Uncategorized

Taliyaha Booliska oo tabobar u furay xubno ka mid ah ciidanka baadhista dembiyada

Hargeysa, 13, May 2012 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa aqoon is-weydaarsi u furay 33 xubnood oo ka mid ah Saraakiisha baadhista dembiyada ee ka hawlgala saldhigyada booliska.

Tababarkan oo socon doona muddo 45 maalmood ah,waxaa lagu baran doonaa farsamada baadhista dembiyada,xeerka ciqaabta guud,iyo guud ahaan xeerarka kala duwan ee dalka lagaga dhaqmo ee khuseeya hawlaha ciidanka.

Hogaanka tababarada ee ciidanka booliska oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in fikirka tababarkan uu iska lahaa taliyaha ciidanka booliska, isla markaana uu u xil saaray fulintiisa.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo tayaynta aqoonta saraakiisha baadhista dembiyada ee ciidanka booliska,waxaanu\ taliyuhu xusay in caddaaladu ay ka bilaabanto OB-ga oo ah xafiiska baadhista kiisaska soo gala saldhigyada iyo rugaha booliska,taas darteedna baadhayaasha looga fadhiyo baadhis tayo leh oo cadaalad ku qotoma, si ay ummadu kalsooni ugu qabto booliska.

Waxa uu taliyuhu ku dhiirigaliyay Saraakiisha Ciidanka Booliska ee tababarkan ka qayb qaadanaya in mudada 45-ka cisho ah ee uu socdo ay ka faa’iidaystaan aqoonta la siinayo kuna dabaqaan hawlaha shaqo ee ay ummada u hayaan.

SDN, Hargeisa