|

TALO IYO TUSAALOOYIN Qalinkii Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare) Qaybtii 2aad

Qubulteenna ayaa wadda-jirta, se caaddifadeenna ayaa kala duwan. Markii aynnu ololaha ku jirnay is maynaan arkii karayn, se markii uu dhammaday gacmaha ayaynu is qabsanay sidii innoo caddada ahayd. Eyadda oo aynnu ku kala taageersanayn reernimo, iyo is gaashaan buuraysinimo wayn waliba caaddifad, iyo nin jeclaysinimo ay ku jirto. Waxaa is marin waa ka jiray soo bandhigada umuuraha siyaasiga ah ee xisbiga, ama murashaxa ku tartamaya afkaartiisa, iyo waxqabadkiisa inta baddan dhallinta kala taageersanayd may wajahayn xaqiiqada, iyo baahiyaha aasaasiga ah ee dalkeenna ka taagan.

Tartamaasha laftoodu waxa ay innagu maaweelinayeen arrimo nafahooda ku sabsan iyo dhaliilo la soo dhaafay. Sida oo kale waxa ay qaybiyeen qalbiyadeenna, iyo qabiiladeenna. Waxa ay u dhaqmeen sida ay jecel yahiin, mararka qaar waxa aad arkaysay in laga meraysanayo xaqiiqada dhabta ah, ee dalkeenna ka taagan sida qiimo dhaca shilling soomaalilaan, iyo ascar baraarka ummada haysta.

 

Dhibta dalkeenna ka jirta ee ugu wayni waa qabyaalad, qaad, dawooyin tayadoodu liidato, iyo hoggaan la’aan dhinaca bulshadeenna ah, iyo siyaasad xumo sidaa wasiiro eyaga oo madaxwaynahu hor faadhiyo qabiil ku faannayay, shaqo aan loo dirsan haayay maaliyada, oo gadiid caafimaad, iyo waliba wareejinta ceelal biyoodyo sameysa. Sidaa oo kale wasiirka madaxtooyada oo haayay shaqo aan loo dirsan iyo ka hadalka jaango’nta sariifka iyo ku dhawaaqida xanibadda zaadka eyadda ay jooggan raggii shaqada laha wasaarada ganacsiga, bangiiga dhexe, rugta ganacsiga, iyo wasaraada maaliyada. Hore xisbiga kulmiye waxa uu balanqaaday waxbarasho bilaash ah, se lagama hayo waa lacag ololahii wax yaabaha uu ku faannayay ee waxqabadka ahaa ayay ka mid ahayeen. Biyaha caasimadda oo la wadda gaadhsiiyo ayay balantu ahayd lagama hayo.

 

In baddan ayaynu arkaynay taariikh loo sameynayo musharaxiin siiba labadda ugu awoodda xooggana tartanka madaxtinimadda dalkeenna. Waynnu ka wadda dharagsanahay raadraaca midkaste iyo wuxuu u soo qabtay qarankiisa iyo inta u yeelayba ciddkasta oo taariikhda ka warhaysa loogama sheekayn karo wax la soo dhoobdhoobay iyo wax kama jiraan. Hawraartan ayaan isku dayay mar hore oo aan maqlay raadraac been ah

” Taariikhdu been ma sheegto se dadka ayaa ka been sheegga” idiris tooxyare inta yar ayaan ku darsaday.

 

 

Xolashada hoggaanka mustaqbalka majaharaha innoo qabanayaa uma baahna qabyaalad iyo qudhun. Se waxa aynnu ugu baahan nahay karti, iyo kalsooni nafeed. Hal-adayg, iyo hadaf caddaan aan gabasho lahayn. In ay bulshaddu joojiso eexashada, iyo nin jeclaysiga Abtirsiinta ku dhisan. In lagu beddelo qof waxqaban karo cidda uu doonno ha ahaade. Anigu shakhsiyan waan sameyn doonna sannadkanna waan sameeyay in aan doorto qofka aan u maleeyo inuu ku habboon yahay hoggaaminteeda sidan si la mid ah sannadaha danbe na waan sii waddii doonaa ka hortaga qabyaalada. Waxa iskaga keen khaldan qabiilkii iyo xisbinimadii. Xisbimnimo waa aragti siyaasi ah, ama afkaaro kala duwan oo la isku keenay, oo ay keeneen shakhsiyo kala qabiil duwan, kala afkaaro duwan oo ay midaysay u jeedooyin mid ah, amaba qaar kala duwani.

 

La soco qaybta 3

 

Qalinkii Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare)

Comments are closed