacabka reer Somaliland ugu Baaqday inay gacan ka geystaan sidii ay  ubadka yar yar xarunta lagu xannaaneeyo looga farxin lahaa ayaamaha ciidda. Maamo Luul Xasan oo gacanta ku haysa tiro ku dhaw 300  oo carruur derji-joof ah, ayaa shacabka ka codsatay inay…

                                  Read More

                                    Maamulka Dekedda Berbera oo Beeniyey War Laga Baahiyey Shirkadda Shidaal-qodista ka wadday Somaliland ee Genel Energy

                                    Berbera:11-Oct-2013(SDN)-Maamulka Dekedda Berbera oo uu Weheliyo Guddoonka Kastamka Berbera ayaa waxba kama jiraan ka dhigay war qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ay ka qoreen shirkaddii shidaal-qodista ka wadday meelo ka mid ah dhulka. Shirkaddan  Genel Energy oo muddo ka hor joojisay baadhitaanka shidaalka ayaa haatan bilowday inay qalabkeedii  la baxdo, waxana lagu eedeeyey inay…

                                    Read More

                                      Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Oo Go’aamo DHaxal Gal ah Ka Soo Saaray Dhacdooyinka ku cusub Somaliland.

                                        Hargeysa:11-Oct-2013(SDN)-Guddida Wanaagfarista iyo Xumaan-reebista Somaliland, ayaa soo saaray Qodobbo dhaxal gal ah oo ay u arkaan inay xal u noqon karaan dhacdooyin ugub ah oo in muddo ahba ku  soo kordhaya Guud ahaanba Somaliland, gaar ahaanna caasimadda Hargeysa.   Guddida oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabatay Xafiiska ay ku leeyihiin Degmada 26-ka Juune…

                                      Read More