|

Ergadii dhex dhexaadinta oo la kulmaya Muuse Biixi

Ergadii madax dhaqameedka ahayd ee isku xil qaantay dhex dhexaadinta xukuumadda iyo mucaaradka ayaa saaka la kulmaya madaxweynaha Somaliland.

Odayaasha ayaa marka hore kulan la leh wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland, kadibna waxay qasriga madaxtooyada kula kulmayaan madaxweynaha.

Waa dedaaladii ugu danbeeyay ee lagu dhex dhexaadinayay mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland oo isku haya goorta ay dhacayso doorashada ururada ee xisbiyadu ay kusoo baxayaan.

Xogo aanu ka helnay mucaaradka waxay sheegayaan in ay kaliya sugayaan go’aanka uu Biixi soo siiyo ergada, taasna ay jihayn doonto tallaabada xigta ee ay qaadayaan.

Qurbejoog wuxuu ogaaday in madaxweynaha Somaliland aanu ka tanaasulayn doorashada ururada in ay kasoo horayso doorashada madaxtooyada, waana arinta ay mucaaradku diidan yihiin.

Comments are closed