|

Taliyihii Saldhiga Booliska ee Arabsiyo oo u Geeriyooday Dhaawicii ka soo Gaadhay Toogasho askari uu Xukumayay kula Kacay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Si adag uga hadlay

Hargaysa 30.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee  uu ka baxay Taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay askari  ka mida ciidamadii uu xukumayey ee  Saldhiga Arabsiyo, kaasi oo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

 

ladileeeeeeeyMadaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybada qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xadgudbayso sharaftii qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee  uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

 

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed