Uncategorized

TALO IYO SIYAASAD XUMO IYO MADAX QAYR MASUUL AH OO U SOO BAADHASHO TAGEYSA WASHINGTON.D.C.KHARSHKAA SIIYA KUWIINA U BAAHAN

ALLAA MAHADLE 

Dhamaantiin waad salaaman tihiin. wariyaasha gaar ahaan idinku waxaad tihiin kuwa u hiiliya kawa aan dhawaaqa dheerayn ee la dulmiyo.

Waligaa iska ilaali inaad guuxaaga aad ka dheerayso iyo fatooshnimada xad dhaafka ah hana ku tagri falin hantida ummada. waligaana  hays odhanin cid kuma arkayse afka buuxsho.qadiyada s/land baan adduunka ka soo dhaadhicinaynaa way fiican tahay hadday dhab idinka tahay.
                                           
WAX KU QAADASHO;Waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah in saxaabil rasuulaha s.a.w. abuubakar sidiiq r.c. markuu islaamka khaliifka u ahaa ayaa marwadiisii r.c. waxay u samaysay macmacaan wuu u yeedhay waa maxay buu yidhi cuntada cusub ee inagu soo biirtay waxay tidhi mudo ayaan biilka ka uruurinayey beesteeno markay biirtay baan maanta inoogu sameeyey macaankan waxaa uu waydiiyey intay ka safgaraysay maalintii intii bay u sheegtay horuu u dhaqaaqay wasiirkiisii baytal maalka muslimiinta ayuu u yeedhay oo ku yidhi lacag qadarkeedu intaa yahay iga jar waayo waa nagu dheeraad ,alle haynaga dhigo kuwo wax kala soo dhex baxa xigmada madaxdeenii iimaanka inooga horeeyey iyo wanaagoodii iyo cadaaladoodii iyo siday kooda madaxda ahi ooga fakaraayey kuwooda aan waxba haysan iyagoo baahan inaanu cunin macmacaan raaciyadaadii oo gaajoonaysa in aad u soo xaflad tagto dhul kaa fog waa maangaabnimo iyo qayr masuul daro.

ILAAHAYOW NAGA SOO DHEX SAAR MADAX KUWAAYAGA LIITA U NAXARIISTA OO JECEL FOQORADA IYO AGOONTA IYO MASAAKIINTA OO HANTIDA UMMADAN AAN KU XAD GUDBIN AAMIN

Intaasi ka dib qoraal aan ka akhriyey hadhwanaagnews ayaa iga Dhaka faariyey oo odhanaayey madax 4wasiir iyo 5 madax urur iyo iska jir ah  oo u soo caways tageya 18may Washington d.c.anigii oo yaaban baan u kacay xagaa iyo masajidka dadkiiba waxay hadal hayaan makhaayada horteeda sheekadii oy yaaban yihiin hadaladana ay kor u qaadi  ood arki cadhada dadkaasi ka muuqata wajigooda sida ay ooga xun yihiin kuwa madaxda ummada isku sheegi iyo falalkooda maalin kasta  midkii soo yeedhaaba kii kale ka daran yahay  waa (habaar baynu odhan karnaa)

Waxaa hubaal ah in shirkaasi ay ku bixi doonto lacag aad iyo aad u badani qiyaas 2malyuun oo dollar lacagtaasi haddii dalka gudihiisa magaaladii u horaysay ee lagu qabtay 18may la galiyo waxaa ay dalka siin lahayd dhaqaale ku dhex wareega shacbigan oo laga dareemo isbadalka ilaa tuulo ilaa magaalda hotelada taxi yada maqaayadaha wax laga cuno ilaa bacadalayaasha ayaa lacagtaasi ku dhex faafi lahayd oo dadku dareemi lahaa jacaylkan haddii uu ka dhab yahay kuwan soo abaabulay shirkani.

Waxaa hubaal ah fikirka ka danbeeyey in shirkani lagu qabto Washington in aan ku tilmaami karno figrado ka soo baxay maskaxyo aan miyir qabin .oo codsigoodan ay shaadhkii 18may u  xidheen ay kuna  raaceen madax qayr masuul ah.

Haddii akhristoow lacagta nimankaasi madaxda ah la odhan lahaa tktka diyaarada iyo kharashka hotelka idinku jeebkiina iska soo baxsha oo dawlada s/land aanay waxba ka bixin ma u malaynaysaa inay iman lahayeen (nimankan xafiisyadooda qaar lagama helo waqtina way u hayaan inay u soo  cawys tagaan washinton waa maangaabnimo iyo fadeexad u soo hoyatay madaxda reer s/lan iyo calool xumo mid ku abuurtay shacbigoodan aanay danta  ka lahayn).

Waxaa hubaal ah in madaxdu iyo salaadiintu jecelyihiin malafsiga iyo sooryo sunah ah oon lagu bixin niyad fiican  iyo macsuumadaha dabadaha si ay ayaamo u soo seexdaan hoteelada dibadaha ayna u horyaacaan qaar la mid ihi ooy u uruurshaan lacag aan lagu bixin niyad, oo dadka lagu qasbo khaatiyaana laga yahay nimaankaasi iyo imantigooda war dhabtiisu waa sidaasi dibada dadkan joogaa waa xamaaliin dan yar ah oo 100$ dheer nin walba qaraabadiis baa meel u fadhida oogana xaq leh .ninkani dooni waxaanu lahayn inuu uruusado oo guri ku dhista waa kaaf iyo kala dheeri maalin waxay ka shaqeeyaan haddaad arki lahaydeen mad hungurayseen waad u naxi lahaydeen waaba haday idinku hadhay naxdinye.

Caqliga miyey gashaa waxaan aqaan kumaankun soomaali ah oo qurbaha joogay 20 sano aan wali guri dhisan dadaalayana dad waxtaraya haddana mid xidhan shaadh madax ama suldaan intuu yimaado yurub iyo ameerika 2bilood uu ku jiro hotel iyo macsuumada kana uruursada lacag uu guri ku dhisto.

Waxaan leeyahay warkiina khaatiyaan baa laydinka yahay dadka halkan joogana waxaad kaga tagtaan isnac iyo inay sii kala fogaadaan waayo suntan qabyaalada ayaad dadka ku kicisaan markuu nin yimaado kuway isku reerka yihiin baa hor boodi oo odhan isagoo xataa ladan lacag ha loo soo uruursho haddaad tiraahdo waar waa wasiire muxuu iiga baahan yahay adigaaba lagu weerari oo laguugu yeedhi magacyo qaadhaan diid tol diid iwm nimankaasi socodkoodii miyaanuu  khaarso keenin kuwii is jeclaa inuu kaga dhex tago isnac iyo sii kala jeesi  iyocolaad mahadho ah oo u soo gudibta dalka ilaa tuulooyinka aan dagno waxaasina waxaan odhan karnaa waa maangaabnimo u baahan inaan ka korno oo aan isku fakir ka ahaano (dhaqanka sooryada si  kale ha  loo badalo oo dhago u baahan)

 

Waxaan leeyahay noo soo dira kuwa ilaahay waxaanu siino noogu naxariisanyo ee dhatarka u baahan dalka gudihiisa lagu daweyn Karin ee dan yarta ah kuwaasi waxaa hubaal ah inaanu u gurman doono ducadoodan alle nooga soo jawaabi doono waayo waa kuwii nabigayagii sharaftaa badnaa s.a.w. nagala dardaarmay wanaajintaada risiqana lagu kordhiyo caafimaadkana lagu helo kuwaasi markay noo yimaadaan way iskaayo jecelsiiyaan oo na heshiisiiyaan waayo waa dan yar foqoro ilaahay bay u dhow yihiin allena waa jecelyahay kuwa jeclaadana waxaa hubaal ah in alle iyana caawin doono.

BILAA CALAYG naga joojiya fanaaniinta iyo salaadiinta iyo madaxda bilaa qorshaha ku socota ee sanqadhu u baxaysa ee dhinac ay ka xigtan aan garanaynin.

HADDII MAAMULKA DAWLADU SIDA KU SOCOTO MAXAA DHICI KARA

Waxaa dhici in kalsoonidii dadku lunto loona arko meeshii shirkad la kala boobayo oo dadku markaa yidhaa adba gobalkaaga maad sida oo kale u samaysatit maamul kuu gaar ah oo adduunka aad ku dawarsato. waxaanay ka dhalatay waxaad tustay aniga ha isoo eegin camalkaagii uun baan qoray oon muraayad kugu tusiyey.

KUWA WAXAAS OO MASHKILA U AABAHA IHINA WAA BAARLAAMNKAN IYO GOLAHAN GUURTADA EE GUDHAN HADDAANAY FAAIIDO IYO WAX QABAD U LAHAYN AMA AAN LAGAGA BAQAYNIN AAN FOODKA U QAADNO SIDII LOO XIDHI LAHAA WAAYO IDIINMA BAAHNIN WAX FAAIIDO AHNA LAYDINKAMA ARKIN XUKUNKANA NINKAA MADAWEYNAHA AH UUN BAA KA TALIYA SIDUU DOONANA YEELA WARKU SIDAASI WEEYE HADDII MINDIDIINU AF LEEDAHAY KA SOO WARAMA LACAGTA TKTDHA LAGU SOO RAACAYO DIYAARAD CIDA BIXINAYSA DHINACIINA AYEY DABAYSHU NOOGA SOO GASHEY G/BAARLAMANKAU HA KA HADLO HANTIDA UMMADA AY HORJOOGAYAASHA U TIHIIN OON AHAYN IS CASILA WAXAAD TIHIIN HAWLGAB DHAB AH WAX MATARAYAAL QAYLO BADAN(MAGAC UYAAL).

WARKA IYO GUNAANAD

Haddii aynaan garanaynin in aan maamulano dawladan si xalaal ah  waxaa aan leeyahay waxaa inaga maamul wanaagsan DAHABSHIILaan xukunka shirkadiisa u dhiibano waxaan hubaa inay dabad joogayaga 1malyuun iyo badhka ahna dalka ku  soo celin doonaan haddii alle yidhaa  waxqabad badan ay qaban doonaan haddi alle yidhaa sidaan ku ogaaday? ninka camalkiisa ayaa markhaati u noqda 5000meelood buu ka adeegaa 120wadan buu laxidhiidhaa oo fadhiyo ku leeyahay oo maamula waxis dhaafaana ayna jiri s/land maamulkanina  6safaaradood buu lahaa waa maamuli kari waayey dhowr iminka la xidhay markii kiradii la bixin kari waayey kharashkoodiina la musuqmaasaqay ood markhaati ka wada ahaydeen.

Waxaan ku kala tageynaa is jaceyl iyo walaalkiin oo idin leh runtoo la sheegaa way fiican tahay dhaliil kastoo laguu soo jeediyana ha u qaadan ceeb iyo colaad ee u qaado waano iyo inaad waxiskaga badasho talooyinka walaaladaa laguma madax adkaado ee taasi baa horumar lagu gaadhaa iyo is jaceyl

 
FUAD JAWI

OTTAWA CANADA