Laascaanood 08.Jan 2014 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Asluubta ee JSL Sareeye Guuto maxamed Xuseen faaeax (Xiirane) ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood, socdaal ujeedadiisa tahay xog ogaal u noqoshada xaalada xabsiyada gobolkaasi iyo dib u habayntooda.
Taliyaha waxaa si weyn halkaa ugu soo dhoweeyey maamulka heer gobol iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee aaggaasi, isagoo markii uu taliyuhu gaadhay magaalada laascaanood si rasmi ah u gudo galay hawlihiisii.
Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax taliyaha Ciidanka asluubta ee JSL waxa uu booqday xabsiga dhexe ee Magaalada laascaanood, cisbitaalka guud ee Gobolka iyo xarumaha kale ee dawladda qaarkood, waxana uu kulamo la qaatay saraakiisha sare ee ciidamada aaggaasi isagoo ka dhegaystay warbixinaha dhanka amniga ee saacdihii u dambeeyey, halka sidoo kalena uu ku wargeliyey in kormeerkiisa ay qayb ka tahay dardargelinta hawlaha xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
