Muqdisho Jan 28 2013 (SDN)— Saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in Degmooyinka qaar ee Gobalada dalka Soomaaliya la geynayo ciidamo Booliis ah oo ka shaqeeya sugida dhanka ammaanka Magaalooyinkaasi.
Sida uu warbaahinta usheegay Shariif Sheekhuna Maya oo ah taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed xilli uu la hadlaye warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in iminka la qorsheynayaa in la geeyo Degmooyin kamid ah Gobalada dalka Soomaaliya ciidamo Booliis ah.
Wuxuu sheegay in goobaha ciidanka la geynayo ay kamid tahay Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose,isaga oo sheegay in Degmada Jowhar ay geeyeen ciidan taliyana loo magacaaabay.
Shariif Sheekhuna Maya ayaa sheegay in iminka uu socdo qorshe ciidan lageynayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.
Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamo Booliis ah la geeyay Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha hoose halkaasi oo ay ka shaqo bilaabeen ciidankaasi Booliiska.
SDN-Muqdisho
