Uncategorized

Talaalkii Dabaysha oo si Habsami leh uga Socda Somaliland & Madaxda Caafimaadka oo u dhaba galaya hanaan socodkiisa

Hargaysa 23.October 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Cismaan Xuseen Warsame oo uu wehelinayo agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Cali Sheekh ayaa maanta kormeer ku soo maray sida uu talaalka dabayshu uga socdo Gobolka Gebiley.

taliyaha-jeelka-300x194Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Gebiley Dr Ciise warsame ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda warbixin ka siiyey sida uu talaalku uga bilaabmay guud ahaan gobolkaasi.

Dr Ciise waxa uu sheegay in guud ahaanba uu talaalku uga bilaabmay Gobolka sidii loogu talogalay isla markaana uu uga socdo si habsami leh, isagoo weftiga agaasimaha guud ku soo wareejiyey xarumaha MCH-yada ee Magaalada Gebiley, goobaha Schoolada ah iyo weliba rugaha ay ka hawlgelayaan Teamam-ka fulinaya talaalka dabaysha ee Da’ kasta.

Dhanka kalena Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Cismaan Xuseen warsame waxa uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenada ka shaqeeya xarumaha dhallaanka iyo hooyada ee magaalada Gebiley, iyagoo mas’uuliyiintaasi siiyey agaasimaha guud dhamaan warbixinaha ku saabsan xaaladda dhallaanka iyo hooyada ee gobolkaasi, una gudbiyey baahiyaha iyo caqabadaha ka hor yimaadda socodsiinata shaqada xarumahaasi, baahiyahaas oo uu agaasimaha guud ka ballanqaaday inay wasaarad ahaan wax ka qaban doonaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com