|

Taliye Daba-gale oo qorshaynaya weerar uu ku qaado guriga murashax Cirro

Taliyaha ciidamada booliska Somaliland ayaa la sheegay in uu qorshaynayo hawl gal ballaadhan oo weerar noqon kara, isla markaana ay booliska iyo cutubyo ka tirsan RRU ku qaadaan guriga uu xaafadda New Hargeisa ka degenyahay murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani.

Daba-gale ayaa maalin ka hor soo saaray hayaan uu ku sheegayo in Cirro uu urursaday ciidamo badan oo aan sharci ahayn, kuwaas oo gurigiisa ku sugan.

Arintan ayay dadka wax falan qeeyaa ku tilmaameen in ay tahay sifo uu taliye Daba-gale ku xalaadhanayo weerar uu ku qaado guriga Cirro, si uu u raali galiyo Muuse Biixi xilkana u ilaashado.

Xogo uu Qurbejoog ka helay guriga Cirro ayaa sheegaya in uu murashaxu keensaday ciidamo ay isku hayb yihiin, kadib markii laga qaaday ilaaladii uu hore u lahaa ee sharciga ahayd.

Comments are closed