Madaxtooyada Somaliland Oo Ururinta Qaadhaanka Waddada Ceerigaabo U Adeegsaaysa Wariyayaal Caanka ah Soomaalida Dhexdeeda
Hargaysa:13-Oct-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland Oo Dhawaan si hawtul-hamagnimo ah u dhagax dhigtay waddada ugu dhibaatada badan somaliland ee isku xidha ceerigaabo iyo Burco ayaa haatan ku mashquulsan sidii ay u baadi dooni lahayd kharashkii ku bixi lahaa waddadaas ay dhismaheeda madaxa u ridatay. Madaxtooyada ayaa markii ay dhinacyo badan wax ka eegtay islamarkaana ka warwarsan fulinta waddadaas…
