|

Cuqaasha iyo Wax-garadka Beesha Dhuux-weyn Ee Isaxaaq Carre Oo Beeniyey Warar Been Abuura Oo Sheegayey Inay Beeshaasi Kalsoonidii Kala Noqotay Suldaanka Guud Ee Beesha Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey

 

unnamed (2) unnamedHargeysa 30/9/2014(SDN/QJ) – Cuqaasha iyo Wax-garadka Beesha Dhuux-weyn ee Isaxaaq Carre ayaa Beeniyey Warar been abuura oo sheegayey inay Beeshaasi kalsoonidii kala noqotay Suldaanka Guud ee Beesha Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ,

Cuqaasha iyo Wax-garadka Beeshan oo maanta warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa ayaa waxa cod dheer ku sheegeeen in laga been abuuray magacayadooda bayaan lagu baahiyey qaar kamida websatyada wararka iyagoo isla markaasina sheegay inay si weyn uga raaligalinayaan Suldaanka Guud ee Beesha Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey iyagoo isla markaasina tilmaamay inaanu Suldaanku gayin aflagaado iyo in hadalo xanafle loo mariyo Warbaahinta

Dhinaca kale ayaa Cuqaashii iyo Odayaashii Madasha ka Hadlay waxay raaligalin buuxda kasiiyeen Suldaanka Guud ee Beesha Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ay ku sifeeyeen inuu yahay Suldaan Qaran oo u siman dhamaan Beelaha Qaranka Somaliland gaar ahaana Beeshooda uu yahay Suldaankooda guud ee ay Ixtiraamka iyo Karamka ugu badan u hayaan ,iyagoo isla markaana marwalba la garabtaagan yihiin hiil iyo hoo wixii uu Suldaankoodu ugu baahdo

Gabagabadii waxa ay Odayaashii Shirka Jaraa’id qabtay cadeeyeen inay Sharciga la tiigsandoonaan cidii ku kacday falkaas foosha xun ee been abuurka ah

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed@Qurbejog.com

Concat@Somalidiasporanews.com

Comments are closed