|

TAXANE: Maxaad ka taqaan Awoodaha Caruurta Marwada madaxweynaha Jabuuti ay u dhashay Raiisul wasaarihii hore ee Jabuuti(Qeybtii 4aad)

Paris June 25, 2015(SDN/QJ)-Caruuta ay Marwada madaxweynaha Jabuuti u dhashay raiisul wasaarihii hore ee Jabuuti Cabdalla Kaamil ayaa waxa ay saameyn weyn ku leeyihiin siyaasada iyo dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Najiib Cabdalla Kaamil oo ay dhashay Khadra Maxamuud Xeyd ayaa haatan ah xoghayaha gaarka ah ee raiisul wasaaraha haatan ee dalka Jabuuti. Waxaanu leeyahay xidido beeleedyo kala duwan marka la eego hanaanka beelaha Jabuuti. Aabihii waa Canfar, hoyadii waa Isaaq, Adeerkii hoyadii qaba Waa ciise (Mamaasan) Ismaaciil Cumar Geelle, xaaskiisuna oo u leh labo hablood oo mataano ah iyo inan waa Ciise(Furlabe), oo waxa ay ilmo adeer yihiin wasiirka maaliyada Ilyaas Muuse Dawaleh, iyaduna waa ina Siciid Dawaale oo  hore kooto ugu heystay ganacsiga Qaadka(SOGIK).

najiib

Najiib Cabdalla Kaamil ayaa kobociisa siyaasadeed waxa uu abaal ugu hayaa hooyadii marwada madaxweynaha, khaasatan intii ka danbeysay kolkii ay heshiiyeen. Najiib sida walaashii Nazil Cabddala Kaamil oo 43 jir ah Hooyadii cilaaqaad wanaagsan mey laheyn.

Najiib waxa uu 1990 naadkii ka dib kolkii uu maray imtixaankii Jaamacada waxa xurguf ka careysiisay ay dhex martay isaga iyo hooyadii, si toos ahna waxa ay isugu dheceen Ismaaciil Cumar Geelle oo xilgaa ahaa madaxa xafiiska Madaxweyne Xasan Guuleed Abti doon.

Najiib waxa uu sanadii 1992dii ku biiray jabhadii Canfarta ee hubeysneyd ee (FRUD), balse Kama uu qeyb qaadan dagaaladii qaraaraa eek a dhacay woqooyiga dalka, waxaasu u xilsaarnaa abaabulka waxaanu kolkii hore joogay Yemen, inta badanse waxa uu ku sugnaa Itoobiya.

Xiligaa waxa uu Najiib magan u ahaa Mohamed Kadamy oo haatan Farance mustaafuris ku jooga isla markaana ah madaxa garabka hubeysan ee (FRUD) eek u sugan woqooyiga Jabuuti. Intii aaney dawlada Itoobiya dalkeeda ka mustaafurin madaxdii (FRUD) ee aan ka dibna lagu xirxirin Jabuuti ayuu Najiib mawqifkiisii bedelay isuna dhiibay hooyadii sanadii 1997kii.

Intaa wixii ka danbeeyay waxa ay marwada madaxweynaha Jabuuti la gacanta ku dhigtay oo la wareegtay maareynta hamiga siyaasadeed ee Najiib Cabddlah Kaamil, waxaaney adkeysay in ay asaxaabtiisii FRUD wax xiriir ah yeeshaan, waxaanu ka soo shaqeeyay safaarada Washignton sanadihii 2004tii ilaa 2006dii ka dibna ku dhawaad toban sanadood ka hawlgelayay safaarada Paris ee Jabuuti, halkaas oo uu maareynayay dhaqaalaha ku baxa deeqaha waxbarosho ee ardeyda.

Waxaase fursadii siyaasadeed ee u weyneyd ay soo martay intii ka danbeysay geeridii ku timi abtigii Jaamac Maxamuud Xeyd oo ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jabuuti, geeridaa oo sababtay cidlo dhanka kalsoonida siyaasada ah in ay soo wejahday Marwada madaxweynaha Jabuuti.

KMudo kooban ka dibna waxa ay Khadra Xeyd goaansatay in ay ku khamaarto Najiib Cabdallah Kamil, waxaaney u dhiibtay in uu maareey tartankii kuraasta Baarlamaanka Jabuuti ee sanadii 2013kii khaasatan kuraastii loogu tartamaya gobolka Oboch ee xisbiga (UMP).

Ka dibna waxa loo magaacabay Xoghayaha Raiisul wasaaraha Jabuuti si uu u noqdo dhegaha iyo indhaha ay madaxtooyadu ku leedahay xafiiska Raiisul wasaaraha. Marwada madaxweynaha Khadra Xeyd ayaa sidoo xiriir dhaw haatan la leh Xoghayaha xafiiska xukuumada Maxamed Xasan Cabdilaahi.

Xilkaa loo magaacaabay ayuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u isticmaalay sidii wadahadalo loogu furi lahaa Mucaaridka Jabuuti ee USN, Najiib ayaa safaarada Jarmalka si kedis ah ugu la kulmay Xoghayaha Guud ee USN Cabdiraxmaan Maxamed TX Geelle dhamaadkii horaantii 2014kii, Najiib ayaa balanqaaday in uu ka shaqeyn doono wada hadalada xukuumada iyo dawlada, dhamaadkii isla sanadkaana waxa ay labada dhan kala sexeedeen heshiis. Aqootii uu u lahaa mucaaridka ayaa ka caawisay in uu ku guuleysto in wadahadaladu miro dhlaan. Mar uu horaantii Sanadkan ku sugnaa Paris waxa uu dalbaday in uu kulan la yeesho madaxa FRUD Maxamed Kadamy, ka dib kolkii ay arinkaa soo fareen madaxweynaha iyo hooyadii. Najiib ayaa Maxamed Kadamy u sheegay in uu doonayo qodoboda lagu soo xero gelin karo (FRUD). Waxa loo sheegay in FRUD ay dooneyso qodobo ka balaaran kuwa USN, oo dooneysa dhismaha Guddi Doorasho oo madaxbanaan, laakiin ay diyaar u yihiin ibedel nabad ku saleysan oo ay dusha kala socdaan cid labada dhan ka madax banana.

Najiib Cabdalah Kaamil ayaa haatan madax ka ah tiro mashaariic iyo gudiyo heyado horumarineed, oo ay ka mid yihiin heyada sheybaarka Cunada Jabuti, waxa isaga iyo Jeylani Xasan Maxamed wada jir u leeyihiin Harmonica services, oo heysta mashaariic naadafad iyo amni. Mashaariicdaa ayaa waxa hore u heystay Yasiin colaad Faarax oo fadeexadoobay bartamihii 2012kii. Najiib Walaashii Nazli Cabdallah Kaamil oo ah xaaska wasiir Cali Xasan Bahdoon ayaa iyadu uga dheereysay dhanka ganacsiga. Waxa ay madax ka aheyd Djibouti Chamber of Commerce, inkastoo ay leedahay aqalo hadana waxa ay ku noosha aqal hooyadeed leedahay oo ku yaal Plateau du Serpent.

Horaantii sanadkan ayaa Nazli oo gacan ka heyesa walaasheed Faadumo Cawo Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay ku guuleystay afgenbi weyn oo ay saami ku yeelatay Mediagroup, oo ah shirkad ay leedahay Kadra Cabdi Dugsiiye oo ah hawweney ka ganacsata isgaarsiinta oo isla markaana la Talisa wasaarada isgaarsiinta Jabuuti.

Mediagroup ayaa xiriir la leh shirkada TVyada Faransiiska ee Canal+ si ay u soo gudbiyaan barnaamijyada lacagaha lagu daawado ee caalemiga ah, hxiriirkaa ooh ore loogu diiday xaaska safiirka Jabuuti ee dalka Jabuuti Maxamed Idiris Farax, xaaskii ayaa ka soo jeeda Congo.

Nazil Cabdallah Kaamil ayaa qudheeda haatan baadi goobta ganacsiyada naafada iyo amniga oo ay kula tartan heyadaha Qaranka.

Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa qudhiisa leh inan uu ka dhalay xaaskiisii hore Warmoog Axmed Abar oo la yiraahdo Liibaan Imaaciil Cumar oo dhashay sanadii 1975 ka dib kolkii ay aabihii iyo hooyadii kala tageen.

Liibaan ayaa waxaasoo koorsaday hooyadii iyo seygeeda isaga iyo caruur ay waalo yihiin, Ismaaciil Cumar Geelle Ayaan soo dhweysan inankiisa, waxaaney xaaladu sii xumaatay kolkii uu aabihii guursaday Khadra Maxamuud Xeyd oo gaartay ilaa in ay ka xaarintimeyso in uu madaxtooyada yimaado. Iminka oo afatameeyadii galayna inanka ugu weyn ee Ismaciil Cumar Ayaan siyaasada lagu arag, waxaasu uu ka macaashaa mashaariicda qaar sida keenida gawaarida Asia, waxa uu leeyahay tiro gawaari kuwa xamuulka ah oo alaabada ka keena Itoobiya, waxa uu xiriir dhaw la leeyahay shirkado Asian ah sida Hanaro Telecon iyo Isuku, wuxuu sidoo kale leehay dhismeyaa sida xubnaha kale ee qoyska madaxweynaha.

Xiriirka uu la leeyahay Madaxweynaha Jabuuti ayaa u sahlaya in uu ka helo amaaha Baanka, sidoo kale waxa uu taageero ka helay Djibouti Economic Development si uu u dhiso wershed sameysa Pastada.

 

SDN/QJ-Paris

contact@qurbejoog.com

Comments are closed